Wargeyska Mirror Oo Shaaca Ka Qaaday Talaabo Uu Qaaday Bartilmaameedka Manchester United Ee Gareth Bale Oo Farxad Galinaysa Jamaahiirta Kooxdaasi.

Wargeyska kasoo baxa dalka ingiriiska ee Mirror ayaa shaaciyay talaabo farxad weyn u ah jamaahiirta kooxda Manchester United iyo maamulkeeda oo uu qaaday xiddiga ay sida weyn u baacsanayaan ee Gareth Bale oo isaga qudhiisu u muuqda mid diyaar u ah koox badalasho.

Garabka Real Madrid ayaa door wayn ka ciyaaray guushii ay kooxdu ka gaadhay dhigeeda Liverpool ee kulankii kama dambeysta UEFA Champions League isaga oo shabaqa taabsiiyay laba gool isla markaana u soortogaliyay kooxda inay hanato tartankaas markii saddexaad oo xidhiidh ah.

Laakiin ciyaarta kaddib Bale ayaa sheegay war aan farxad galin maamulka sarre ee Los Blancos isaga oo shaaciyay inay suurtogal tahay inuu isaga hayaamo kooxda isla markaana uu ku biiro koox cusub gudaha xili suuqan, Manchester United iyo kooxda Bayern Munich ayaana u muuqday labada kooxood ee ku tartamayay helista adeega 28 jirkan.

Haddaba wargeyska Mirror ayaa shaaca ka qaaday in Gareth uu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa isla markaana uu kala doortay labada kooxood ee United iyo Bayern isaga oo u sheegay Bayern Munich inuusan xiiso u hayn horyaalka dalkooda ee Bundesliga isla markaana uu ku laaban doono horyaalka Premier League haddiiba uu go’aan ku gaadho inuu isaga tago kooxdiisa haatan.

Jose Mourinho tababaraha Manchester United ayaa la fahansan yahay inuu taageero weyn u yahay 28 jirkan ree Wales isaga oo bartilmaameed u ahaa tan iyo markii uu ku biiray Real Madrid, Dhinaca kale Bale ayaa la sheegaya inuu xiiso ka helayo kooxaha Tottenham oo uu hore ugu soo ciyaaray iyo kooxda Chelsea laakiin United ayaa lagu sheegay inay tahay kooxda kaliya ee u babac dhigi karta dalabaadka xiddigan.