Wariye Shaaciyay In Zinedine Zidane Uu Qarka U Saaran Yahay Inuu Iska Casilo Shaqada Tababare Ee Real Madtrid & Sababta Ka Danbeysa

Tababare Zinedine Zidane ayaa qarka u saaran inuu isaga tago Real Madrid ka dib markii looga baxay balantii aheyd in kooxda la keenayo xagaagan Paul Pogba.

Zidane ayaa xagaagan oo dhan ku amrayay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez inuu xaqiijiyo soo xerogelinta xiddiga khadka dhexe ee Man United Pogba.

Los Blancos ayaa lacag badan qarashgareysay xagaagan iyagoo soo iibsaday xiddigo ay ka mid yihiin Eden Hazard, Luka Jovic, Ferland Mendy iyo Eder Militao.

Laakiin Zidane waxa uu doonayaa Pogba, waxaana uu ku adkeysanayaa inay qasab tahay in loo keeno xiddiga Manchester United haddii ay doonayaan inay koobabka waa weyn kula tartamaan Barcelona iyo Atletico Madrid.

Joornaaliistaha Diego Torres oo u sheegay wargeyska Isbaaniska ee El Pais ayaa u sheegay wargeyska Ingariiska The Independent in Zidane uu qarka u saaran yahay inuu iska casilo shaqadiisa madaama balantii looga baxay.

“Inaan lala soo wareegin Pogba waxa ay ka dhigeysaa Zidane mid qarka u saaran inuu iscasilo” ayuu yiri Torres.

“Zidane ayaa si shaqsi ah uga balanqaaday Pogba inuu keeni doono Madrid, haatana waxaa laga dhigay nin balantii uga baxay Pogba.

“Waxay tani sii kordhineysaa kalsooni xumada ka dhaxeysa Zidane iyo Florentino Perez.

“Zidane isaga ahaan waa isagu mid Pogba iyo qorshihiisa kooxda. Wixii loo balanqaaday looma sameynin.

“Zidane waxa uu u soo laabtay inuu gaashaan u noqdo Florentino, laakiin durbaba waa laga gaaray dantii siyaasadeed iyo midii mushtamac ee laga lahaa.”