Isku Aadka Jadwalka Kulamada Premier league Ee Xili Ciyaareedka Cusub Ee 2018/19 Oo Barri Oo Khamiis Ah La Samaynayo Iyo Faah Faahsan Oo Aad U Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato.

Ugu dhawaan waxaa soo dhamaaday waqtigii la sugayay in la soo saaro isku aadka iyo jadwalka kulamada xili ciyaareedka cusub ee 2018/19. Maamulka Premier League ayaa si rasmi ah u shaaciyay taariikhda iyo waqtiga rasmiga ah ee la samaynayo isku aadka xili ciyaareedka cusub ee Premier League.

Haddaba waxaanu halkan kaga jawaabi doonaa su’aal kasta oo ay suurtogal tahay in aad iska waydiinayso isku aadka xili ciyaareedka cusub ee premier League iyada oo inta aynu warbixintan ku dhex jirno aad xogta kaga bogan doonto.

Goormaa La Samaynayaa Isku aadka Jadwalka kulamada Premier League ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19?:

Maalinta khamiista ee June 14,2018 waxay jamaahiirta kubbada cagta aduunka u noqon doontaa maalin khaas ah waxaana kulmi doona shaacinta jadwalka kulamada Premier league ee xili ciyaareedka cusub iyo xaflada daah furka koobka aduunka ee Russia 2018.

Maamulka Premier league ayaa in khamiista barri ee June 14,2018 si rasmi ah u loo soo saari doono isku aadka dhamaan 38 ka kulan ee xili ciyaareedka 2018/19 oo ka kooban dhamaan 20 ka kooxood ee Premiere league ku tartami doona waxaana isku aadka la soo saari doonaa marka ay saacada London tahay 9:00 subaxnimo oo ku beegan 11:00 maalinimo ee saacada geeska Afrika.

Gootma ayuu Bilaami doona Xili Ciyaareedka Premier league ee 2018/19?: Xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 ee horyaalka Premier League waxa uu bilaami doonaa usbuuc dhamaadka  August 11/12,2018 waana 27 maalmood oo kaliya kadib marka uu koobka aduunka ee isla khamiista bilaamayaa soo dhamaado.

Goorma ayuu dhamaan doonaa xili ciyareedka Premier League ee 2018/19?  : Xili ciyaareedka cusub ee Premier League ee 2018/19 waxaa la qorsheeyay in uu si rasmi ah u soo xidhmi doono maalinta axada ee May 19,2019.

Goormaa La Shaacin Doonaa Kulamada Jadwalka Premier League 2018/19 ee TV-yada Toos U Baahin Doona?

Muuq baahiyaha Sky Sports ayaa sheegay in qaybta kowaad ee jadwalka kulamada tooska loo baahin doono ee Premier League ay shaacin doonaan bisha July ee inagu soo aadan markaas oo ay soo bandhigi doonaan jadwalka baahinta tooska ah ee bilaha August iyo September.

Sky Sports ayaa inta ugu badan kulamada Premier league ee xili ciyaareedka cusub baahin doona waxayna haystaan xuquuqda baahinta ee 126 kulan oo xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 ah halka BT Sports uu baahin doono kaliya 52 kulan waxaana saaxada xuquuda baahinta ku soo biirtay Amazon oo 20 kulan si toos ah u baahin doonta.

Ayaa Samayn doona Isku Aadka Kulamada Premier league Ee Xili Ciyaareedka Cusub?

Glenn Thompson oo ka tirsan Atos ayaa soo maamulayay soo saarista iyo samaynta jadwalka isku aadka Premier League tan iyo sanadkii 1992 kii isaga oo soo sameeyay 2,036 kulan isku aadkooda ee afarta horyaal ee kubbada cagta England.

Muxuu Yahay Sharciga La Raacayo Marka Isku Aadka Premier League la samaynayo?

Glenn Thompson ayaa sheegay in uu jiro sharci la yidhaa sharciga dahabiga ah oo lagu saleeyo isku aadka kulamada Premier league ee xili ciyaareedka kaas oo la doonayo in shantii kulan ee isku xiga ee ay kooxi ciyaarayso in ay ku jiraan saddex kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaarayso.

Glenn Thompson oo arintan kala hadlay shabakada rasmiga ah ee maamulka Premier League ayaa yidhi: ” Sharciga dahabiga ah ee taxanaha- waxaa waajib ah in shantii kulanba loo kala jabiyo in saddex kulan oo guriga ahi ku jirto, laba marti ah ama sidaa badalkeeda (saddex marti ah iyo laba guriga ah)”.

Glenn Thompson ayaa ka hadlay qaabka layskugu dheeli tiro kulamada martida iyo minanka wuxuuna sheegay in saddexdii kulan ee isku xigaba ay kooxdu laba kulan garoonkeeda ku ciyaarto iyada oo waliba mardhow la dhex galinayo kulamada FA Cupka.

Glenn Thompson ayaa sidoo kale sheegay in haddii kooxi ay maalinta Boxing Day-ga ee December 26 ay marti noqoto in ay markaas waajib noqonayso in maalinta sanadka cusub ee January 1 ay minan keeda ku ciyaarto. Waxa kale oo uu Glenn Thompson sheegay in la isku dheeli tiro jadwalka martida iyo minanka kooxaha ee maalmaha sabtida ee xili ciyaareedka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, waxay balanteenu tahay maalinta khamiista June 14,2018 marka ay saacada London tahay 9:00 subaxnimo ama 11:00 barqonimo ee saacada Geeska Afrika iyo jadwalka oo dhamaystiran oo aanu idiin soo gudbin doono insha Allah.