Wargayska Mundo Deportivo Oo Soo Bandhigay Shaxda Uu Tababare Quique Setien Ku Soo Shirtagi Doono Kulankii Barca Ugu Horeeya Ee Granada.

Advertisements

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa si wayn ugu diyaar garoobaya kulankiisa ugu horeeya ee waayihiisa tababaranimo ee Camp Nou wuxuuna diyaarsanayaa shaxdii ugu horaysay ee uu Granada kala hor iman lahaa.

Advertisements

Wargayska Mudo Deportivo oo ka soo baxa magaalada Barcelona ayaa sameeyay shaxda la filayo in Quique Setien uu ku soo bilaabi doono kulanka Granada.

Kadib markii uu goolhaye Ter Stegen si buuxda uga dhex muuqday tababaradii uu Quique Setien bixiyay waxaa cadaatay in goolhaye reer Germany uu ku soo bilaaban doono kulanka Granada.

Waxayna tani Quique Setien u tahay caawin wayn iyada oo Neto uu kaydka ku laaban doono kadib xaaladii xumayd ee uu kula soo jiray Barca intii uu Ter Stegen maqnaa.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sidii la filayay afarta difaaca ah ee shaxda Quique Setien waxay ku saadaaliyeen Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba iyo Sergi Roberto.

Laakiin arinta haddii ay dhabta noqoto uu Quique Setien dareenka ku qabsan doono ayaa ah in wargayska Mudo Deportivo uu saadaaliyay in khadka dhexe lagu soo bilaabi doono da’yarka saamaynta badan leh ee Riqui Puig oo ka garab ciyaari kara Rakitic iyo Busquets.

Dhinaca weerarka waxaa la saadaaliyay in tababare Quique Setien uu ku soo wada bilaabi doono Lionel Messi, Antoine Griezmann iyo Ansu Fati.

Waxay tani la micno tahay in Ousmane Dembele, Luis Suarez iyo Arthur Melo ay wali dhaawacyo ku sii maqnaan doonaa inkasta oo xaalada Suarez tahay tan ugu xun ee uu bilo badan maqnaan doono.

Shaxda La Saadaaliyay In Quique Setien uu kulanka Granada Ku Soo Shirtagi Doono:

Haddaba akhriste, haddii aad taageere u tahay Barcelona, ma filaysaa in shaxdani tahay shaxda ugu fiican ee uu Quique Setien ku soo bilaaban karo kulanka Granada?

Advertisements

7 Comments

    • Ani ahaan waatan shaxda uu kusoo shirtagi doono

      Stagen

      Samedo Pique Umtiti Alba

      Vidal Busquets Rakitić

      Messi C.perez
      Griezmann

    • Aniga waxay ila tahay inuu kuu saxan yahay shaxda uu tabaraha cusub barcelona camp nou joogto ciyaartoydana kaa muuqato farxad iyo soo dhaweyn waxwalbo wey sameenayaan messi wuu soo labtay warbaa jiro guul ayaan sugeynaaa

  1. shxdan wax badan aya ka qaldan Roberto dhaxda hakuso galo samedo RB haka dhelsiyo lenglet kursiga umtiti hakuso bilawo

    • Shaxdani waa sax inta badan lkn dhow ciyaar haka saro RB samedo/firpo khadka dhexena busquet iyo kan yar ee cusub ha raaco messi weerarka ansu dembele iyo greizmamann

Comments are closed.