WARBIXIN: Siduu Noqon Lahaa Miiska Kala Sarreynta Premier League Haddii Loo Eego Kooxaha Kharashka Ugu Badan Bixiyay Shantii Sano Ee Ugu Dambeeyay?

Horyaalka dalka England ee Premier League ayaa ah midka faa’idada ugu badan laga helo dunida kubadda cagta marka ay noqoto dhinaca kharashaadka.

Xilli ciyaareedkii tagay ee 2017-2018, 20-ka kooxood ee horyaalka qaybta ka ahaa ayaa helay lacago aad u badan iyaga oo loo kala qaybiyay £2.42 Bilyan.

Westbromwich Albion oo ahayd kooxda ugu hoosaysa ayaa heshay lacago dhan £94.5 Milyan halka Manchester United oo kooxda lacagaha ugu badan heshay ahayd gacanta loo galiyay £150 Milyan.

Haddaba, Halkee ayay lacagtaasi Martay? Miyayse kooxahu isla markiiba bixiyeen oo ay suuqa galiyeen sida ay jamaahiirtu jecel yihiin?

Fikrada ayaa ah in lacagta badan ee aad ciyaartoy cusub ku bixinayso ay goyn doonto intee in le’eg ayay kooxdaadu noqon doontaa mid guuleysata balse taasi ma tahay xaqiiqada oo lacagaha ay kooxugu bixiyeen iyo heerkay joogaan ma is leeyihiin? Warbixintan ayaan ku ogaan doonaa.

Sidii la filayay ma aha wax yaab leh in kooxaha ree Manchester ay noqdaan labada kooxood ee ugu sarreeya balse waxa ka dhex muuqda dhawr layaab iyadoo qoraalkani uu argagax ku yahay taageere kasta oo kooxda Everton ah halka Tottenham ay amaan weyn ku mudan tahay maadaama oo ay shan xilli ciyaareed kaliya 30 Milyan bixiyeen wacdarrona dhigeen.

Marka aad tix geliso sida ay Tottenham ugu soo baxaysay tartanka Champions League xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay sidoo kalena ugu tartamaysay horyaalka haddana kaliya hal koox ayaa ka kharash garayn yarayd iyadoo ay xataa kal sarreeyaan kooxaha kasoo dalacay heerka labaad.

Halkan Kaga Boggo Qaabka Ay 20-ka Kooxood Ee Premier League U Kala Sarreyn Lahaayeen Haddii Loo Eego Kharashka Ay Suuqa Galiyeen Shantii Sano Ee Ugu Dambeeyay:

p1d3oaoukr7l91fala7p4r713139.jpg