WARBIXIN: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Isku Aadka Champions League, Kooxaha Soo Baxay, Garoonka Finalka Lagu Qaban Doono Iyo Jadwalka Oo Dhamaystiran.

Xidhiidhka kubbada cagta yurub ee UEFA ayaa soo bandhigay sida uu noqon doono jadwalka tartanka xiisaha badan ee Champions league ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 kaas oo isku aadkiisa ugu horeeya la samayn doono maalmaha soo socda. UEFA ayaa xili ciyaareed kastaaba inta aanu bilaamin waxay shaacisaa xogta iyo jadwalka ay kooxaha Yurub ee tartankan qaybta ka ahi ku hawl gali doonaan.

Faah faahinta ay UEFA bixisay waxaa laga soo bilaabay min isku aadka ugu horeeya ee isreeb reebka wajiga kowaad ee UEFA Champions league, waxaana la soo gaadhsiiyay maalinta la ciyaari doono kulanka finalka Champions League oo xili ciyaareedka cusub ka qabsoomi doona magaalada taariikhda wayn koobkan ku leh ee Madrid.

Sanadkii hore ayay ahayd markii ay UEFA si rasmi ah ugu codaysay in magaalada Madrid ay marti galin doonto finalka UEFA Champions league ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 waxaana lagu qaban doonaa garoonka cusub ee kooxda Atletico Madrid ee Estadio Metropolitano taas oo kooxaha ree Spain dhiiro galin wayn u noqon doonta.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xogta jadwalka UEFA Champions league ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 ee uu xidhiidhka kubbada cagta Yurub shaaciyay iyada oo xogtani muhiim u tahay koox kasta oo tartankan qayb ka ah.

Hawasha ugu horaysa ee xili ciyaareedka cusub ee Champions League ayaa bilaami doonta maalinta talaadada ee June 12,2018 markaas oo magaalada Nyon lagu samayn doono isku aadka wajiga ugu horeeya ee isreeb reebka Champions league iyada oo isla bishan June la dhamaystiri doono ciyaarista kulamada wareegan.

Kadib waxaa bisha July bilaami doona isku aadka wareega kowaad oo noqon doona kulamo marti iyo minan ah halka bisha August ay bilaami doonaan kulamada isreeb reebka wareega saddexaad, waxaana isla bisha August la ciyaari doonaa kulamada isreeb reebka wareega saddexaad, kulamada Play-offka iyo waliba isku aadka heerka groupyada Champions League.

Isku aadka heerka groupyada Champions league ayaa la samayn doonaa August 30,2018 halka December 16,2018 magaalada Nyon lagu qaban doonaa isku aadka wareega 16 ka kooxood ee UEFA Champions League kadib marka ay kooxuhu soo kala baxaan waxaa isku aadka siddeed dhamaadka la samayn doonaa March 15,2019.

UEFA ayaa shaacisay in isku aadka afar dhamaadka Champions league ee xili ciyaareedka cusub la samayn doono April 19,2017 halka kulanka kama danbaysta ah ee Champions league la ciyaari doono June 1,2019 kaas oo sidii aan hore u soo sheegnay ka qabsoomi doona magaalada Madrid gaar ahaan garoonka Atletico Madrid ee Estadio Metropolitano.

Haddaba halkan Si Faah Faahsan ugaga Bogo Xogta jadwalka Ay UEFA u dhigtay tartanka Champions League ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19:

June, 2018

12 June: Isku aadka Wajiga Kowaad ee isreeb reebka UCl, Nyon

19 June: Isku aadka wareega kowaad iyo labaad ee isreeb reebka UCl, Nyon

26 June: Afar dhamaadka wajiga kowaad ee isreeb reebka UCl

29 June: Finalka wajiga kowaad ee isreeb reebka UCL

July,2018

10/11 July: Kulamada lugta hore ee wareega kowaad ee isreeb reebka UCl

17/18 July: Kulamada lugta labaad ee wareega kowaad ee isreeb reebka UCl

23 July: Isku aadka wareega saddexaad ee UCl, Nyon

24/25 July: Kulamada lugta hore ee wareega labaad ee UCl

31 July: Kulamada lugta labaad ee wareega labaad ee isreeb reebka UCl

August,2018

1 August: Kulamada labaad ee wareega labaad ee isreeb reebka UCl

6 August: Isku Aadka Kulamada Play-off-ka, Nyon

7/8 August: Kulamada lugta hore ee isreeb reebka wareega saddexaad ee UCl

14 August: Kulamada lugta labaad ee isreeb reebka wareega saddexaad ee UCl

21/22 August: Kulamada lugta kowaad ee Play-offka UCL

28/29 August: Kulamada Lugta Labaad ee Play-off UCL.

30 August: Isku Aadka Heerka Groupyada Champions League ee 2018/19

September,2018
18/19 September: Kulamada kowaad ee Heerka Groupyada Champions League

October,2018

2/3 October: Kulamada labaad ee Heerka Groupyada Champions League
23/24 October: Kulamada saddexaad ee Heerka Groupyada Champions League

November,2018

6/7 November: Kulamada afraad ee Heerka Groupyada Champions League
27/28 November: Kulamada shanaad ee Heerka Groupyada Champions League

December,2018

11/12 December: Kulamada Lixaad ee Heerka Groupyada Champions League

17 December: Isku Aadka Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League, Nyon

February, 2019

12/13/19/20 February: Kulamada Lugta Kowaad Ee Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League

March , 2019

5/6/12/13 March: Kulamada Lugta labaad Ee Wareega 16ka Kooxood Ee UEFA Champions League

15 March: Isku Aadka Siddeed Dhamaadka UEFA Champions League, Nyon

April, 2019

9/10 April:  Kulamada Lugta Kowaad ee Siddeed Dhamaadka UEFA Champions League

16/17 April: Kulamada Lugta labaad ee Siddeed Dhamaadka UEFA Champions League

19 April: Isku Aadka afar Dhamaadka UEFA Champions League, Nyon

30 April: Kulamada lugta hore ee afar dhamaadka Champions league

May, 2019
1 May: Kulamada lugta labaad ee afar dhamaadka Champions league
7/8 May: Kulamada lugta labaad ee afar dhamaadka Champions League

June , 2019
June1, 2019: Final – Estadio Metropolitano, Madrid

UEFA ayaa shaacin doonta kooxaha isreeb reebyada kala duwan ee hore soo gali doona iyada oo dhamaan min wajiga hore ee isreeb reebka ilaa kulamada Play-offka ay ka soo bixi doonaan 6 kooxood oo kaliyi, maadama oo haddaba la ogyahay 26 kooxood oo ka mid ah 32 ka kooxood ee xili ciyaareedka cusub ku tartami doona UEFA Champions league.

Kooxaha Ilaa Hadda Sida Rasmiga Ah Ugu Soo Baxay Heerka Groupyada UEFA Champions League Ee Xili Ciyaareedka Cusub Ee 2018/19 iyo qaybaha ay kala gali doonaan marka isku aadka la samaynayo:

Pot 1: Real Madrid, Atletico Madrid, Barcelona, Bayern Munich, Manchester City, Juventus, Paris Saint-Germain, Lokomotiv Moscow- Rasmi.

Pot 2: Borussia Dortmund, FC Porto, Manchester United, Shakhtar Donetsk,  Napoli, Tottenham Hotspur- waxaa saamayn ku yeelan kara kooxaha isreeb reebka ka soo bixi doona

Pot 3:  AS Roma, Liverpool, Schalke, Lyon, Monaco, CSKA Moscow  -waxaa saamayn ku yeelan kara kooxaha isreeb reebka ka soo bixi doona

Pot 4: Inter Milan, Valencia, Hoffenheim- Waxaa soo buuxin doona kooxaha isreeb reebka soo gali doona.

WARBIXIN: Real Madrid Vs Liverpool, Barcelona Vs Man United, Guushii Ay Real Madrid Gaadhay Oo Man City Caawisay Iyo Kulamada Xiisaha Badan Ee Isku Aadka Champions League Ee 2018/19 Ka Soo Bixi Kara.