WARBIXIN: Super Computer Oo Saadaal Buuxda Ka Bixiyay Kooxda Premier League Ku Guulaysan Doonta, Kooxaha Champions League U Soo Bixi Doona Iyo Miiska Kala Saraynta PL Ee Ilaa Dhamaadka Xili Ciyaareedkan.

Jimcaha waxaa dib si rasmi ah ugu furmi doona horyaalka Premier league iyada oo kooxaha tartankan qaybta ka ahi ay diyaar garow wayn ugu jiraan sidii ay kulamada furitaanka guul u gaadhi lahaayeen laakiin kooxaha waa wayn waxaa walwal ku haya ciyaartoy badan oo aan taam buuxa ahayn maadaama oo koobkii aduunka ay fasax dheeraad ah ka qaateen.

Iyada oo sanadkasta waqtigan oo kale ay khabiirada kubbada cagta iyo jamaahiirtu ay saadaaliyaan kooxda ku guulaysan doonta koobka Premier league iyo waliba kaalmaha sare afarta kooxood ee ku soo bixi doona waxaa sidoo kale jira Super Computer kaas oo loo adeegsado saadaasha miiska kala saraynta Premier League isaga oo adeegsanaya natiijooyinkii waqtiyadii la soo dhaafay ee kooxahan iyo xog kale oo lagu diyaariyay.

Waqtigan oo kale sanadkii hore waxa uu Super Computer saadaaliyay in Manchester City ay ku guulaysanayso koobka Premier league taas oo noqotay isla saadaashii uu bixiyay waxayna taasi keentay in sanadkan saadaashiisa la sugayay si wax looga sii saadaalin karo.

Sanadkasta waxaa Super Computer lagu saadaaliyay saddexda kooxood ee heerka labaad u dhacaya ee kaalmaha ugu hooseeya ku dhamaysan kara Premier League waxaana sidoo kale la soo saaraa miiska kala saraynta maalinta premier league ugu danbaysa ee uu saadaaliyay Super Computer.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa saadaasha Super Computer ee sanadkan iyo horyaalka Premier league iyo kooxaha saadaashan warka fiican ka heli kara iyo kuwa u baahan in ay beeniyaan saadaasha uu bixiyay Super Computer.

Haddii ay tahay in la rumaysto saadaasha Super Computer, Manchester City ayaa kaalinta kowaad kaga dhamysan doonta miiska kala saraynta Premier league ee maalinta xili ciyaareedkan cusub ugu danbaysa iyada oo koobkan difaacan karta.

Laakiin Super Computer ayaa saadaaliyay in kooxda Liverpool ay noqon doonto kooxda Manchester City cagta-cagta u saari doonta laakiin waxay maalinta ugu danbaysa ee Premier league ku dhamaysan doontaa kaalinta labaad sida ku qeexan saadaasha Super Computer.

Super Computer ayaa saadaaliyay in Manchester United ay kaalinta saddexaad kaga dhamaysan doonto Premier league halka Super Computer uu saadaaliyay in kooxda Chelsea ay dib ugu soo laaban doonto kubbada cagta Champions League isla markaana ay kaalinta afraad buuxin doonto.

Laakiin Super Computer ayaan wax naxariis ah u samayn kooxaha Arsenal iyo Tottenham oo uu ka saaray afarta kaalmood ee sare iyada oo waliba Tottenha ku jirta kaalinta lixaad halka Super Computer uu Arsenal dhigay kaalinta shanaad.

Dhinaca kaalmaha horyaalka Premier league looga hadho waxa uu Super Computer saadaaliay in kooxaha Cardiff City, Brighon iyo Huddersfield ay xili ciyaareedka cusub ku dhamaysan doonaan saddexda kaalmood ee ugu hooseeya isla markaana ay heerka labaad u dhici doonaan.

Saadaasha uu Super Computer sameeyo waa la kaydiyaa kadib waxaa la barbar dhigaa miiska kala saraynta rasmiga ah ee maalinta uu xili ciyaareedku dhamaado waxaana laga ogaadaa wixii uu saadaashan ku saxay iyo waxyaabihii u ku qaldamay.

Haddaba halkan kaga bogo Sida uu Noqon Karo miiska kala saraynta Premier league ee maalinta xili ciyaareedka cusub ugu danbaysa ee saadaasha Super Computer oo dhamaystiran:

20. Cardiff City
19. Brighton and Hove Albion
18. Huddersfield Town

17. Bournemouth
16. Southampton
15. Newcastle United
14. Burnley
13. Watford
12. Crystal Palace
11. Wolverhampton Wanderers

10. Fulham
9. Leicester City
8. West Ham United
7. Everton
6. Tottenham Hostspur
5. Arsenal

4. Chelsea
3. Manchester United
2. Liverpool
1. Manchester City

Haddaba akhriste ma aaminsan tahay in saadaasha Super Computer ay u muuqato mid xaqiiqda kooxaha Premier league ee waqti xaadirkan ku salaysan? Haddii aanad ku qancin saadaasha Super Computer ee miisa kala saraynta Premier league adigu ma la tartami kartaa?.

Warar Kale Oo Warbixintan La Xidhiidha:

Saadaasha 24 Khabiir Oo BBC Ka Tirsan Ee Kaalmaha Premier league Lagu Kala Dhamaysan Doono.
Saadaasha Afarta Khabiir Soccer Saturday Ee Sky Sports Iyo Xidigaha Kabta Dahabka Ah Ku Guulaysan Doona.

33 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Sanadkan arsenal baa iska leh waayo was badan baan soo samirnay marba haduu naga tagay odaygii dubuurka ahaa anaga iska leh Kobka

  2. Dabcan waa aalad qaladna weey saadaalin kartaa lkn aniga waxay ila tahay sidaan

    1 Liverpool
    2 man utd
    3 man city
    4 Tottenham

  3. Haa anigu filaya saas in lagu dhamaysanayo kala saraynta
    1 Liverpool
    2 man city
    3 man united
    4 Chelsea

  4. Asc gool24 hadaan sadaasheyda ka dhiibto waxaa horiyaalka hanan doona Chelsea insha Allah natiijadana waa saan
    1🏆🏅Chelsea
    2 Manchester city
    3 Liverpool
    4 Manchester United

  5. 1 Chalsea
    2 m.city
    3 Liverpool
    4 totoham
    5 m.utd
    6 arsenal
    My idea
    Sorry the fans arsenal andnm.utd

  6. HHHHH….ANOO TIXGALINAYAA ASXAABTA FIKIRKOODA DHIIBATAY IYO GOOL24.NET BA…QAAR BADAN BAY CADHO KOOX KALE KA MUUQATAA OO AAN OO ANAY SADAAL KA AHYN…
    ANIGA SIDAY ILA TAHAHY WAA SIDATAN..
    1) MAN CITY
    2) LIVERPOOL
    3) MAN UTD
    4) TOTTENHAM
    5) CHELSEA
    6) ARSENAL

    WA BILAAHI TAWFIIQ……

  7. Manchester United
    Chelsea
    arsenal
    Manchester city

    insha alh ilahy camfd hanagu garsiyo from Mozambique

  8. Koxaaha aan taxriikh la heen in loo saadaliyo koobka waa qalad marka dad aqli badane waa tihiin sida Liverpool msn untd arsenal haloo saadaaliyo kooxo soo baxeen 2011 & 2005 sida chalsea iyo man blue sida qashinka cml ayay ii y ihin marka aan ku tageerno sida kooxdi invisible ku qaaday ee gunners iyo man u 13vqaaday marka naga daayo baa baa aad mxaan ka wadiin sxbyaal yaan liisku caroon o
    1 arsenal
    2 Man u
    3 liveLiver

  9. Wllayal cadhadaa idinka keentay waxanoo dhan ban u malaynaya wixiinu waa kooxdaydaa qadaysa ee meesha u fiirsada waa sadaal sadaashayduna waa sidan:-
    1.Man City
    2.Liverpool
    3.Tottenham
    4.Chelsea
    5.Arsenal
    6.Man United
    7.Everton
    8.West Ham
    9.Leicester City
    10.Southampton
    11.Fulham
    12.Wolverhampton Wanderers
    13.Burnley
    14.Crystal Palace
    15.Newcastle
    16.Watford
    17.Bournemouth
    18.Huddlesfield Town
    19.Cardiff City
    20.Brighton

Comments are closed.