Wariye Nicolo Schirra Oo Jamaahiirta Man United La Wadaagay Go’aanka Xiddiga Ay Ka Sugayaan Madaxda Kooxdooda Ee Bruno Fernandes & Haddii Uu Kusoo Biiri Doono.

Wariye Nicolo Schirra oo ka hawl gala wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa war cusub kasoo saaray rabitaanka khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes oo si aan kala joogsi lahayn loola xidhiidhinayo Man United.

Fernandes ayaa suuqa xagaagan noqday bar-tilmaameedka koowaad ee ay Manchester khadka dhexe u doonayso suuqa xagaagan kaddib xilli ciyaareed aad u wanaagsan oo uu kusoo qaatay kooxda dalkiisa.

Bruno ayaa xilli ciyaareedkii hore horyaalka Portugal kasoo dhaliyay 20 gool 13 kalena caawiye ka ahaa kaddib 33 kulan oo uu ciyaaray waxaana uu Lisbon u sahlay inay booska saddexaad kasoo gasho kala sarreynta horyaalka.

Wariye Schirra ayaa sheegay in 24 jirkani uu doonayo oo uu qalbiga gashaday inuu kooxda Ole Gunnar Solskjaer waxaana uu sidoo kale xusay in United ay dhinac kale ka doonayso Sergej Milinkovic-Savic oo Lazio ka tirsan.

Nicolo Schirra oo barta Twitter-ka adeegsanaya ayaa yidhi “Dookha koowaad ee Bruno Fernandes waxa uu baaqi ku yahay Manchester United, Isagu waxa uu sugayaa heshiis dhex mara Red Devils iyo Sporting”

“Dhinaca kale Ed Woodward waxa uu xiisaynayaa Sergej Milinkovic-Savic laakiin Lazio waxay doonaysaa 120 Milyan si ay isaga u iibiso”.

Man United ayay ka go’antahay inay suuqa xagaagan kala soo saxeexato khad dhexe oo cusub kaddib markii uu kooxdeeda ka tagay Ander Herrera oo qaab xor ah ugu wareegay Paris Saint-Germain.

Sidoo kale mustaqbalka Paul Pogba ayaan ahayn mid wali meel ku cad waxaana uu doonayaa inuu baxo sida uu sheegay wakiilkiisa Mino Raiola xataa haddii u taageero ka helayo tababare Solskjaer.