WARAYSI: Waxyaabaha Ay Ku Kala Duwan Yihiin Jose Mourinho, Carlo Ancelotti, Avram Garant Iyo Scolari, Xusuusaha Stamford Bridge Ee Murugada Ku Haya Michael Ballack Iyo Waraysi Dheer Oo Uu Bixiyey

Michael Ballack waqti qurux badan oo wada guulo ah ayuu cimrigiisa ciyaareed ku qaatay, waxaana uu ku guuleystay shan horyaal, laba Champions League final iyo koobka Adduunka oo lagaga guuleystay, laakiin maxaad ka xasuusataa waqtigiisii Chelsea, tababareyaashii uu kula kulmay iyo rikoodhadiisii?

Xagaagii 2006 ayuu Blues uga soo wareegay Bayern Munich kaddib markii ay wada hadleen tababare Jose Mourinho, waxaanu kula guuleystay Premier League, laba FA cup, League cup, Community Shield Iyo Champions League ay finalka tageen oo ay Manchester United rikoodheyaal kaga qaadday sannadkii 2008.

Halyeygan reer Germany ayaa waraysi uu siiyey telefishanka Sky Sports, qaybtiisa qoraalka, waxa uu kaga warramay waayihiisii Chelsea iyo kala duwanaanshaha macallimiintii afarta ahaa ee afartaas sannadood uu Stamford Bridge ka ciyaarayay soo maray.

Michael Ballack oo ugu horreyn ka jawaabayay qaabkii uu heshiiska ugu saxeexay Chelsea, waxa uu yidhi: “Muhiim ayay ii ahayd inaan tababaraha la hadlo. Xaqiiqdii waxa kusoo jiidanaysa (Mourinho) shaqsiyaddiisa iyo damaciisa. La shaqaynta macallin sidaas oo kale ahna gebi ahaanba waxay ii ahayd wax cusub. Wuxuu ahaa mid layaba leh, waxaanan ku go’aankayga ku dareemay raaxo.”

Xili ciyaareedkii ugu horreeyey, Michael Ballack iyo kooxdiisu waxay ku guuldaraysteen horyaalka Premier League, waxaanay Blues hoos uga dhacday heerkii ay taagnayd iyadoo ka hoos martay kooxihii ay loollamayeen xili ciyaareedkii 2007-08, taasina waxay keentay in Mourinho uu shaqada ka tago.

Michael Ballack oo arrintaas waxa laga weydiiyey waxa uu yidhi: “Khibrad igu filan oo aan ku fahmo ayaan lahaa. Marka aanad waxba ku guuleysanin, tababaruhu in badan ama inyar ba shaqsiyaddiisu way diciifaysaa, kooxdana waa laga beddeli karayaa.

“Mourinho waxay u ahayd sannadkiisii afraad (ee uu Chelsea joogay). Haddii aad eegto sida ay u badan tahay in tababare koox joogo, waxay ahayd waqti aad ugu fiican.”

Markii uu Mourinho tegay, waxa shaqada si ku-meelgaadh ah u qabtay Guus Hiddink oo isaguna kusii wareejiyey Carlo Ancelotti, laakiin xili ciyaareedkii ugu horreeyey ee Ancelotti tababaraha ahaa, waxa uu noqday midkii ugu dambeeyey ee Ballack uu joogo Chelsea, waxaanay ku guuleysteen Premier League, FA Cup oo laba xili ciyaareed oo isku xigta ah, laakiin kulankii finalka Wembley ee Portsmouth, waxa uu galaaftay taam ahaanshihii halyeyga reer Germany, balse waxa uu khibrad u helay inuu la shaqeeyo Carlo Ancelotti oo isagana ogaado taatikadiisa tababarenimo.

“Calo waa nin caqli badan oo xariif ah ku ah sida uu wax u xusho iyo sida uu ciyaartoyga uga shaqaysiiyo. Wuxuu isku darsaday shaqsiyad wanaagsan oo ixtiraam leh iyo ciyaartoyga oo uu u ogolaaday inay is muujiyaan.” Ayuu yidhi Michael Ballack.

Dhaawaca ku gaadhay Wembely, waxa uu keenay in iyadoo ay da’diisu tahay 33 jir uu bannaanka muddo fadhiyo, waxaanu markaas qaatay go’aan ah in aanu heshiiskiisa dhamaanaya u cusboonaysiinin Blues, waxaana go’aankaas qayb ka qaatay qaabka tababarka uu Carlo Ancelotti u bixinayey oo ahaa mid adag.

“Qaabka uu u shaqaynaya wuxuu ahaa mid adag oo laga yaabo inay timaaddo meel aanay arrimahaagu kasii shaqayn karaynin. Xaxataa markaa, taageereyaashu markaa way ogaadeen waxa uu kooxda u horseeday oo ah inuu dib ugu soo celiyey heerkeedii.” Ayuu yidhi.

Bixitaankii Mourinho, waxa uu Stamford Bridge geliyey qalalaase, waxaana xilkiisa xilligaas ka beddelay Avram Grant oo Chelsea u qaaday Champions League, waxaana uu macallinka Yuhuudiga ah la yimid farsamo ka duwan midkii Jose Mourinho.

Finalkii Champions League ee 2008 ee Manchester United ay rikoodheyaasha kaga qaaday

“Gant lama siinin fursad, runtiina way adag tahay in Mourinho kaddib laga shaqeeyo Jose Mourinho. Dhibaato ayay ku noqonaysaa tababare kasta, sababtoo ah xidhiidhka uu la leeyahay ciyaartoyga iyo taageereyaasha. Runtii kubbad fiican ayaanu ciyaarnay xilligiii Grant, waxaananu helnay xorriyad badan. Kooxda waxa uu u maamulay si ka duwan Mourinho.” Ayuu raaciyey Ballack.

Xogta waqtiyadii uu Ballack joogay Chelsea iyo rikoodhkii tababareyaasha uu la shaqeeyey

Jose Mourinho (May 2006 – September 2007) Guul: 45; Barbarro: 19; Guul-darro 8; Celceliska boqolladayda ee guulaha: 62.5

Avram Grant (September 2007 – May 2008) Guul: 36; Barbarro: 13; Guul-darro 5; Celceliska boqolladayda ee guulaha: 67

Luiz Felipe Scolari (June 2008 – February 2009) Guul: 20; Barbarro: 11; Guul-darro 5; Celceliska boqolladayda ee guulaha: 56

Carlo Ancelotti (June 2009 – May 2010) Guul: 40; Barbarro: 7; Guul-darro: 9; Celceliska boqolladayda ee guulaha: 71

Luiz Felipe Scolari ayaa yimid Stamford Bridge oo noqday tababaraha Chelsea, February 2009, waxaana shaqada laga caydhiyey dhamaadkii xili ciyaareedka markii ay kaalinta afraad ku dhamaysatay, isla markaana ay toddoba dhibcood ka hoos martay Manchester United oo hoggaanka haysay.

“Kooxda ayaa go’aan kale ka qaadatay Scholari oo aan sidii loo baahnaa u shaqaynin, isla¬† markaana aan ciyaartoyda marnaba la yeelanin xidhiidh.” Ayuu yidhi.

Ugu dambayntii, Michael Ballack waxa uu ka hadlay sidii uu uga tegay Chelsea, waxaanu yidhi: “Carlo wuxuu doonayey inaan sii joogo, laakiin kooxda ayaa gaadhay go’aan ah in ciyaartoyda ay da’daas ah ay siiyaan heshiis sannad kaliya ah, aniguna waxaan doonayey laba sannadood. Maanta waxaan odhan karaa waxay ahayd qalad, waxaanay ahayd inaan sii ciyaaro sannadkaas.

“Marna maan qiyaasi karaynin inaan ku laabanayo Bayer Leverkusen, illaa maalintii ugu dambaysay oo xaqiiqdii aan ku fikiray inay tahay jidka aan kaga bixi karayo Chelsea. Xaqiiqdii, waxaan rajayn lahaa inaan sii joogo illaa dhamaadka (Chelsea)”. Ayuu hadalkiisa ku xidhay Ballack.