WARBIXIN: Siday Horyaalada Iyo Kooxaha Yurub U Kala Heleen Kaalmihii 30kii Ciyaartoy Ee Ku Tartamayay Abaal Marinta Ballon D’or 2017

Majalada France Football ayaa si rasmi ah u shaacisay dhamaan kaalmaha ay kala galeen 30 kii ciyaartoy ee ku tartamayay abaal marinta Ballon D’or taas oo uu markii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo kaas oo barbareeyay rekoodhkii uu Lionel Messi ku haystay shanta abaal marinta Ballon D’or.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sida ay horyaalada Yurub ugu waa wayni u kala heleen ciyaartoyda u sharaxnayd abaal marinta Ballon D’or iyo kooxda ciyaartoy ugu badan ku yeelatay. Sidii la horeba looga bartay horyaalka La Liga oo ah halka ay ugu dhawaan markasta joogaan xidigaha aduunka ugu fiicani ayaa helay 11 ciyaartoy lu leh liiskan iyaga oo waliba inta ugu badani ay kaalmaha hore soo galeen.

Iyada oo markii horeba la ogaa in Cristiano Ronaldo uu ugu cad cad yahay ku guulaysiga abaal marintan ayuu markii shanaaad hantay laakiin afar ka mid ah lixda ciyaartoy ee kaalmaha hore soo galay ayaa horyalka La liga ka tirsan iyada oo waliba Real Madrid tahay kooxda ciyaartoy ugu badan oo todoba ah liiskan ka heshay.

Majalada France Football ayaa sanadkan abaal marinta Ballon D’Or u bixisay si ka duwan sanakdii hore iyada oo xaflad khaas ah loo qabtay halka sanadkii hore si toos ah Ronaldo loogu gudoonsiiyay Santiago Bernabeu isla markii ay kooxdiisu u duulaysay Japan halkaas oo ay kag qayb galaysay koobka kooxaha aduunka ee Club World Cupka.

Kooxhaa horyaalka Premier Lauque ayaa 7 ciyaartoy ka helay abaal marintii Ballon D’or laakiin laba ciyaartoy oo kaliya oo ka tirsan kooxaha Premier Leaque ayaa soo galay tobanka xidig ee aduunka ugu fiican halka kooxaha horyaalka ay shan ciyaartoy liiskan ku yeesheen waxaana tobanka sare ugu soo baxay hal ciyaartoy oo kaliya.

Haddbadaba halkan kagaga Bogo Qaabka ay horyaalada Yurub u kala heleen 30 kii ciyaartoy ee ku tartamayay abaal marinta Ballon D’or:

La Liga(11): Jan Oblak (Atlético Madrid),Antoine Greizmann (Atltico Madrid), Cristiano Ronlado (Real Madrid),  Karim Benzema (Real Madrid), Toni Kroos (Rea Madrdi),Sergio Ramos(Real Madrid), Luka Modric (Real Madrid), Marcelo (Real Madrid), Francisco Isco ( Real Madrid), Luis Suarez (Barcelona), Lionel Messi (Barcelona)

Premier Leaque (7): Philippe Coutinho (Liverpool), Sadio Mane (Liverpool), David De Gea ( Manchester Unted), Eden Hazard (Chelsea), N’Golo Kante (Chelsea), Kevin De Bruyne (Manchester City), Harry Kane (Tottenham),\

Serie A (5): Dries Mertens (Napoli), Edin Dzeko (Roma), Leonardo Bonucci (AC Milan),Paulo Dybala (Juventus), Gianluigi Buffon (Juventus)

League 1 (4): Radamel Falcao (Monaco), Edinson Cavani (PSG), Kylian Mbappe (PSG), Neymar Jr (PSG)

Bundesliga (3): Mats Hummels (Bayern Munich),  Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund), Robert Lewandowski (Bayern Munich)