Wargeyska The Sun Oo Ogaaday In Manchester City Ay Cabasho Rasmi Ah Ka Gudbisay Garsoore Michael Oliver Kadib Kulankii Lagu Dilay Anfield.

Kooxda Manchester City ayaa lagu soo warramayaa iney cabasho ramsi ah ka gudbisay garsoore Michael Olivier kaas oo dhexda ka taagnaa kulankii ay Anfield kula ciyaareen kooxda Liverpool, kulanka wuxuu ahaa mid ka tirsan Premier League oo ay difaacdayaasha guuldaro la kulmeen.

Manchester City waxaa lagu garaacay 3-1 kulankii ay la ciyaareen Liverpool, waxeyna natiijadaas dhalisay iney dhibco gaarayaa (9) kor u fiiriyaan hogaanka horyaalka.

Citizens waxey u dhaceen kaalinta 4-aad ee horyaalka, waxeyna ogyahiin iney kadib fasaxa kulamada caalamiga ah la ciyaari doonaan Chelsea oo dhibic qura ka sarerysa.

Guardiola iyo kooxdiisa waxey tabanayaan in qaladaad garsoore ay ciyaarta ka dhaceen, waxeyna kaamirooyinka qabanayeen macalinka reer Spain oo ku qeylinaya in laba jeer laga inkiray fursad la siin karay kooxdiisa, dhamaadka kulanka wuxuu u mahad celiyay garsooraha.

Advertisements

Wargeyska The Sun ayaa shaaca ka qaaday in Manchester City ay fcabasho rasmi ah ka gudbisay Michael Olivier 24-saac kadib kulankii ay labada kooxood ciyaareen.

Sidoo kale maanta waxaa jira kulan ay isugu imaanayaan milkiilayaasha kooxaha horyaalka iyo gudoonka sare garsoorka taaso looga hadlo doono aaladda garsoorka caawisa ee VAR.

Aaladaan dhibaatooyin badan ayaa laga tirsaday tan iyo bilowga fasalkaan balse Riley oo ah gudoonka sare ee ururka garsoorka ayaa aaminsan iney aaladaan wax badan soo kordhisay.

Advertisements