WARBIXIN: Imisa Kooxood Oo Yurub Ah Ayaa U Soo Baxay Heerka Groupyada Champions League Ee Xili Ciyaareedka Cusub? Waa Kuwee Kooxaha Isku Aadka UCL Hogaamin Doonaa? Halkan Kaga Bogo Xog Faah Faahsan.

Horyaalada yurub ayaa qaar ka mid ah si rasmi ah loo soo xidhay waxaana heer dhamaad ah ku jira horyaalada kale ee ay kulamada ugu danbeeyaa baaqiga ka yihiin sida horyaalada Spain ee La liga iyo Italy ee Serie A halka horyaalada Premier League iyo Bundesliga xili horeba lagu kala baxay oo la soo gabagabeeyay. xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyay kooxaha sida tooska ah ugu soo baxay heerka groupyada Champions League ee xili ciyaareedka soo socda.

Horyaalada Yurub ugu waa wayn ayaa UEFA ka haysta saamiyo kala duwan oo kooxaha uga qayb galaya tartanka Champions League iyada oo horyaalada Spain, England, Germany iyo Italy ay haystaan saami min afar kooxood ah waxaana min afartan boos ku guulaysta kooxaha kaalinta kowaad ilaa afraad kaga dhamaysta horyaaladan.

Laakiin horyaalada France iyo Russia ayaa min laba kooxood oo si toos ah ugu soo baxaya UEFA Champions League haysta halka horyaalada Portugal, Ukraine, Belgium iyo Turkey ay helaan kooxaha horyaaladooda ku soo guulaysta oo si toos ah ugu soo baxa heerka groupyada haddii ayna duruuf kale oo cusubi soo bixin.

Waxa kale oo oo heerka groupyada UEFA Champions League si toos ah ugu soo baxaya kooxaha ku kala guulaysta UEFA Champions League iyo UEFA Europa League laakiin xili ciyaareedka cusub ee soo socda waxaa si rasmi ah loo dhaqan galin doonaa sharcigii cusbaa ee ahaa in afarta kooxood ee min kaalinta kowaad ilaa afraad kaga soo baxa horyaalada England,Spain, Germany iyo Italy ay si toos ah ugu soo bixi doonaan heerka groupyada Champions League oo ayna sidii hore kooxhaa kaalinta afraad galaa isreeb reeb soo gali doonin.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xogta kooxaha Yurub ee ilaa hadda sida rasmi ah ugu soo baxay heerka groupyada Champions League ee xili ciyaareedka soo socda iyo waliba kooxaha sida ay hadda u taagan tahay iyada oo inta badan kooxaha Yurub ay soo baxeen.

Kooxaha Horyaalka Spain Iyo U Soo Bixi Taanka UEFA Champions League:

Horyaalka Spain waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay afarta kooxood ee xili ciyaareedka cusub uga qayb gali doonta heerka groupyada UEFA Champions league iyada oo kaalinta kowaad ay ku soo baxday Barcelona oo koobka La Liga ku soo guulaysatay waxaana la soo baxay oo booskooda Champions League xaqiijisatay kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid iyo Valencia.

Barcelona waxay ka mid tahay 8 kooxood ee marka isku aadka heerka groupyada Champions League la samaynayo hogaamin doona ee Pot 1 ku jiri doona maadaama oo ay ka mid tahay kooxaha koobka horyaalkooda ku soo guulaystay laakiin sidoo kale Real Madrid ayaa Pot 1 soo gali karta haddii ay ku guulaysato koobka Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, horyaalka Spain waxaa xili ciyaareedka soo socda tartanka Champions League ku matali doona Barcelona, Atletico Madrid, Real Madrid iyo Valencia sidaana waxaa ugu dhamaystirtay saamigii Spain ay ku lahayd Champions league.

Kooxaha Horyaalka Germany Iyo U Soo Bixi Taanka UEFA Champions League:

Horyaalka Germany ee Bundesliga ayaa isna wada haysta dhamaan afartii kooxood ee heerka groupyada Champions league uga qayb gali lahaa xili ciyaareedka cusub ee soo socda iyada oo Bayern Munich markale kaalinta kowaad iyo koobka isla soo heshay waxayna Bayern ku jirtaa qaybta Pot1 ee marka isku aadka heerka Groupyada Champions League la samaynayo hogaamin doona Groupyada.

Kooxda Schalke ayaa kaalinta labaad kaga soo baxay Bundesliga halka Hoffenheim oo xili bilawgii xili ciyaareedkan isreeb reebkii Champions League guuldaro kala kulantay Liverpool ay markan xaqiijisatay kaalinta saddexaad ee Bunesliga waxaana afarta kooxood ee ree Germany ee Champions League u soo baxay dhamaystirtay Borussia Dortmund oo kaalinta afraad kaga soo dhamaysatay Bundesliga.

 

Kooxaha Horyaalka England Iyo U Soo Bixi Taanka UEFA Champions League:

Horyaalka Ingiriiska oo axadii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay ayaa isna waxaa heerka groupyada Champions League ee xili ciyaareedka cusub u soo baxay afarta kooxood ee ay UEFA saamiga uga haystaan iyada oo Manchester City kaalinta kowaad iyo koobka Premier League ay isku haysato.

Man City ayaa marka isku aadka koobka Champions league la samaynayo ku jiri doonta Pot 1 oo ay isku qayb noqon doonaan kooxaha aan soo sheegnay ee Barcelona, Bayern Muninch iyo kooxaha kale ee horyaalada waa wayn ee Yurub ku guulaystay kuwaas oo ayna isku group ku noqon karin Champions League.

Manchester United ayaa kaalinta labaad kaga soo baxday Premier League iyada oo booskeeda Champions League xaqiijisatay halka Tottenham iyo Liverpool oo kaalinta saddexaad iyo afraad ku dhamaystay ay iyaguna heerka groupyada Champions League ay u soo baxeen.

Haddii xili ciyaareedkii hore oo ay Liverpool isla kaalinta afraad ku dhamaysatay ay isreeb reeb soo gashay, xili ciyareedkan ma soo gali doonto wax isreeb reeb ah maadaama oo sharciga cusub ee UEFA uu meesha ka saaray, laakiin Liverpool ayaaba gali karta Pot 1 haddii ay ku guulaysato koobka Champions League ee ay finalkiisa Real Madrid la ciyaari doonto.

Kooxaha Horyaalka Italy Iyo U Soo Bixi Taanka UEFA Champions League:

Horyaalka Talyaaniga saddex kooxood ayaa xaqiijisatay booskooda Champions league ee xili ciyaareedka soo socda iyada oo Juventus koobka Serie A ku guulaysatay markii todobaad oo xidhiidh ah waxayna qayb ka tahay kooxaha Pot 1 ku soo baxay ee groupyada Champions League hogaamin doona.

Napoli iyo Roma ayaa sidoo kale booskooda heerka groupyada ee Champions League xaqiijisatay halka Lazio ay ku jirto kaalinta afraad balse ayna wali si rasmi ah u xaqiijisan booseeda waxaana kaalinta afraad lagu kala bixi doonaa kulamda ugu danbeeya ee Serie A.

Kooxaha Horyaalka France Iyo U Soo Bixi Taanka UEFA Champions League:

Horyaalka France kooxda koobka ku guulaysatay ee PSG oo kaliya ayaa booskeeda xaqiijisatay balse sida ay hadda u taagan tahay AS Monaco ayaa soo baxsan balse wali si rasmi ah umay xaqiijisan booseeda champions League ee xili ciyaareedka soo socda.

Kooxaha Kale Iyo Horyaalada Yurub Ee Ilaa Hadda Sida Ay U Taagan Tahay U Soo Baxsan Heerka Groupyada UCl:

Horyaalka Russia kooxda Lokomotiv Moskva ayaa koobka ku guulaysatay waxayna u soo baxday heerka groupyada Champions League laakiin sidoo kale waxay nasiib u yeelatay in ay qayb ka noqoto hogaamiyaasha groupyada Champions League ee Pot 1.

Kooxda Club Brugge oo Belgium ah iyo Galatasaray oo Turley ayaa sida ay u taagan tahay u soo baxsan heerka Groupyada UCL laakiin wali booskooda lama xaqiijin iyada oo kulamada soo socda lagu go’aamin karo.

Halkan Si Buuxda Ugaga Bogo Kooxaha Sida Rasmiga Ah ugu Soo Baxay Heerka Groupyada UCL ee xili ciyaareedka soo socda iyo kuwa sida ay hadda u taagan tahay soo baxsan iyada oo kooxaha midabka madow ku qoran ay haddaba si rasmi ah u soo baxeen.

Spain: Barcelona*, Atlético Madrid, Real Madrid, Valencia

Germany:  Bayern München*, Schalke, HoffenheimBorussia Dortmund

England: Manchester City*, Manchester United, Tottenham Hotspur, Liverpool

Italy: Juventus*, Napoli, Roma, Lazio

France: Paris Saint-Germain*, Monaco

Russia: Lokomotiv Moskva*, Spartak Moskva

Portugal: Porto

Ukraine: Shakhtar Donetsk

Belgium: Club Brugge

Turkey: Galatasaray

17 kooxood oo ka mid ah 24 ka kooxood ee liiskan ku jira ayaa xili ciyaareedkan qayb ka ahaa heerkii Groupyada UEFA Champions League iyada oo sida aan soo sheegnay kooxaha farta madow ku qorani ay si toos ah haddaba ugu soo baxeen heerka Groupyada halka kooxaha kale ay ku jiraan boosaska lagu soo baxo balse aan wali dhibco ahaan loo xaqiijin.

Dhamaan kooxaha ku guulaysta horyaalada waa wayn ee Yurub oo ay haddaba ka mid yihiin Manchester City, Bayern Munich , Barcelona, Juventus, Lokomotiv Moskva iyo PSG waxay si toos ah u galayaan Pot 1 oo ah kooxaha hogaamin doona heerka Groupyada UEFA Champions League waxaana ku soo biiri doona kooxaha ku guulaysta Champions League iyo Europa League iyada oo haddii ay kooxo dhinaadaan ay UEFA qiimaynteeda ku buuxin doonto.

Laakiin waxaa xusid mudan in kooxaha kaalinta afraad kaga dhamaysta horyaalada Premier league, La Liga, Serie A iyo Bundesliga ayna xili ciyaareedka soo socda ayna wax isreeb reeb ah soo gali doonin waxayna si toos ah uga mid noqon doonaan kooxaha heerka Groupyada UCl.

Guud ahaan 24 kooxood ayaa si toos ah heerka Groupyada UEFA Champions League ugu soo bixi doona horyaalada aan soo sheegnay iyada oo haddaba 20 kooxood ay soo baxeen halka labada kooxood ee ku soo guulaysta Champions League iyo Europa League ay ka dhigi doonaan 26 kooxood taas oo la micno ah in 6 boos oo kaliya ay kooxo badan oo Yurub ahi isreeb reebyo dhawr wareeg ah u soo gali doonaan si loo dhamaystiro 32 ka kooxood ee ku tartami doona UCl.

Xogtani waxay ku diwaan gashan tahay May 14,2018 waxaana bixiyay xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA iyada oo marka kulamada soo socda la ciyaaro ayna noqon doonin mid sidan sii ahaan karta maadaama oo kooxaha aan booskooda la xaqiijin ay wax iska badali karaan, wuxuuna isbadalku saamayn karaa kooxaha Monaco, Lazio, Spartak Moskva iyo Galatasaray oo aan wali booskooda heerka groupyada xaqiijisan.

Markasta iyo meel kasta oo aad joogto shabakada Gool24.net kala soco warar faah faahsan iyo xog laysku halayn karo oo xaqiiq ah, lana wadaag asxaabtaada kale ee baraha bulshada. Wixii fikir ah waxaad noogu soo qori kartaa barta Facebook ee Gool24.net ama qaybta hoose ee fariimaha.