WARBIXIN: Xiddigaha Ay Juventus Kusoo Jiidanayso Magaca Cristiano Ronaldo Oo La Ogaaday & Qorshahan Oo Ah Mid Haddii Uu Rumoobo Aan Koox Celisa La Heli Doonin.

Kooxda Juventus ayaa suuqii xagaaga lasoo saxeexatay weeraryahankii Real Madrid ee Cristiano Ronaldo waxaana ay haatan doonayaan inay saxeexaas qudhiisu saxeexyo kale ku dul sameeyaan isla markaana ay magaca iyo sumcada CR7 kusoo xero galiyaan xiddigo badan.

Wargeyska kasoo baxa dalka Portugal ee Record ayaa daaha ka qaaday saf xiddigo ah oo ay kooxdan lagu naanayso marwada duqda ah doonayso inay keento Allianz Stadium isla markaana ku hareerayso Ronaldo.

Future stars for the 'Bianconeri'?. Besoccer

Magacyada liiskan xiddigaha ah ayuu ka dhex muuqdaa Marcelo oo ah daafaca bidix ee Real Madrid, Daafacan oo ahaa saaxiibka ugu fiican ee uu Don kulahaa Los Blancos ayaa tan iyo markii uu Ronaldo baxay lala xidhiidhinayay inuu isaga qudhiisu kula midoobi doono kooxda ree Talyaani.

Sidoo kale liiska ayuu ku jiraa daafaca bidix ee Barcelona ee Jordi Alba, Walow la fahamsan yahay in Barca aysan qiime kasta ku fasaxayn daafacan haddana Bianconeri ayaa si dhaw ula socda xaaladiisa.

Liiskan ayuu sidoo kale ku jiraa daafaca Ajax ee Matthjias de Ligt kaas oo kooxo badan oo ree Yurub ahi ay doonayaan iyo waliba saddexleyda Real Madrid ee Isco, Asensio iyo James.

Da’yarka mucjisa ah ee Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaan sidoo kale ka madhnayn xiddigaha ay Juve la doonayso inay la midoobaan Cristiano, 19 jirkan ayaa bar-tilmaameed u ah kooxo badan oo ree Yurub ah waxaana la filayaa in Paris ay sii wado iska caabinta ay ugu jirto inay ilaashato.

Ninka hore usoo xidhay maaliyada madawga iyo cadaanka ah ee Paul Pogba ayaa ka muuqda xiddigaha ay kooxda Maxi Allegri doonayso si lamid ah saaxiibkiisa Red Devils ee Anthony Martial oo mudo dheer laga doonayay dhinaca Turin.

Ugu dambayn, Waxa magacyada kale ee wargeyska Record kamid ah Christian Pulisic, Federico Chiesa, Aaron ramsey, Adrien Rabiot, Christian Eriksen iyo Frenkie De Jong.