Wargayska Caanka Ah Ee L’Equipe Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Shuruuda Ay UEFA U Dhigtay In Paris Saint-Germain Samayso Si Ayna Ganaax CULUS Ula Kulmin.

Kooxaha Yurub ugu waa wayn ayaa arkaya kooxdii xagaagii dhawaa ka cadhaysiisay ee Paris Saint-Germain oo dhibaato dhexda kaga jirta isla markaana uu waqtigu ku ordayo iyada oo halis ugu jirta in ay ganaax culus kala kulanto xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA. Kadib baadhitaan waqti badan socday waxaa PSG lagu war galiyay shuruudaha ay kaga baxsan karto ganaax ay kula kulmi karto in ayna u hogaansamin sharciga dhaqaale wanaaga.

PSG ayaa amar lagu siiyay in ayna lacagta laga doonayo ka soo qaadan karin dalalka carbeed iyo waliba shirkadahooda si ayna khiyaano u samayn maamulka kooxda PSG laakiin waxaa loo tilmaamay meelaha ay tahay in ay ka soo xalayso lacag dhan 80 milyan euros oo looga baahan yahay in ay xisaabteeda ku xidho ka hor dhamaadka xili ciyaareedkan.

Wargayska caanka ah ee dalka France ka soo baxa ee  L’Equipe ayaa sharaxaad buuxda ka bixiyay qodobada ay PSG kaga baxsan karto ciqaab adag oo ay UEFA kala kulanto iyo waliba shuruuda ay UEFA u dhigtay maamulka kooxda PSG si ay waqtiga loo qabtay ugu hogaansamaan sharciga dhaqaale wanaaga yurub.

Haddaba halkan kaga bogo qodobada uu wargayska  L’Equipe sheegay in PSG ay ka heli karto lacagta looga baahan yahay in ay hesho ka hor inta aanu soo xidhmin xili ciyaareedkan 2017/18.

1. In Ay Ciyaartoy Kooxdeeda Ah Iibiso:

Kooxda PSG ayaa lagu qasbay in ay iska iibiso ciyaartoy marka uu suuqa bisha January furmo waana qaabka ugu deg dega badan ee ay kaga badbaadi karto in ciqaab adag ay kala kulanto UEFA. PSG ayaa laga mamnuuci karaa tartanka Champions Leaque haddii dhamaadka xili ciyaareedkan ay isxidhi waydo xisaabta dakhligii kooxdeeda soo galay iyo waliba kharashkii kooxdeeda ka baxay oo iskugu jira lacagtii qaaliga ahayd ee ay suuqa ku bixisay iyo waliba mushaarka qaaliga ah ee ay kooxdeeda siiso.

Laakiin iyada oo aan PSG doonayn in ay ciyaartoy badan oo kooxdeeda muhiim ka ah ay iska iibiso, haddana waxaa jira xidigo ay ka mid yihiin Angel Di Maria, Lucas Moura iyo Draxler.

2. In PSG Ay Hesho Xuquuqda Baahinta TV0-ga Oo Cusub.

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay lacag ka samayso xuquuqda baahinta TV-ga oo aan ahayn inta ay hadda hesho taas oo haddii ay inta xili ciyaareedkani aanu dhamaan ay u suurtogasho ka caawin doonta in ay sharciga dhaqaale wanaaga UEFA u hogaansami karto.

3. Iibinta Tikidhada Garoonkeeda:

Kadib markii ay la soo saxiixatay Neymar Jr iyo Mbappe waxay PSG sare u qaaday iibinta tikidhada kooxdeeda waxayna ka samaysaa dhaqaale badan taas oo haddii ay sii wado ka caawin karta in ay dhaqaalaha ay UEFA ka doonayso ka soo saari karto.

4. Iibtinta maaliyada Ciyaartoyda Kooxdeeda:

Waxyaabaha ay PSG ku raacday saxiixii qaaliga ahaa ee Neymar jr waxaa ka mid ahayd in kooxdeeda uu lacag badan ugu soo xarayn karo in jamaahiirta kubbada cagta aduunka iyo kooxdeeda ay ka iibin doonto garamaan ama maaliyad badan taas oo ay lacag badan ka samayn karto sida horeba looga diwaan galiyay markii uu Neymar soo gaadhay Paris.

5. Kulamada Xili Ciyaareedka Ka Horeeya Iyo Dakhliga Ka Soo Xarooda:

Fursada shanaad ee ugu hoosaysa isla markaana haddii ay PSG qodobada hore ku soo badbaadi waydo ay samayn karto ayaa ah dhaqaalaha kooxdeeda uga soo xarooda kulamada xili ciyaareedka cusub ka horeeya, laakiin markan waa halista ugu wayn ee ay PSG la kulmi karto maadaama oo ay maalmo koobani u dhexeeyaan marka uu xili ciyaareedkani xidhmayo iyo ka hor inta aanu xili ciyaareekda kale bilaaban.

Comments

comments