Wargeyska “Sport” Oo WAR CUSUB Kasoo Saaray Wararka Antoine Greizmann & Wixii Ay Saxaafada Kale Sheegaysay Oo Beenoobay.

Wargeyska Sport oo ah mid kasoo baxay gobolka Catalonia isla markaana kooxda Barcelona aad ugu dhaw ayaa war cusub oo ka duwan wararkii saxaafada kale kasoo saaray Antoine Greizmann oo lala xihiidhinayo Barca.

Haddiiba saxaafada kale ee kubadda cagtu ay qortay in Barcelona ay doonayso saxeexa Greizmann oo dhawaan shaaciyay inuu Atletico Madrid ka baxayo Sport ayaa aaminsan in kooxdaasi aysan wax xiiso ah u qabin saxeexiisa.

Wargeyska ayaa sheegaya in qolka labiska ee Barca aan si wanaagsan looga soo dhawayn wararka sheegaya in Greizmann uu ugu dambayn kooxdooda kusoo biirayo sababtuna ay tahay qaabkii uu iskaga diiday suuqa xagaagii hore.

Haddii aynu dib u milicsano, Barcelona ayaa xagaagii hore dalab ka gudbisay Greizmann kaddib markii uu wakhti badan ka fikirayay haddii uu Atletico ka baxayo iyo haddii kale balse uu go’aansaday inuu sii joogo kooxda ree Madrid.

Ciyaartoyda Barcelona ayaan wali iloowin qaabkii uu Antoine Greizmann albaabka uga xidhay kooxdooda isla markaana uu mushahar kordhin 24 Milyan gaadhsiisan uga helay Atletico Madrid.

Sport ayaa intaas ku daraya arrin kale oo xiiso weyn leh oo ah in xataa ciyaartoyda Barcelona ay doonayaan inay si toos ah madaxda kooxdooda ugu sheegaan inaysan doonayn Greizmann inuu kooxda yimaado xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegaya in ciyaartoyda Barcelona ay sababo ciyaaree kaga soo hor jeedaan xiddigan oo aysan u arkin mid ku haboon qaab ciyaareedka kooxdooda.