Wargeyska TuttoSport Oo Daaha Ka Qaaday Kooxda Uu Xiddiga Real Madrid Ku Dhibaataysan Ee Isco Doonayo Inuu U Wareego, Manchester City Mise Juventus?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco ayaa dhibaato mudanayay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa, Wargeyska TuttoSport ayaa daaha ka qaaday koox uu xiddigani qalbiga gashaday oo uu doonayo inuu u wareego haddiiba ay wax iska bedeli waayaan xaalkiisa Madrid.

Kooxaha Isco xiisaynaya ayay kamid yihiin Manchester City iyo Juventus oo ah laba kooxood oo ay hoggaaminayaan laba tababare oo xiddigan si aad ah u qiimeeya.

TuttoSport ayaa sheegaya in xiddigii hore ee kooxda Malaga uu doonayo u dhaqaaqista kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus haddii uu ka baxayo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Juve ay sidoo kale doonayso daafaca bidix ee Los Blancos ee Marcelo tan iyo markii ay la saxeexdeen Ronaldo, Marcelo ayaa ahaa saaxiibka ugu fiican ee uu CR7 kulahaa Real.

Xidhiidhka uu la leeyahay tababaraha cusub ee Santiago Solari ayaa ah mid aan wanaagsanayn waana xaalad qasbi karta in xataa kooxo kale ay soo galaan raacdada Isco.

Doorka Isco kaydka lagu galiyay kulamada horyaalka La Liga iyo in gabi ahaanba laga saaray safka kooxdii wajahaysan AS Roma ayaa dib usoo kicisay wararkii la xidhiidhinayay inuu iskaga baxo Bernabeu.