WARBIXIN; Wax Walba Ee Aad Ugu Baahan Tahay Ciyaartoydii Ugu Bandhiga Fiicnaa Kulamadii Laga Soo Ciyaaray Heerka Groupyada Tartanka Champions Leaque-ga Xili Ciyaareedkan.

Waxaa gabi ahaanba la soo gabagabeeyay kulamadii wareega ugu danbeeyay ee heerka Groupyada Champions Leaque-ga iyada oo haddaba la ogyahay dhamaan kooxaha wareega xiga isku aadka loogu samayn doono ee koobka Champions Leaque ku sii tartami doona. Maadaama Afartii kooxood ee laga sugayay kulamadii ugu danbeeyay ayaa soo baxay.

Heerka Groupyada Champions Leaque-ga ayaa xili ciyaareedkan lagu dhax arkay waxyaabo badan oo la yaab leh, sida Atletico Madrid iyo Napoli oo isaga haray tartankan, sidoo kale waxaa lagau daawaday kulamo aad u xiiso badan iyo rikoodho badan ay sameeyeen ciyaartoy dhowr ah iyo kooxo fara badan.

Hadaba Warbixintan waxaan dib ugu eegi doonaa shanta ciyaaryahan ugu bandhiga fiicnaa kulamadii laga soo ciyaaray heerka Groupyada, marka laga eego heerarka kala duwan ee laga qiimeeyo kubada cagta;

Gool Dhaliyaha Ilaa Iyo Haatan Ugu Sareeya Kulamada Heerka Groupyada Xili Ciyaareedkan:

Cristiano Ronaldo: 9 gool

Edinson Cavani: 6

Harry Kane:6

Neymar Jr: 6

Roberto Firmino: 6

Xidigihii Goolasha Ugu Badnaa Caawiyay Kulamadii Laga Soo Ciyaaray Heerka Groupyada:

James Milner: 5

Alberto Moreno: 3

Neymar Jr: 3

Kevin De Bruyne: 3

Kylian Mbappé: 3

Roberto Firmino: 3

Dries Mertens: 3

Xidigaha Gambiska Ugu Badan Ka Sameeyay Xili Ciyaareedkan Heerka Groupyada Cel Celis Ahaan Kulankiiba:

Neymar: 6.3 gambis oo dhamaantood wada guuleystay

Diego Perotti: 6.2

Yacine Brahimi: 5.5

Eden Hazard: 4.5

Naby Keïta:   4.4

Xidigaha Shuudadka Ugu Badan Ku Tuuray Goolka Kooxaha Kasoo Hor Jeeday Cel Celis Ahaan:

Cristiano Ronaldo: 7.5 isku day Shuut

Robert Levandowski: 5.6

Mohamed Salah:  4.8

Lionel Messi: 4.7

Harry Kane: 4.6

Baasaskii Ugu Badan Cel Celis Ahaan Kulan Kasta

Éver Banega: 111 baasas

John Stones:  98

Marco Verratti: 97

Nicolás Otamendi: 95

Joel Matip: 91

Xidigahii Ugu Qaladaadka Badnaa Iyadoo Cel Celis Ahaan Loo Eegayo Kulankiiba;

Casemiro: 5.2

Marc Bartra: 4.3

Dani Alves: 3.7

Filipe Luís: 3.7