Wargeyska Marca Ee Dalka Spain Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshaha Real Madrid Ee Kaga Aadan Mustaqbalka Francisco Isco.

Saraakiisha kooxda Real Madrid ayaa waxay go’amiyeen mustaqbalka laacibka reer Spain Francisco Isco ee garoonka Santiago Bernabéu, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in dhamaadka xili ciyaareedkan uu baxayo.

Francisco Isco ayaa wuxuu bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii ugu dambeeyay uu kasoo muuqday xulkiisa qaranka Spain, kadib markii uu saddexley ka dhaliyay xulka Argantina oo ay guul kaga gaareen Argantina 6-1, taasoo keentay in saxaafada ay ka hadasho in Isco uusan cadaalad ku heysan gudaha kooxda Los Blancos, maadaama uusan fursad siinin Zinedine Zidane.

Wargeyska “Marca” oo si xoogan ugu dhaw kooxda Real Madrid ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Los Blancos aysan dooneynin in sina ay u fasaxdo Francisco Isco xili ciyaareedka soo aadan, ilaa iyo hal xaalad mooyee, taasoo ah in 25 jirkan uu ka dal bado saraakiisha kooxda in ay fasaxaan.

Francisco Isco ayaa lagu soo waramayaa in mustaqbalkiisa uu ku jiro labadiisa gacmood, iyadoo ay ku xirnaan doon doorka uu ku yeelan karo shaxda kooxda Real Madrid isbuucyada kooban ee ka harsan xili ciyaareedkan, taasoo go’aamin doonta inuu joogi doono ama uu isaga tagi doono garoonka Santiago Bernabeu.

Waxaa xusid mudan in xaalada Francisco Isco ay isha ku heyso kooxda reer England Manchester City oo ah kooxda ugu cad cad ee haatan dooneysa saxiixa mucjisada xulka qaranka Spain.