Wargeyska The Metro Oo Shaaca Ka Qaaday Abaalmarintii Uu Jose Mourinho Ku Maamuusay Xiddigaha Kooxdiisa Kaddib Markii Ay U Bad-Baadiyeen Shaqadiisa Kulankii Newcastle United!!.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa abaalmariyay xiddigaha kooxdiisa ee culayska ka yareeyay kulankii Newcastle United ay guusha soo laabashada ah ee cajiibka ah kaga gaadheen gegida Old Trafford.

Red Devils ayaa laga naxsaday bilawgii ciyaartan kaddib goolal ka kala yimid Kenedy iyo Yoshinori Muto balse xiddigaha Man United ayaa diiday kulan kale oo dhibaato ah waxaana goolal ay kala dhaliyeen Juan Mata Garcia, Anthony Martial iyo Alexis Sanchez ay dhammaystireen soo laabasho layaab lahayd.

Wargeyska ree England ee The Metro ayaa shaaciyay in Mourinho uusan noqon mid abaalka garan waaya balse uu jawaab deg-deg ah ku abaalmariyay xiddigaha kooxdiisa isla markaana uu siiyay hal maalin oo fasax ah oo dheeraad ah.

Fasaxan ayaa ahaa mid aysan wada helin xiddigaha kooxdu maadaama oo ay ciyaartoyda qaar u ambabaxeen gudashada waajibaadkooda xulalka qaranka balse waxa fasaxaas helay xiddigaha xulalkooda ka maqan oo ay ugu horreeyaan Juan Mata, Anthony Martial iyo Chris Smalling.

Kaddib guushaas soo laabashada ahayd Man United iyo Mourinho ayaa haysta 11 cisho oo ay diyaar garaw fiican u sameeyaan kulanka ay 20-ka bishan booqan doonaan kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee Chelsea oo ay Stamford Bridge ku balansan yihiin.