WARBIXIN: Waa Kuwan AFARTA Qoddob Ee Madax Xanuunka Ku Ridaya Madaxda Barcelona Ee U Baahan Inay Go’aan Ka Gaadhaan Kahor Xilli Ciyaareedka Cusub.

Madaxda sarre ee kooxda Barcelona ayaa ganacsi wanaagsan ka sameeyay suuqa xagaagan iyaga oo lasoo saxeexday Antoine Greizmann, Frankie De Jong iyo goolhaye Neto iyadoo ay intaas u dheertahay lacago wanaagsan oo ay ka sameeyeen xiddigaha ay iibiyeen.

Marka laga yimaado dhinacaas wanaagsan waxa jirta dhinac aan fiicnayn maadaama ay dhammaan saxeexyada cusubi tartan cusub kusoo darayaan kooxda oo ay tababaraha ku ridayaan madax xanuun dhinaca xulashada shaxda ah.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa tiraba afar arrimood oo ay madaxda suuqa ee Barcelona iyo tababare Ernesto Valverde tahay inay wax ka qabtaan kahor inta uusan suuqa qaarada Yurub xidhmin.

SIDOO KALE AKHRISO:  Daafaca Arsenal Sokratis Oo Tilmaamay In Weerarka Burnley Uu Ka Adag Tahay Kan Liverpool: "Waa Ay Sahlan tahay In Kubad Laga Difaacdo Liverpool Marka Loo Eego Burnley"

Arrinta kowaad ayaa ah iibinta Philippe Coutinho oo u muuqda mid ka baxsan baahidooda, Kooxaha laga iibin karo Coutinho ayaa soo koobmay maadaama oo uu xidhmay suuqa Premier League.

Iyadoo aan la filayn inuu wax dalab ah ka helo horyaalka Talyaaniga ayay PSG tahay kooxda ugu macquulsan ee uu ku biiri karo isagoo qayb ka noqonaya heshiiska Neymar lagaga doonayo Camp Nou.

Qoddobka labaad ayaa ah in tababare Valverde uu go’aamiyo waxa uu ka yeelayo xiddigahiisa khadka dhexe ee Vidal iyo Rakitic oo cadaadis ku fuulayo imaatinka De Jong kaas oo loo balanqaaday boos shaxda koowaad ah markii kooxda la keenayay.

SIDOO KALE AKHRISO:  LA OGAADAY: Maxay Ahayd Sababtii Dhabta Ahayd Ee Philippe Coutinho Uu Ku Diiday In Uu Paris Saint-Germain Ku Biiro Si Uu Qayb Uga Noqdo Heshiiska Neymar Jr?

Qoddobka saddexaad ayaa ah in kooxdu ay xal buuxa ka gaadho Rafinha oo heshiiskiisa kooxdu xagaaga dambe dhacayo isla markaana aan wali wax dalabaad ah haysan.

Qoddobka ugu dambeeya ee afraad ayaa ah in Valverde iyo madaxda kale ee kooxdu ay koox amaah ku qaadata u raadiyaan 19 jirka wacdaraha kusoo dhigay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Riqui Puig oo qaan gaadhnimo weyn kusoo heli lahaa koox uu boos joogto ah ka helo.