WARBIXIN: Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Xili Ciyaareedkan Ugu Fiican Horyaalka Premier league Oo La Shaaciyay Iyo Liiska Ciyaartoyda Nasiibka U Yeeshay In Ay Ka Soo Muuqaan.

Waxaa lagu jiraa waqtiga kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka iyada oo fasax laga yahay kulaamdii xiisaha badnaa ee horyaalada Yurub. Waqtigan oo kale waxaa fursad fiican loo helaa in lagu qiimeeyo ciyaartoyda ugu bandhiga fiican isla markaana waxaa laga sameeyaa shaxda kooxaha ugu fiican ee horyaalada kala duwan.

Waxaa 12 kulan laga soo ciyaaray tartanka Premier League ee horyaalka Inigiriiska waxaana guuldaro la’aan ku jira saddexda kooxood ee Manchester City, Liverpool iyo Chelsea oo ku jira saddexda kaalmood ee ugu horeeya.

Haddaba waxaa jirta shax laga sameeyay ciyaartoyda xili ciyaareedkan ugu bandhiga fiican horyaalka Premier league kadib markii la soo ciyaaray 12 kii kulan ee ugu danbeeyay waxaana suurtogal ah in haddii ay sii wataan qaab ciyaareedkan ay in badan oo ka mid ahi ku soo bixi karaan shaxda kooxda sanadka ee Premier league.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda kooxda ilaa hadda ugu fiican Premier League iyo waliba xidigaha shaxdan ka soo muuqday.Waxaa naga xusuusin ah in ciyaartoyda liikan ku soo baxay ay yihiin kuwo ka mid ah ciyaartoyda xogta ugu fiican ilaa hadda loo diwaan galiyay.

Afarta Difaaca Ah Iyo Goolhayaha Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Ugu Fiican Premier league:

Goolhaye: Ederson Moares- Manchester City. Waxa uu Ederson awooday in 7 kulan oo Premier league ah uu shabaqa nadiif ah kala baxay garoonka laakiin sidoo kale 5 kulan ee kale waxaa laga soo dhaliyay saddex gool oo kaliya waana ku bilaabasho layaableh oo uu xili ciyaareedkan sameeyay.

In Ederson laga dhalyay 3 gool oo kaliya 12 kii kulan ee Premier league ugu horeeyay, waxay si buuxda uga caawisay in uu noqdo goolhayaha shaxda kooxda ilaa hadda ugu fiican Premier League.

Difaaca Dhexe: Aymeric Laporte-Manchester City – Manchester City ilaa hadda wax guuldaro ah kumay arag Premier League waxaana sababaha muhiimka ah ka mid ah bandhiga Aymeric Laporte oo si wayn u caawinaya kooxdiisa Man City. Laporte waxa Guardiola siiyay dheeli tirnaan dhinaca difaaca ah wuxuuna xog la wadaagaa Ederson.

Difaaca Dhexe: Joe Gomez- Liverpool: Joe Gomez waxa uu si lama filaan ah u noqday mid ka mid ah difaacyada dhexe ee Premier league ugu fiican inkasta oo uu markii ugu horaysay xili ciyaareedkan noqday difaaca dhexe ee kooxda Jurgen Klopp waxayna awoodiisa ciyaareed sabab u noqotay in Liverpool ay xaaladii ugu fiicnayd ku jirto sanado badan kadib oo ay difaac ahaan u soo dhibtoonaysay.

21 sano jirkani waxa uu wada shaqayn layaableh la samaystay Van Dijk oo uu xataa shaxdan uga soo hormaray wuxuuna Gomez kooxdiisa Reds ka caawiyay in 7 kulan aan wax goolal ah laga soo dhalin waana kooxda labaad ee ugu badan xili ciyaareedkan ee aan kulamada ugu badan goolal laga dhalin.

Difaaca Midig: Kieran Trippier -Tottenham: Inkasta oo ay jiraan difaacyo midig oo shaqo badan soo qabtay, haddana Trippier oo Tottenham u buuxiyay booskii uu baneeyay Kyle Walker ayaa noqday difaaca midig ee ilaa hadda xili ciyaareedkan ugu shaqada badan.

Kieran Tirppier ayaa 38 jeer waxa uu kooxdiisa Tottenham ka saaray kubbado halis ah wuxuuna ka soo kabsaday 72 jeer oo ay kooxdiisa kubbada ka lumeen wuxuuna isku darsaday kubbad difaacasho bir ah iyo waliba hal abuur weerarka ah.

Difaaca Bidix: Marcos Alonso- Chelsea: Markale iskasta oo ay jiraan difaac bidixyo aad u fiican xili ciyaareedkan, haddana shaqada uu marcos Alonso qabtay ayaa ah mid muujinaysa in uu ka soo hormarayo difaac bidix kasta marka la samaynayo shaxda kooxda ilaa hadda ugu fiican Premier League.

Waxa uu difaaca kooxdiisa Chelsea la gaadhay 6 kulan oo shabaqa nadiif ah ay la baxeen wuxuuna soo dhaliyay hal gool balse waxa uu soo sameeyay 3 gool caawineed.

Ciyaartoyda Kaydka Ugu Jiri Karta Xidigaha Aan Soo Sheegnay – Alisson Becker, Hugo Lloris, Andrew Robertson, Kyle Walker.

Bogga 2-aad iyo 3-aad kaga boggo Khadka Dhexe iyo Weerarka Shaxda kooxda Ilaa hadda ugu fiican Premier league.