WARBIXIN: Waa Kuwee Rekoodhada Tartanka Kooxaha Yurub Ee Ayna Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi Wali Gaadhin? UEFA Oo Sharaxaad Ka Bixisay Iyo Rekoodhada Qaar Oo Aad U Adag.

Labada xidig ee kubbada cagta aduunka soo haystay tobankii sano ee ugu danbaysay ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ugu dhawaan soo jabiyay rekoodh kasta oo kubbada cagta halka ay kuwo ay dag tahay in la gaadhho ay soo dhigeen laakiin taas micnaheedu ma aha in ay rekoodh kasta oo kubbada cagta Yurub ka jiray ay gaadheen waxaana jira kuwo badan oo ayna wali gaadhin.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sharaxaad buuxda ka bixiyay isla markaana soo bandhigay rekoodhada ayna Messi iyo Ronaldo wali gaadhin iyada oo waliba qaarkood yihiin kuwo adag oo waqti u baahan. Halyayo badan oo kubbada cagta Yurub soo maray ayaa wali Ronaldo iyo Messi kaga horeeya rekoodhada qaar inkasta oo ay iyaguba kaga fiican yihiin rekoodho ay ka mid yihiin gool dhalinta ay wacdaraha ku soo dhigeen.

Haddaba halkan kaga bogo xogta rekoodhada ayna wali Ronaldo iyo Messi ka gaadhin tartanka kooxaha Yurub:

 

Goolasha Laga Soo dhaliyay Finalka Tartanka Kooxaha Yurub:

Goolasha ugu badan ee laga dhaliyo final-ka tartanka horyaalada yurub waxaa heysta: Alfrédo Di Stéfano iyo Ferenc Puskás kuwaas oo min 7-gool dhaliyay iyagoo u ciyaaraya Real Madrid.

Kulamada ugu badan ee final-ka ee shabaqa lasoo taabto waxaa heysta Alfrédo Di Stefano oo gool dhaliyay 5-final oo kala duwan tartamada yurub isagoo ka tirsan Real Madrid – 1956, 1957, 1958. 1959, 1960.

Goolasha ugu badan ee hal final la dhaliyo waxaa heysta Ferenc Puskás kaas oo 1960 u dhaliyay Real Madrid 4-gool.

Ronaldo & Messi: Messi wuxuu dhaliyay final-ka tartanka laba gool 2009 iyo 2010, halka Ronaldo uu dhaliyay 4-gool, 2008, 2014 iyo 2017. Cristiano wuxuu kasoo muuqday 5- final oo UCL, wuxuuna sadex ka yar yahay xidigaha ugu badan ee rikoorkaas heysto Francisco Gento (Real Madrid) iyo Paolo Maldini (AC Milan).

Guulaha Laga Soo Gaadhay Tartanka Kooxaha yurub:

Xidiga ugu badan ee kooxo la qaaday tartanka waa Clarence Seedorf, wuxuuna kula guuleystay 3-kooxood oo kala duwan (Ajax 1995, Real Madrid 1998, Milan 2003, 2007).

Kooxaha ugu badan ee gool loo dhaliyo tartanka yurub waxaa heysta Zlatan Ibrahimovic oo 6-koox oo kala duwan gool u dhaliyay (Ajax, Juventus, Internazionale, Barcelona, Milan, Paris Saint-Germain).

Ronaldo ayaa usoo dhaw rikoorka Seedorf madama uu laba koox la qaaday Man United 2008 iyo Real Madrid sadex jeer 2014, 2016 iyo 2017.

Rikoorka Ibrahimovic waa ku dhib Ronaldo iyo Messi intaba, Messi wuxuu kaliya u dhaliyay Barcelona halka Ronaldo uu laba koox goolal u dhaliyay tartanka, hadii Zlatan uu Man United gool u dhaliyo rikoorka wuu sii baahi doonaa.

Xidiga Ugu Da’da Wayn Ee Finalka Champions Leaque gool ka dhaliyay:

Xidigii ugu da’da weynaa ee gool ka dhaliya final-ka UCL wuxuu noqday Paolo Maldini kaas oo gaaray shabaqa Liverpool 2005 isagoo jira 36-sano iyo 333 maalmood.

Sidoo kale xidigii ugu da’da weynaa ee wareega group-yada gool ka dhaliya wuxu noqday Francesco Totti kulan ay ka hor jeedeen CSKA Moskva, 2014 – wuxuuna ahaa 38-jir iyo 59-maalmood.

Xidigii ugu da’da weynaa ee gool dhaliya intaan loo bixin magaca Champions League wuxuu ahaa Manfred Burgsmüller kaas oo ka tirsanaa Werder Bremen isagoo jira 38-sano iyo 293 maalmood ayuu dhaliyay 1988.

Goolasha Ugu Deg Dega Badan Ee Champions Leaque Laga Dhaliyay:

Goolka ugu dhaqsiyaha badan Champions League waxaa heysta Roy Makaay kaas oo soo taabtay shabaqa Real Madrid 2007 (10.12 ilbiriqsi)

Goolka ugu dhaqsiyaha badan final-ka Champions league waxaa heysta Paolo Maldini kaas oo 53-ilbiriqsi gool uga dhaliyay Liverpool 2005.

Rikoorka goolka ugu dhaqsiyaha badan Messi ayaa u dhawaaday oo 3-daqiiqo ku dhaliyay kulan ay Celtic wajaheen 2016, halka Ronaldo uu 4-daqiiqo gool uga dhaliyay Juventus 2013.

Saddexleyda ugu Deg Dega Badan Ee Champions Leaque Laga Dhaliyay:

Sadexleyda ugu dhaqsiyaha badan waxaa ka dhaliyay tartanka Bafétimbi Gomis oo ay ku qaadatay 8-daqiiqo kaliya isagoo ka tirsan Lyon 2011, wuxuuna ka dhaliyay Dinamo Zagreb.

Ronaldo iyo Messi waxey dhaliyeen min 7-sadexley tartankaan, balse Messi ayaa usoo dhawaaday oo ay 26-daqiiqo ku qaadatay inuu Arsenal 3-gool uga dhaliyo 2010.

Goolasha Ugu Badan Ee Xili Ciyaareedyo Xidhiidh Ah La Dhaliyo:

Goolasha la dhaliyo xilli ciyaareedyo xiriir ah waxaa ugu badan Raul Gonzales kaas oo 14-xilli oo xiriir ah gool dhalinayay.

Goolasha ugu badan ee xidig uu dhaliyo xilli ciyaareedyo xiriir ah, waxaa heysta Ryan Giggs oo shabaqa taabanayay 16-xili ciyaareed oo xiriir ah.

Goolasha Hal Xili Ciyaareed Laga Dhaliyay Tartamada Kooxaha Yurub:

Goolasha la dhaliyo hal xilli ciyaareed tartamada yurub waxaa heysta Radamel Falcao oo tartanka Europa League ka dhaliyay 18-gool sanadkii 2011 isagoo ka tirsan Porto.

Ronaldo wuxuu gaaray markii ugu dheereed 17, halka uu Messi gaaray 14.

Goolasha xidhiidhka ah Ee Kulamada Ugu Badan Laga Dhaliyay:

Ruud Van Nistelrooy ayaa heysta rikoorka kulamada ugu badan ee xiriir ah oo gool la dhaliyo taranka Champions League madama uu 9-kulan shabaqa gaaray 2002/2003.

Comments

comments