WARBIXIN: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Xogtii Laga Ururiyay Dhaamaan Kooxaha Premier Leaque Ee Tobankii Kulan Ee La Soo Ciyaaray, Xidiigaha Iyo Kooxaha Ugu Wax Qabadka Fiican.

Waxaa la soo ciyaaray kulamadii 10 aad ee horyaalka Premier leaque inkasta oo wali uu baaqi yahay kulanka Burnley iyo Newcastle United balse waxaa kulamadii sida wayn loo sugayay soo ciyaaray dhamaan kooxaha waa wayn ee uu koobka horyaalka Premier Leaque hurgurigu kaga jiro. Waxa uu ahaa usbuuc ay kooxaha waa wayni guulo ku soo raaxaysteen marka laga reebo kooxda Tottenham oo ah kooxda kaliya ee kooxaha waa wayn ka mid ah ee guuldaro ay soo gaadhay.

Manchester City ayaa wali loo waayay hal koox oo Premier Leaque ah oo guuldaro soo gaadhsiin karta waxayna kooxda Guardiola si cad u muujinaysa in ay wali tahay kooxda sida dhabta ah ugu sharaxan koobka horyaalka Premier Leaque waxayna guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda West Brom iyada oo Sky Blues sii dheeraysatay hogaanka Premier Leaque.

Manchester City ayaa 28 dhibcood ka soo heshay 10 kii kulan ee ugu horeeyay Premeir Leaque waxayna waliba haysataa 29 gool oo fariqa goolasha ah taas oo ah shaqo layaableh oo ay xili horeba sii qabsatay kooxda Guardiola maadaama oo ay farqiga goolasha koobka horyaalka ugu guulaysan karaan dhamaadka xili ciyaareedka haddii ay koox kale isku dhibco noqdaan.

Manchester United ayaa guul xili danbe ahayd Old Trafford kaga gaadhay kooxda Tottenham oo ugu yaraan kulankan uga qalantay in ay haldhibic ka hesho waxaana taas iska diiday Anthony Martial oo noqday geesiga Red Devils. Inkasta oo wali Mourinho aanu helayn taageero bandhiga kooxdiisa ah waxa uu suurtogal ka dhigay in Man United ay kaalinta labaad ugu jirto 23 dhibcood waxayna haysataa 19 farqiga goosha ah. Waxaana kaalinta saddexaad ku jirta Tottenahm oo 20 dhibcood haysata.

Chelsea ayaa ka soo kabsanaysa waqtigii adkaa ee ay ku soo jirtay waxayna ku jirtaa kaalinta afraad ugu jirta 19 dhibcood laakiin waxay isku dhibco yihiin oo kaalinta shanaad ku jirta Arsenal oo guul soo laabasho ah Emirates Stadium kaga gaadhay kooxda Swansea City oo waliba gool ku hormartay. Liverpool oo iyaduna xaaladii xumayd ka soo kabsatay ayaa guul wayn Huddersfield ka gaadhay waxayna kaalinta lixaad ugu jirtaa 16 dhibcood.

Haddii aan intaas ku soo dhaafno guudmarka halka uu xaalka kooxaha waa wayni marayo waxay halkan shabakada Gool24.net idiinku soo gudbinaysaa warbixin aanu si khaas ah ugu eegayno waxqabadkii kooxaha Premier Leaque ee tobankii kulan ee ilaa hadda la soo ciyaaray iyo dhamaan xogta xili ciyaareedka muhiimka u ah ee laga diwaan galiyay.

Waxaanu qayb kasta oo xogtan ah ka soo qaadan doonaa kooxaha ugu sareeya tusaale ahaan, kooxaha goolasha ugu badan soo dhaliyay, kooxaha kubbad bixinta ugu badan soo sameeyay, kooxaha darbooyinka ugu badan ee goolka soo sameeyay iyo xoogo khaas ah oo aad u xiiso badan. Halkan ayaanad kaga bogan kartaa xogta kooxaha Premier leaque ee tobankii kulan ee la soo ciyaaray.

1-Kooxaha Premier Leaque ee Darbooyinka Ugu Badan Goolka Ku Tuuray:

Manchester City ayaa ah kooxda tobankii kulan ee Premier Leaque ugu horeeyay soo samaysay darbooyinka ugu badan ee dhinaca goolka lagu ganay waxayna Sky Blues soo samaysay 185 darbo oo ay kooxaha ka soo horjeeday ku soo tuurtay.

Liverpool ayaa ah kooxda labaad iyada oo Reds soo tuurtay 184 darbo oo ay ku gantay dhinaca goolka kooxa ay la soo ciyaartay waxaana ku xigta Tottenham oo 179 darbo goolka ku tuurtay halka Arsenal ay tahay kooxda kaalinta afraad ugu jirta 178 darbo oo goolka lagu tuuray.Manchester United ayaa ah kooxda shanaad oo 147 darbo ku tuurtay goolasha kooxihii ka soo horjeeday. Xogta oo kooban halkan kaga bogo.

1. Manchester City 185
2. Liverpool 184
3. Tottenham Hotspur 179
4. Arsenal 178
5. Manchester United 147
6. Southampton 144
7. Chelsea 133
8. Crystal Palace 126
9. Watford 120
10. Newcastle United 117

2-Kooxaha Bartilmaameedka Ugu Badan Ee Goolka Sida Tooska Ah U Toogtay Ee Premier Leaque:

Manchester City ayaa markale ah kooxda darbooyinka ugu badan si toos ah ugu bartilmaameedsatay goolka kooxihii ay la soo ciyaartay waxayna kooxda City awooday in 79 darbo oo ay si toos ah ugu toogatay goolasha kooxihii ay la ciyaartay iyada oo 185 kii darbo ee ay guud ahaan samaysay 79 ka mid ah goolka ku toogatay waxaanad gadaal ka ogaan doontaa inta ay goolal ku dhalisay.

Arsenal ayaa kaalinta labaad ku jirta waxayna soo awooday in ay 69 darbo oo ka mid ah 178 darbo oo ay soo samaysay ay bartilmaameedkooda heleen. Gunners ayaa ah kooxda labaad ee bartilmaameedka ugu badan ee goolka soo samaysay. Xogta sagaalka kooxood ee bartilmaameedka goolka ee ugu badan sameeyay halkan ka eeg.

1. Manchester City 79
2. Arsenal 69
3. Liverpool 68
4. Tottenham Hotspur 59
5. Manchester United 53
6. Chelsea 49
7. Newcastle United 44
8. Leicester City 34
9. West Ham United 34

 

3-Kooxaha Premier Leaque Ee Kulamada Ugu Badan Shabaq Nadiif Ah Garoonka Kala Baxay:

Manchester United ayaa ah kooxda xili ciyaareedkan kulamada ugu badan ee Premier Leaque garoonka ka baxday iyada oo aan wax goolal ah laga dhalin waxayna Red Devils awooday in 8 kulan oo ka mid ah 10 kii kulan ee ay soo ciyaartay aan wax gool ah kooxdeeda laga dhalin waana rekoodh ilaa hadda ay Red Devils haysato.

Manchester City ayaa ah kooxda labaad ee 6 kulan garoonka kala baxday shabaq nadiif ah halka afar kulan goolal laga soo dhaliyay waxaana kooxda saddexaad ah Tottenham oo 5 kulan oo ka mid ah 10 kii kulan ee ay soo ciyaartay shabaqa soo ilaashatay. Halkan kaga bogo kooxaha tirada ugu badan shabaqa kooxahooda soo ilaashaday.

1. Manchester United 8
2. Manchester City 6
3. Tottenham Hotspur 5
4. Arsenal 4
5. Chelsea 4
6. Huddersfield Town 4
7. Liverpool 4
8. Southampton 4
9. Swansea City 4
10. Brighton and Hove Albion 3
11. Burnley 3
12. Leicester City 3
13. Newcastle United 3
14. Watford 3
15. West Bromwich Albion 3
16. West Ham United 3

 

4-Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Premier Leaque:

Manchester City ayaa sida ay ugu horayso dhibcaha Premier Leaque waxay marar badan ku horaysaa wax qabadka guud ee xili ciyaareedkan waxayna markale hogaaminaysaa gool dhalinta iyada oo 10 kulan ku soo dhalisay 35 gool. Waa heer gool dhalin layaableh iyada oo celcelis ahaan City kulankiiba soo dhalinaysay 3.5 gool. Waxay la micno tahay in tobankii kulan ee ay Man City soo ciyaartay ay celcelis ahaan kulankiiba soo dhalisay in ka badan 3 gool.

Manchester United oo ah kooxda kaalinta labaad kaga jirta kala saraynta Premier Leaque ayaa markale kaalinta labaad ku fadhida goolasha ugu badan ee la soo dhaliyay waxayna Red Devils soo dhalisay 23 gool waxaana jira farqi 12 gool ah oo ay ka hoosayso dariskeeda Man City.

Arsenal iyo Tottenham ayaa isku mid ah waxayna tobankii kulan ee Premier Leaque ka soo dhaliyeen min 19 gool waana kala badh wax saddex gool ka yar tirada goolasha ay Man City soo dhalisay. Chelsea ayaa ilaa hadda soo dhalisay 18 gool halka Liverpool ay 17 jeer shabaqa soo taabtay. Kooxaha goolasha ugu badan soo dhaliyay halkan kaga bogo.

1. Manchester City 35
2. Manchester United 23
3. Arsenal 19
4. Tottenham Hotspur 19
5. Chelsea 18
6. Liverpool 17
7. Watford 15
8. Leicester City 14
9. Stoke City 11
10. Brighton and Hove Albion 10

5-Kooxaha Tirada Ugu badan Birta Goolka Soo Garaacay Ee Ay Birtu Goolal Ka Beenisay:

Liverpooliyo Tottenham ayaa ah kooxaha xili ciyaareedkan ugu nasiibka xun ee min 7 jeer birta soo garaacay tobankii kulan Premier Leaque ee la soo ciyaaray taas oo la micno ah in min toban gool ay ku soo waayeen fursadihii ay birtu ka beenisay. Southampton ayaa ah kooxda 6 jeer birta soo garaacday halka kooxaha Arsenal, Manchester United iyo West Ham ay min 5 jeer birtu goolal ka beenisay.

1. Liverpool 7
2. Tottenham Hotspur 7
3. Southampton 6
4. Arsenal 5
5. Manchester United 5
6. West Ham United 5
7. Brighton and Hove Albion 4
8. Crystal Palace 4
9. Manchester City 4
10. AFC Bournemouth 3
11. Huddersfield Town 3

 

6-Kooxaha Galay Qaladaadka Ugu badan Ee Rekoodhe Kooxdoodu Lagu Dhigay:

Kooxda West Ham United ayaa ah kooxda qaladaadka ugu badan ee rekoodhe loogu dhigay gashay waxaana toban kulan oo ay soo ciyaartay lagu dhigay 5 rekoodhe taas celcelis ahaan ah in kala badh kulamadii ay ciyaartay min hal rekoodhe lagu dhigayay. Liiska kooxaha rekoodhayaasha ugu badan lagu dhigay halkan ayay ku qoran yihiin.

1. West Ham United 5
2. Burnley 2
3. Huddersfield Town 2
4. Watford 2
5. Arsenal 1
6. Brighton and Hove Albion 1
7. Chelsea 1
8. Everton 1
9. Leicester City 1
10. Liverpool 1
11. Newcastle United 1
12. Southampton 1
13. Stoke City 1
14. West Bromwich Albion 1

Haddaba waxaad halkan kaga sii bogan kartaa xogt kale oo la xidhiidha wax qabadka kooxaha Premier Leaque ee tobankii kulan ee ilaa hadda la soo ciyaaray iyada oo haddaba ay xili ciyaareedkan 2017/18 ay ka hadhsan yihiin 28 kulan.

7-Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ku Soo dhaliyay Rekoodhayaal:

1. Southampton 3
2. Leicester City 2
3. Manchester City 2
4. Arsenal 1
5. AFC Bournemouth 1
6. Brighton and Hove Albion 1
7. Crystal Palace 1
8. Everton 1
9. Liverpool 1
10. Manchester United 1
11. Watford 1

8-Kooxaha Goolasha ugu Badan Ee Madax Ah Soo Dhaliyay:

1. Arsenal 6
2. Chelsea 6
3. Manchester City 5
4. Brighton and Hove Albion 4
5. Leicester City 4
6. Liverpool 4
7. Manchester United 4
8. Newcastle United 4
9. Stoke City 3
10. Watford 3
11. West Bromwich Albion 3

9-Kooxaha Ciyaartoydoodu Kaadhadhka Cas Ee UGu Badan Premier Leaque ku Soo Qaateen:

1. Chelsea 3
2. Everton 2
3. Manchester City 2
4. West Ham United 2
5. Liverpool 1
6. Newcastle United 1
7. Tottenham Hotspur 1
8. Watford 1
9. West Bromwich Albion 1

10-Kooxaha Kubbad Bixinta Ugu Badan Premier Leaque Ka Soo Sameeyay:

1. Manchester City 7,300
2. Arsenal 6,290
3. Liverpool 5,818
4. Tottenham Hotspur 5,605
5. Southampton 5,301
6. Manchester United 5,230
7. Chelsea 5,053
8. AFC Bournemouth 4,415
9. Everton 4,344

11-Kooxaha Ay Goolhayayaashoodu Badbaadinta ugu Badan Soo Sameeyeen:

1. Swansea City 39
2. Burnley 37
3. AFC Bournemouth 34
4. Crystal Palace 34
5. Everton 33
6. Leicester City 31
7. Southampton 29
8. Huddersfield Town 27
9. West Ham United 27
10. Brighton and Hove Albion 26

12-Kooxaha Karoosyada Ugu Badan Ka Soo Sameeyay Kulamadii Premier Leaque:

1. Southampton 236
2. Tottenham Hotspur 233
3. Manchester United 232
4. West Ham United 230
5. Liverpool 215
6. Manchester City 208
7. Crystal Palace 205
8. Huddersfield Town 199
9. Everton 188
10. Swansea City 188

13-Kooxaha Guuldarooyinka Ugu Badani Soo Gaadheen Ee Premier Leaque:

1. Crystal Palace 8
2. AFC Bournemouth 7
3. Everton 6
4. Swansea City 6
5. Stoke City 5
6. West Ham United 5
7. Brighton and Hove Albion 4
8. Huddersfield Town 4
9. Leicester City 4
10. West Bromwich Albion 4

14-Kooxaha Kulamada Ugu Badan Soo Guulaystay:

1. Manchester City 9
2. Manchester United 7
3. Arsenal 6
4. Chelsea 6
5. Tottenham Hotspur 6
6. Liverpool 4
7. Newcastle United 4
8. Watford 4
9. Brighton and Hove Albion 3
10. Burnley 3

Intaa kadib aan soo qaadano ciyaartoyda ugu wax qabadka fiican tobankii kulan ee ilaa hadda Premier Leaque laga soo ciyaaray iyada oo lagu qiimaynayo waxyaabaha ugu muhiimsan ee kooxi ciyaartoydeeda ugu baahan tahay.

15- Tobanka Ciyaartoy Ee  Kubbad Bixinta Ugu Badan Soo Sameeyay Tobankii Kulan Ee Premier Leaque:

1-Granit Xhaka- Arsenal 869

2. Fernandinho- Man City 857

3.Nicolás Otamendi- Man City850

4.David Silva- Man City-824

5.John Stones- Man City 753

6.Kevin De Bruyne- Man City752

7.Nacho Monreal- Arsenal 742

8.Jordan Henderson- Liverpool 725

9.Jan Vertonghen- Tottenham 723

10.Nemanja Matic- Man United 722

16-Tobanka Goolhaye Ee Fursad Badbaadinta Ugu Badan Soo Sameeyay Tobankii Kulan Ee Premier Leaque:

1-Lukasz Fabianski- Swansea City 39

2-Asmir Begovic-Bournemouth 34

3-Jordan Pickford – Everton 33

4-Kasper Schmeichel-Leicester City  31

5-Fraser Forster-Southamton 29

6-Nick Pope -Burnley 29

7-Wayne Hennessey -Crystal Palace 28

8-Joe Hart- West Ham United 27

9-Jonas Lössl -Huddersfield 27

10- Mat Ryan-Brighton & Hove Albion 26

17-Xidigaha Tobankii Kulan Ee Premier Leaque Ugu Horeeyay Goolasha ugu Badan Ka Soo Dhaliyay:

18- Xidigaha Gool Caawinta Ugu Badan Ka Soo Sameeyay Tobankii Kulan Ee Premier Leaque ugu Horeeyay:

1 -David Silva – Manchester City 6

=Kevin De Bruyne – Manchester City 6

3 Henrikh Mkhitaryan – Manchester United 5

Leroy Sané – Manchester City 5

Pascal Groß – Brighton & Hove Albion 5

6 -César Azpilicueta – Chelsea 4

=Kyle Walker – Manchester City 4

=Riyad Mahrez – Leicester City 4

=Kieran Trippier – Tottenham Hotspur 4

=Matt Ritchie – Newcastle United 4

Comments

comments