WARBIXIN: Shaqada Tababare Maurizio Sarri Oo Haatan Ku Xidhnaan Doonta Ku Guuleysiga Europe League & Rabitaanka Mulkiile Roman Abramovich Oo La Ogaaday.

Shaqada tababare Maurizio Sarri ayaa ku xasili karta guul ay kooxdiisu kasoo gaadho kulanka Malmo ay booqan doonaan ee ka tirsan Europe League iyadoo maamulka Chelsea ay haatan tartankaas u arkeen wado ay u mari karaan Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Rabitaanka mulkiilaha kooxda ee Roman Abramovich ayaa ah in kooxdiisu ay kusoo noqoto booskeedii ahaa kooxaha ugu awooda badan Yurub balse waxa jirta cabsi ah inay seegaan afarta kaalmood ee ugu sarreeya ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kulanka Malmo ayaa la filayaa inuu tababaraha ree Talyaani kusoo galo shax adag oo uu ku jiro Eden Hazard maadaama oo ay raadinayaan inay si deg deg ah uga soo kabtaan guuldarradii 6-0 ka ahayd ee Manchester City kasoo gaadhay.

Da’yarka Callum Hudson-Odoi ayaa sidoo kale lagu abaalmarin karaa inuu kusoo bilawdo isaga oo qayb ka qaatay tababarkii maanta ee kahor kulanka Malmo waxaana sidoo kale kusoo bilaaban kara Luiz iyo Jorginho.

Si lamid ah xiddigaha aan kor kusoo xusnay waxa kulanka ka dhacaya Sweden kasoo muuqan kara da’yarka Ethan Ampadu oo ay macquul tahay inuu dheelo booska Jorginho ee bur-buriyaha.

Waxyaabaha lagu soo arkay tababarkii maanta ee Cobham ka dhacay ayay kamid ahaayeen in lagu furay tababarka kubaddo hal taabasho baas ah isaga oo indho indhayn ku samaynayay tababare Sarri oo wali falsafadiisa ka dhaadhicin la’ ciyaartoyda uu kooxda ku haysto.

Kaddib kulanka Malmo, Chelsea ayaa habeenimada Isniinta qaabili doonta Manchester United kulan ka tirsan FA Cup wareegiisa shanaad.

Shaqada Sarri ayaa haatan la filayaa inay iskugu biyo shuban doonto hanashada Europe League haddiiba uu shaki ka galo inay ku dhammaysan karaan afarta kaalmood ee ugu sarreeya PL.

Halkan Ka Daawo Sawirrada Chelsea Ee Tababarkii Maanta:

Chelsea boss Maurizio Sarri walks out to training alongside defender David Luiz on Wednesday

Sarri watches over his players at Cobham ahead of their Europa League trip to Malmo

Hazard is expected to start when Chelsea face Malmo in the Europa League on Thursday

Hazard is expected to start when Chelsea face Malmo in the Europa League on Thursday

Loftus-Cheek is the man in the middle as Chelsea's players train ahead of their flight to Sweden

Ampadu could feature against Malmo after being seen taking part in a training match

Sarri may have to win the Europa League in order to keep his job at Chelsea beyond this season

Willian and Callum Hudson-Odoi battle for the ball as Chelsea's players gear up to face Malmo

Eden Hazard attempts to win the ball back during a drill during training on Wednesday

Ruben Loftus-Cheek, Ethan Ampadu, Andreas Christensen and Ross Barkley (L-R) in training