Wargayska Le Parisien Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Halka Uu Marayo Wada Xaajoodka Liverpool & Lyon Ee Nabil Fekir Iyo Laba Dhibaato Oo Wali Xal U Baahan.

Kooxda Liverpool ayaa ku hawlan qaabkii ay kooxda Lyon ugu qancin lahayd in ay aqbasho dalabkii ugu horeeyay ee ay ka gudbisay Nabil Fekir kaas oo ay Reds soonayso in ay ka dhigato saxiixa labaad ee xagaagan. Kadib markii ay ka soo ciyaartay finalka Champions League ayay Liverpool in ka yar 48 saacadood waxay ku dhawaaqday saxiixa Fabinho oo ay kooxda Monaco kala soo wareegtay.

Laakiin Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Liverpool ayaa doonaya in ka hor koobka aduunka ay dhamaystiraan saxiixa labaad oo ay doonayaan in uu noqdo xidiga ree France iyo kooxda Lyon ee Nabil Fekir, balse wargayska dalka France ka soo baxa ee Le Parisien ayaa faah faahin ka bixiyay laba dhibaato oo ilaa hadda hor taagan heshiiska Liverpool ee Nabil Fekir.

Ugu horayn waxa uu wargayska Le Parisien xaqiijiyay in Liverpool ay dalab 60 milyan euros ah u gudbisay kooxda Lyon balse maamulka Lyon ay ka cago jiidayaan in ay ku deg degaan dhamaystirka heshiiskan iyaga oo aaminsan in haddii Nabil Fekir uu bandhig fiican ka sameeyo koobka aduunka ay qiimo ka sareeya ku heli karaan.

Waxaana warbixinta Le Parisien lagu cadeeyay in maamulka kooxda Lyon ayna wax deg deg ah u qabin heshiiska Nabil Fekir kaga baxayo taas oo ah dhibaata kowaad ee Liverpool ka haysata in ay dhamaystirto saxiixa xidigan.

Dhibata labaad ee lagu sheegay warbixinta wargayska Le Parisien ayaa ah in wali ayna Liverpool qodobada heshiiska shaqsiga ah kala heshiin Nabil Fekir iyo waliba wakiiladiisa taas oo wali lugta dib u haysa in ay ku guulaysato saxiixa Nabil Fekir.

Wargayska Le Parisien ayaa sheegay in ay jirto halis kale oo ay Lyon la kulmi karto taas oo ah in haddii uu Nabil Fekir dhaawac ku soo gaadho koobka aduunka in ayna taasi caawin doonin qorshihii ay ku doonayaan in qiimihiisu sare u kici karo.

Le Parisien ayaa xusay in Nabil Fekir uu sida ciyaartoy kale oo xulka qarankiisa France ah uu doonayo in mustaqbalkiisa la xaliyo ka hor inta aanu koobka aduunka la bilaan xulka qarankiisa iyada oo France ay kulanka furitaanka ugu noqon doona koobka aduunka ay ciyaari doonaan June 16.

Kooxda Lyon ayaa aaminsan in dalabka Liverpool ee 60 milyan euroska ahi uu ka hooseeyo inta ay dalbanayaan oo ah 70 milyan euros, laakiin si ay Liverpool heshiiskan u dhamaystirto waxay u baahan tahay in ay xal u raadiso labada dhibaato ee ka hor istaagaya saxiixa Nabil Fekir oo ah heshiiska shaqsiga ah ee ciyaartoyga iyo wakiiladiisa iyo waliba in ay Lyon ku qanciso dalab ay aqbali karto ka hor koobka aduunka.