Wargayska Sport Oo Soo Bandhigay Hadal Cadho Wayn Ku Abuuraya Jamaahiirta Real Madrid & Cristiano Ronaldo Oo Uu Julen Lopetegui Ka Sheegay Lionel Messi.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid iyo xidiga ugu muhiimsan kooxdooda ee Cristaino Ronaldo ayaan jeclaysan doonin hadalo uu macalinkooda cusub ee Julen Lopetegui uu ku qeexay Lionel Messi markii uu sharaxaada ka bixinayay sababtii uu codkiisii abaal marinta Ballon d’Or ee 2017 ii uu ugu hibeeyay xidiga ree Argentina.

Julen Lopetegui ayaa ka mid ahaa tababarayaashii xulalka qaramada aduunka ee Lionel Messi u codeeyay wuxuuna markaas sheegay in Lionel Messi uu yahay xidigii abid ugu fiicnaa kubbada cagta ee uu arkay isla markaana aanu filayn in uu waligii arki doono ciyaartoy Messi oo kale ah.

Waqtigaas may jirin sabab tababare Julen Lopetegui ku kalifaysay in uu hadalkiisa kala doorto sababtoo ah waxa uu ahaa isla macalinka xulka qaranka Spain ee uu haddaba hayo wuxuuna u arkayay in Lionel Messi uu yahay xidiga abid ugu fiican kubbada cagta-miyay hadda arintaas wax iska badali doonaan?.

Saxaafada gaar ahaan wargayska Sport oo magaalada Barcelona ka soo baxa ayaa isla markiiba dib u baadhay kaydkiisa waxayna soo qabteen waqtigii uu macalinka cusub ee Real Madrid ee Julen Lopetegui uu sida aan la rumaysan karin u amaanay Lionel Messi.

Julen Lopetegui ayaa markii sanadkii 2017 uu Messi ugu codeeyay xidiga aduunka ugu fiican ee abaal marinta Ballon d’Or waxaa la waydiiyay haddii uu Messi yahay kan abid ugu fiican wuxuuna yidhi: ” Waan ku raacsanahay isagu waa xidiga waqtiga oo dhan ugu fiican. Waa wax aan macquul ahayn in aan arki doono ciyaartoy isaga oo kale ah”.

Ma aha sanadkii 2017 oo kaliya balse markale Julen Lopetegui ayaa Lionel Messi kaga hadlay waraysi uu dhawaan bixiyay wuxuuna isaga oo Messi ka hadlaya yidhi: “Isagu siyaabo aad u badan ayuu farqiga ku sameeyaa wuxuuna sii wadaa waqti badan, waa farxad in aad aragto isaga oo ciyaaraya. Argentina waa koox aan caadi ahayn oo haysata ciyaartoy aan caadi ahayn”.

Julen Lopetegui oo si layaableh u sharaxayay sababtii uu Messi codka abaal marinta Ballon d’Or uuu siiyay sanadkii 2017kii ayaa yidhi: “Anigu waligay lamaan kulmin ciyaartoy la mid ah Leo Messi, anigu ma doonayo in aan isbarbar dhigo jiilalka. Anigu waligay maan arag mana filayo in aan waligay arki doono qof sida Messi qaab ciyaareedkiisa u joogteeya”.

Markale tababare Julen Lopetegui oo ka hadlayay ka hor kulankii ay la ciyaareen xulka qaranka Argentina ee Spain ay guusha wayn gaadhay ayaa yidhi: ” Waxaan filayaa in uu yahay kulanka Argentina mid qurux badan oo garoon laayableh ah waana kulan tartamayaashii koobka aduunka ah halkaas oo uu mid ka mid ah ciyaartoyda taariikhda kubbada cagta ugu fiicani ka ciyaari doono”.

Si kastaba ha ahaatee, Julen Lopetegui ayaa loo doortay in uu noqdo macalinka cusub ee Real Madrid inkasta oo hadaladan iyo waliba qaybo kale oo aanan soo wada koobin ayna jeclaysan doonin xidiga ay Messi xifiltamaan ee Ronaldo iyo jamaahiirtiisa Los Blancos.