WARBIXIN: Waa Kuwee Xidigaha Kabta Dahabka Ah Ee Yurub Ku Tartamayaa? Xidig Si Lama Filaan Ah Cid Walba Uga Sareeya Iyo Liiska Oo Dhamaystiran.

Kooxaha horyaalada Yurub ayaa muddo laba usbuuc ah ka nasan doona kulamada horyaalada ay ka tirsan yihiin waxaana jiri doona kulamadii labaad ee heerka caalami ee xili ciyaareedkan 2017/18 kuwas oo ka mid ah isreeb reebka koobka aduunka loogu soo baxayo. Haddaba fursadan anaga oo ka faa’iidaysanayna ayna jirin goolal laga sugayo horyaalada yurub, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa halka uu marayo tartanka xiisaha badan ee kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub.

Horyaalada Yurub ayaa haysta qiimayn kala duwan maadaama oo ayna isku heer iyo awood ahayn, waxaana jira horyaalada ugu waa wayn oo goolkiiba lagu qiimeeyo 2 dhibcood halka horyaalada qaar goolkiiba ku helaan 1.5 dhibcood balse sidoo kale horyaalo kale ayaa goolkiiba ku hela 1 dhibic iyada oo la ogyahay in ciyaartoyga ugu dhibcaha bataa uu ku guulaysato kabta dahabka ah ee yurub.

Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkii hore ku soo guulaysatay kabta dahabka ah ee yurub kadib tartan adag oo uu soo galay laakiin xili ciyaareedkan ilaa hadda waxaa tartanka kabta dahabka ah hogaaminaya ciyaartoy ayna dadku xataa magaciisa iyo kan kooxdiisa garan karin inta badan basle dadaal badan oo uu sameeyay awgeed iyo kulamo badan oo uu soo ciyaaray magacan ku helay.

Xidiga xulka qaranka Estonia ee Albert Prosa oo ka tirsan kooxda dalkiisa Estonia ee FCI Tallinn ayaa kabta dahabka ah ee yurb ku hogaaminaya 25 dhibcood oo uu ka soo helay 25 gool oo uu soo dhaliyay iyada oo horyaalka Estonia uu halkii goolba la micno yahay hal dhibic.

Lionel Messi oo kulankii Las Palmas laba gool ka dhalyay ayaa kaalinta labaad ugu jira 11 gool oo uu ku helay 22 dhibcood waxayna isku mid yihiin Radamel Falcao oo isna 11 gool ku helay 22 dhibcood. Lionel Messi iyo Falcao ayaa ah labada xidig ee kaliya ee ka tirsan shanta horyaal ee yurub ugu waa wayn ee ilaa hadda soo galay shanta kaalmood ee ugu sareeya ee tartanka kabta dahabka ah.

Laakiin iyada oo horyaalada kale ee yurub kulamo badan laga soo ciyaaray ayaa la filayaa in dhawaan xidigaha shanta horyaal ee waa wayni ay safka hore soo gali doonaan. afar xidig oo kaliya oo ka tirsan shanta horyaal ee yurub ugu waa wayn ayaa ka soo muuqday tobanka xidig ee ilaa hadda dhibcaha ugu badan ka haysta tartanka kabta dahabka ee Golden Bootka Yurub.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan tobanka xidig ee goolasha ugu badan Yurub ka soo dhaliyay isla markaana dhibcaha ugu badan ka soo helay ee tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub.

1- Albert Prosa- FCI Tallinn- 25 gool iyo 25 dhibcood

2- Lionel Messi- Barcelona -11 gool iyo 22 dhibcood

3-Radamel Falcao- Monaco-11 gool iyo 22 dhibcood

4-Rauno Sappinen-FC Flora-22 gool iyo 22 dhibcood

5-Mikhail Gordejchuk- BATE- 14 gool iyo 21 dhibcood

6- Sean Maguire- Preston North End 20 gool iyo 20 dhibcood

7- Paolo Dybala -Juventus- 10 gool iyo 20 dhibcood

8-Magnus Eriksson-Djurgårdens IF-12 gool iyo 18 dhibcood

9-Ciro Immobile- Lazio- 9 gool iyo 18 dhibcood

10- Andri Rúnar Bjarnason- UMF Grindavík- 18 gool iyo 18 dhibcood