UPDATED: Talyaaniga Oo Qaramada Fashilmay Ku Biiray, Waqtiga Isku Aadka Koobka Aduunka La Samayn Doono Iyo Xogta Koobka Qaramada Aduunka Ee Russia 2018.

Kadib waqti dheer oo la soo ciyaaray kulamadii isreeb reebka qaramada aduunka ee sanadihii ugu danbeeyay soo socday waxaa la soo gaadhay gabagabadii kulamada koobka aduunka loogu soo baxayo waxaana hadda la ogyahay 28 xul qaran oo ka soo muuqan doona Russia badhtamaha sanadka cusub ee fooda inagu soo haya markaas oo dareenka kubbada cagta aduunku uu Russia si buuxda u qaban doono.

Waxaa hadda heerkii ugu danbeeyay maraya kulamada Play-offka ee qaramada aduunku ay wali ugaga qayb gali karaan boosaska ka maqan 32 ka xul qaran ee koobka aduunka ka qayb gali doona.31 xul qaran ayaa ugu soo baxaya isreeb reeb dadaal badan qaatay halka Russia xaq u yeesheen in si toos ah ay koobkan ugu soo baxaan maadaama oo ay tartanka marti galinayaan.

Sidaa daraadeed, 29 xul qaran oo isreeb ka soo baxay iyo Russia ayaa hadda diyaar u ah koobka aduunka laakiin siddeed xul qaran ayaa wali u tartamaya afarta boos ee ka banaan koobka aduunka iyada oo afar ka mid ahi ay mari doonaan halkii loo badnaa ee qaramadii koobka aduunka seegay halka afarta gacanta sare soo yeeshaa ay liiskan ku soo biiri doonaan.

Haddaba ugu horayn Halkan kaga bogo Liiska Qaramada Ilaa Hadda Koobka Aduunka U Soo Baxay Oo Aan Qaarado U Qaybsanayn:

1-Argentina,

2-Belgium

3-Brazil

4-Colombia,

5-Costa Rica,

6-Croatia,

7-Egypt,

8-England,

9-France,

10-Germany,

11-Iceland,

12-Iran,

13-Japan,

14-Mexico,

15-Morocco,

16-Nigeria,

17-Panama,

18-Poland,

19-Portugal,

20-Russia (marti galiyaal),

21-Saudi Arabia,

22-Senegal,

23-Serbia,

24-South Korea,

25-Spain,

26-Switzerland,

27-Sweden ,

28-Tunisia,

29-Uruguay.

Qaarada Afrika malaha wax kulamo Play-off ah waxaana Groupyada ka soo baxa shanta xul qaran ee kaalinta kowaad ku dhamaysta taas oo la micno ah in Masar, Nigeria, Senegal, Tunisia iyo Morocco ay si toos ah uga soo baxeen Afrika kuwaas oo ah shanta xul qaran ee qaaraada Afrika matali doona.

Qaaraada Yurub waxaa wali kulamada lugta labaad ee Play-offka ciyaari doona Denmark iyo Republic of Ireland waxaana kulankii lutii hore soo guulaystay Denmark taas oo Republic of Ireland culayska saaraysa laakiin xulka qaranka Talyaaniga ayaa ceeb wayn la kulmay iyaga oo ku fashilmay in ay ka soo kabsadaan guuldaradii kulankii lugtii hore ka soo gaadhay Sweden. Italy oo la filayay in ay Sweden soo dhaafayaan ayaa fashilmay waxayna seegeen koobka aduunka ee Russia 2018. Kulamada Play-offka ee wali hadhsan

Denmark vs Republic of Ireland (November 14)

New Zealand vs Peru (November 16)

Honduras vs Australia ( November 15)

Marka ay soo kala baxaan siddeedan xul qaran ee afarta kulan soo ciyaari doona waxaa si rasmi ah loo ogaan doonaa 32 ka xul qaran ee koobka aduunka iskugu soo bixi doona oo dhamaystiran.

Goorma Ayaa La Samayn Doonaa Isku Aadka Koobka Aduunka? Goobtee Ayaase Lagu Qaban Doona Xaflada Isku Aadka?

Haddaba meel ku sii qoro, waxaa isku aadka koobka aduunka la samayn doonaa maalinta jimcaha ah ee December 1,2017 waxaana xaflada isku aadka lagu samaynayaa ay ka dhici doontaa qasriga magaalada Moscow ku yaal ee State Kremlin Palace kaas oo ay soo fadhiisan karaan 6,000 lix kun oo qof.

Qaabkuu U Shaqeeyaa Isku Aadka Koobka Aduunku?

Marka November 16, la hubsado dhamaan 32 ka xul qaran ee iskugu soo baxay koobka aduunka waxay FIFA qaramada u soo baxay koobka aduunka ay u qayb doontaa groupyo ku salaysan halka ay qiimaynta aduunka ee bilaha ah ee FIFA ay kaga jiraan taas oo saamayn ku yeelan doonta qaramada isku aadka marka la sameeyo isku groupka noqon kara.

Waxa uu isku aadku ka koobnaan doonaa min Group A ilaa Group H oo ay midkiiba ku jiri doonaan afar xul qaran waxayna ku xidhan tahay qiimaynta FIFA iyada oo la filayo in qaramo sumcad wayn kubbada cagta aduunka ku lihi ay isku group noqon karaa isla markaana la heli karo Groupyo lagu tilmaami doono kuwa dhimashada. Wuxuuna isku aadku noqon doonaa mid furan.

Goorma Ayuu Koobka Aduunka Bilaami Doonaa?

FIFA waxay haddaba sii cadaysay isla maalinta uu bilaami doono koobka aduunka ee Russia 2018 waxaana kubbada ugu horaysa laysku taaban doonaa maalinta khamiista June 14,2018 iyada oo xaflad wayn loo qaban doono waxaana sidii caadada ahayd lagu furi doonaa kulan ay Russia ciyaari doonto. Wuxuuna koobka aduunku dhamaan doonaa insha Allah July 15,2018.

 

Comments

comments