Wargeyska Tuttosport Oo Mashaqo Kale Dhex Dhigaya Kooxda Real Madrid Kaddib Markii Uu Daaha Ka Qaaday Sida Uu Cristiano Ronaldo Ugu Dadaalayo Inuu Saxiibkiisii Hore Ee Marcelo Kusoo Biiro Juventus.

Wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Turin ee ay ka dhisan tahay kooxda Juventus ayaa u muuqda mid markale madax xanuun ku abuuraya kooxda Real Madrid kaddib markii ay baahiyeen warar sheegaya in Cristiano Ronaldo uu saxiibkiisii Real Madrid ee Marcelo kusoo jiidayo kooxda Juventus.

Marka ay noqoto bixitaan laga baxayo Madrid, Jamaahiirta Real Madrid iyo madaxweynaha kooxdaas ayay xilli suuqan ku tahay argagax maadaama oo ay kooxda ka baxeen Tababare Zinadine Zidane, Mateo Kovacic iyo hoggaamiyiihii safka ee Cristiano Ronaldo xilli aan wali si buuxda xal looga gaadhin mustaqbalka Luka Modric oo lala xidhiidhinayo Inter Milan.

Cristiano and Marcelo.

Haddaba wargeyskan oo ah mid caan ka ah gudaha magaalada Turin ayaa maalinimadii Khamiista ee shalay boggiisa hore ku daabacay war uu cinwaan uga dhigay “Marcelo waxa looga yeeedhayaa Juve”, Warkan ayaana ka sheekaynayay qaabka uu Cristiano Ronaldo oo hore Juventus ugu biiray uu haatana iskugu dayayo inuu daafacan ree Brazil keeno horyaalka Serie A.

Wararka sheegaya in Marcelo uu Ronaldo kula midoobi karo Bianconeri ayaa isasoo taray kaddib markii ay inta badan ee saxaafada Talyaanigu adeegsatay waraysigii uu Marcelo bixiyay sanado kahor isla markaana uu ku sheegay inuu jecel yahay ka ciyaarista Juventus iyo inuu maalin uun maaliyadeeda xidho.

Haddii Marcelo uu go’aan ku gaadho inuu maro wadadii CR7 isla markaana ku biiro Juventus waxa ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Los Blancos oo u muuqata mid furtay wada

Si kastaba ha ahaatee, Kaddib markii uu seegay safarkii ay kooxdu ku tagtay dalka Maraykanka si ay iskugu diyaariso xilli ciyaareedka, Marcelo ayaa dhawaan kusoo laabtay xarunta tababarka kooxdiisa ee Valdebebas si uu iskugu diyaariyo xilli ciyaareedkii 13-aad ee uu ku qaadanayo Caasimada Spain.