Wargayska Marca Oo Soo Bandhigay 13 Ciyaartoy Oo Horyaalka La Liga Ka Ciyaara Oo Xulka Qarankooda Spain Koobka Aduunka Kaga Hor Iman Kara.

Isku aadka koobka Aduunka ayaa shalayto la sameeyay iyadoo ay kasoo baxeen kulamo aad u culus, group-ka B ayaana noqday mid ay isku wajahaan afar wadan oo laba ka mid ah ay yahiin yurub, waana mid ka mid ah group-yada ugu adag ee tartanka.

Spain, Portugal, Morocco iyo Iran ayaa isugu yimid group-ka B, waxaana lasoo calaameeyay ilaa iyo 13-xidig kuwaas oo ka xamaasha La Liga balse ka hor imaan kara qaranka La Roja marka la gaaro koobka Aduunka.

Lix ka mid ah ciyaartoydaas waxey u dhasheen Portugal, halka 7-ka mid ah ay kasoo jeedaan wadanka Morocco, waxaana ku jira xidigo dhawaan kusoo biiray horyaalka.

Nelson Semedo {Portugal}: mid ka mid ah daafacyada ugu adag kooxda Barcelona, xagaagii laga soo gudbay ayuuna kusoo biiray.

Vitorino Antunes {Portugal}: Xidigii hore Malaga haatanna ka tirsan kooxda Getafe.

Kevin Rodriguez {Portugal}: Daafaca bidix ee kooxda Real Sociedad ayaa ka mid ah, balse ma hubo inuu loo xulan doono Russia.

Andre Gomes {Portugal}: Wiilka aysan jamaahiirta Barcelona ku qancin qaabkiisa, wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu firfircoon xulkiisa.

Crisstiano Ronaldo {Portugal}: Wuxuu sugayaa inuu markiisii shanaad ku guuleysto Ballon d’Or, sidoo kalana wuxuu ka hor imaan doonaa saaxiibo badan oo kooxdiisa ah.

Guedes {Portugal}: Waa mid ka mid ah xidigaha ugu firfircoon ee Valencia, waqtigaan wuxuuna filanayaa inuu aado Russia.

Dhinaca kale todoba ciyaartoy oo u dhashay Morrocco ayaa laga yaabaa iney kasoo muuqdaan koobka Aduunka kuwaas oo ka ciyaara La Liga, waxaana ku jira Munir El Haddadi oo aan la ogeyn hadii CAS ay aqbali doonto racfaanka ay xiriirka kubadda Cagta Morocco ka qaadan doonaan inuu u ciyaaray Spain.

Waxaana ciyaartoyda kala yahiin: Bono [Giron], Munir [Numancia], Achraf [Real Madrid], Fajr [Getafe], Amrabat [Leganes], Ousama Tannane [Las Palmas] iyo Munir El Haddadi [Alves].