WARBIXIN: Waa Kuwan Liiska Afarta Daafac Ee Uu Pep Guardiola Qiimaynta Buuxda Ku Samayn Doono Fasaxa Qaramada Si Uu Musiibada Daafac Ee Haysata Ugu Xaliyo.

Sida haatan soo if-baxaysa qaladkii ugu weynaa ee ay Manchester City samaysay suuqii xagaaga ayaa ahaa inaysan lasoo saxeexan bedelkii kabtankii kooxdeeda ee Vincent Kompany oo ka tagay.

Iyadoo mudo laba toddobaad ah fasax laga ahaan doono kulamada horyaalka Premier League dabcan City ayaa la filayaa inay wakhtigaas ku bixin doonto qiimaynta bar-tilmaameedyada ay suuqa ka yeelanayso gaar ahaan daafaca.

Kaddib soo buuxin la’aanta booskii Kompany, Dhaawaca mudada dheer ee Aymeric Laporte iyo dhaawaca uu qabo John Stones, Waxaanu halkan idiinku muujin doonaa tiraba afar daafac oo ay Citizens iyo tababare Guardiola qiimayn doonaan mudadaas.

1: Nathan Ake (Bournemouth)

Ake ayaa looga wacay xulka Holland kaddib qaab kale oo wacan oo uu ku bilawday Premier League, Nasiib daro daafacan ayay ka horreeyaan dhammaan Virgil Van Dijk, Matthijs De Ligt iyo Stefan de Vrij balse guul ay ka gaadhaan Northern Ireland ayaa ka caawin karta in fursad la siiyo kulanka xiga ee Belarus.

2: Milan Skrinar (Inter Milan)

Haddii aynu qaadano sida ay sheegayaan saxaafada Talyaanigu, Man City ayaa xagaagii mid kamida bar-tilmaameedyadeeda sarre ka dhiganaysay Milan Skrinar, Daafaca Inter ayaan qiimo hoose ku iman doonin balse bixin kara khibarada iyo tayada uu Guardiola raadinayo.

3: Ruben Dias (Benfica)

Tan iyo koobkii aduunka, Dias ayaa kusoo bilawday dhammaan 12 kulan ee Portugal ay ciyaareen oo uu ku jiro midkii Final-ka Nations League, Maaha markii ugu horreysay ee lala xidhiidhinayo City waxaana uu hubaashii kamid yahay da’yarta ugu wanaagsan Yurub.

4: Caglar Soyuncu (Leicester City)

Shaki la’aan Soyunku waa mid kamida layaabyada xilli ciyaareedkan ee Premier League, Daafacan oo wicitaan ka helay xulkiisa Turkey-ga ayaa si weyn u buuxinaya booskii Harry Maguire ee Leicester City, Foxes ayaa dhawaanahan muujinaya inaan lagu qasbi karin inay ciyaartoy iibiyaan iyagoo sidoo kale afarta sarre u tartamaya sidaas darteed bixitaankiisa ayaan sahlanaan doonin.