WARDHAN: Barcelona Oo Barri Oo Jimce Ah Bixinaysa Lacagta Heshiiska Antoine Griezmann Lagu Burburin Karo.

Sheekadii laba sano jirka ahayd ee Antoine Griezmann iyo Barcelona ayaa ugu danbayn la soo gaba gabayn doonaa kadib markii ay Barca go’aan ku gaadhay in ay hal mar miiska saarto lacagta heshiiska xidiga reer France lagu burburin karo.

Barcelona ayaa hadda gacanta ku haysa faah faahintii ugu danbaysay ee qaabkii ay ku burburin lahayd heshiiska Antoine Griezmann ee kooxdiisa Atletico Madrid waxaana barri oo jimce ah ay maamulka Barcelona oo wata qareenadoodu ay shubi doonaan lacagta Atletico Madrid lagu siinayo adeega Griezmann.

Kadib markii ay maamulka kooxda Atletico Madrid iska diideen in ay wax wada xaajood ah ka galaan bixitaanka Antoine Griezmann iyo qorshihiisa ah in uu Barcelona ku biiro, waxay maamulka Camp Nou hadda qaadeen talaabadii arintan lagu dhamaystiri lahaa.

Wargayska Marca ayaa hadda shaaciyay in kooxda Barcelona ay barri oo jimce ah hal mar wada bixin doonto lacagta 120 ka milyan yuro ah ee lagu kansali karo heshiiska Antoine Griezmann ee Atletico Madrid.

Wargayska Mudo Deportivo oo magaalada Barcelona ka soo baxa ayaa ahaa wargaysii ugu horeeyay ee shaaciyay in maamulka Barcelona ay diyaar u yihiin in ay hal mar miiska saaraan lacagta lagu burburin karo heshiiska Antoine Griezmann.

Maamulka kooxda Barcelona iyo qareenadooda ayaa tagi doona xarunta guud ee maamulka horyaalka La Liga waxayna gayn doonaan lacagta 120 ka milyan yuro ah ee lagu burburin karo heshiiska Antoine Griezmann.

Waxaana sidii cadaada ahayd la filayaa in markaas ay Atletico Madrid soo saari doonto war saxaafadeed ee qaabkii ay u soo saartay heshiis burburintii Man City ee Rodrigo markaas oo uu Griezmann ka bixi doono xayndaabka xadhigii Atletico Madrid.

Laakiin arinta aan wali faah faahin laga hayn ayaa ah waqtiga ay Barcelona saxaafada u soo bandhigi doonto heshiiska Antoine Griezmann waxaana la filayaa in saacadaha soo socda xog cusub laga heli doono.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Barcelona ay ku rajo wayn tahay in ay sabtida saxaafada u soo bandhigaan heshiiska Antoine Griezmann si uu waqti fiican ugu helo in uu markiiba hore ka bilaaban karo tababarka xili ciyaareedka cusub loogu diyaar garoobayo.

Hadda Antoine Griezmann waxa uu qarka u saaran yahay in uu helo warkii uu doonayay oo ah in looga yeedho Ibiza halkaas oo uu fasax ku joogo isla markaana uu soo gaadho Camp Nou si qayb uga noqon karo ciyaartoyda uu Valverde ku shaqayn doono July 14 oo ay soo laabanayaan.