Wargeyska “AS” Oo Tooshka Ku Ifiyay Hoos U Dhaca Xili Ciyaareedkan Ku Yimid Qaab Ciyareedka Marco Asensio & Zinedine Zidane Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Arintan.

Wargeyska ree Spain ee “AS” oo si aad ah ugu dhaw kooxda ka dhisan caasimada ee Real Madrid ayaa wuxuu tooshka ku ifiyay hoos u dhaca xoogan ee ku yimid qaab ciyaareedka da’ayarka ree Spain Marco Asensio xiliyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, waxayna arintan walwal xoogan ku abuureysaa macalinka ree France ee Zinedine Zidane.

Marco Asensio oo ay haatan da’adiisu tahay 21 jir ah ayaa haatan ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican qaarada Yurub, kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Real Madrid, islamarkaana uu kooxda ka caawiyay inay ku guuleystaan horyaalka La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba “AS” ayaa warbixin uu dabaacay wuxuu daboolka kaga qaaday in Marco Asensio uu qeyb ka ahaa xidigihii ugu fiicnaa Los Blancos. Kadib markii uu ka dhaliyay 4 gool horyaalka La Liga bilawgii xili ciyaareedkan, laakiin kulamadii lasoo dhaafay uu laacibkan kasoo muuqday safka kooxda Real Madrid ayuusan laacibka soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay.

Si walbaba macalinka ree france Zinedine Zidane ayaa murugo xoogan ka muujiyay in laacibkan uusan gaadhin shabaqa 6-dii kulan ugu dambeysay, xili laacibka xiliyadii lasoo dhaafay uu kooxda kaga maqnaa dhaawac.

Laakiin Real Madrid ayaa guud ahaan xili ciyaareedkan waxa ay la dhibtooneysaa natiijooyin aan wanaagsaneen, kadib markii ay ilaa iyo haatan ay kaga jiraan dhanka kala sareynta horyaalka La Liga kaalinta 4aad, waxaa intaas sii dheer in wareega 16ka Champions League ay xili ciyaareedkan kaga soo gudbeen booska 2aad kadib Tottenham Hotspur.