WARBIXIN: Shan Sababood Oo Ay Liverpool Xili Ciyaareedkan Ugu Guulaysan Karto Koobka Premier league.

Kooxda Liverpool ayaa xalay guul wayn ka gaadhay Cardiff City waxayna saddexda dhibcood ku heshay 4-1 ay ku muujisay sababta ay xili ciyaareedkan ugu taagan tahay ku guulaysiga koobka Premier league. Liverpool ayaa rekoodhkii guuldaro la’aanta ee abid ugu fiicnaa looga diwaan galiyay Premier league.

Tobankii kulan ee ilaa hadda la soo ciyaaray waxay Liverpool awooday in ayna hal guuldaro ahi kooxdeeda soo gaadhay laakiin awoodii ciyaareed ee ay ku muujisay in kulankii Cardiif City waxay kooxda Klopp dirtay fariin kale oo ay ku cadaynayso in ay u sharaxan tahay koobka Premier league.

Liverpool ayaa tobankii kulan ee ugu horeeyay Premier League waxay ka soo heshay 26 dhibcood waana dhibco ay isku mid yihiin intii ay ka heshay kulamadii la midka ahaa ee xili ciyaareedkii 2008-2009  markaas oo ay dirqi ku lumisay koobka Premier league.

Liverpool ayaa koobka Premier league sugaysay muddo 28 sanadood ah iyada oo markii ugu danbaysay ee koobka horyaalka Ingiriiska ay ku guulaysatay ahayd 1990 kii laakiin hadda jamaahiirta Liverpool ayaa aamini kara in uu sanadkoodii noqon karo.

Haddaba waxaanu halkan ku eegaynaa shan sababood oo Liverpool ka caawin kara in ay koobka Premier league ku guulaysato sanadkan halkan ayaanad kaga bogan kartaa qodobadan oo faah faahsan.

5- Mohamed Salah Oo Xaaladiisii Cajiibka Ahayd Ku Soo Laabtay.

Mohamed Salah waxa uu xili ciyaareedkii hore ahaa xidigii wax walba oo Premier league abaal marin taalay urursaday kadib markii taabasho kasta oo uu kubbada taabtay ay Liverpool dahab u noqotay isla markaana uu 44 gool u soo dhaliyay.

Mohamed Salah ayaa Liverpool ka soo caawiyay in ay soo gaadhay finalkii UEFA Champions League tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2007 kii wuxuuna Salah awood dheeraad ah siinayay kooxda Jurgen Klopp ee dardarta fiican ku soo ciyaartay.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan ku soo dhibtoonayay sidii uu dib ugu heli lahaa qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa laakiin tan iyo markii laga soo laabtay kulamadii caalamiga ahaa waxaa garoomada ku soo noqday Mohamed Salah oo gabi ahaanba ka duwan sidii uu soo ahaa.

Saddexdii kulan ee ka danbeeyay kulamadii caalamiga ahaa waxa uu Mohamed Salah soo dhaliyay afar gool halka uu kulankii Cardiff City ee ugu danbeeyay uu ku lug lahaa saddex gool oo ka mid ah afartii gool ee ay Liverpool dhalisay.

Mohamed Salah ayaa sabab buuxda u ahaa in Liverpool ay guul ka gaadhay kooxda Huddersfield oo uu goolkii guusha ka dhaliyay waxaana u raacay labadii gool ee uu ka dhaliyay kulankii Champions league ee Red Star halka markale uu gool dhalintiisa sii waday kulankii Cardiif City.

Sidaa daraadeed, in Mohamed Salah uu ku soo laabtay xaaladiisii fiicnayd, waxay Liverpool siinaysaa kalsooni dheeraad ah oo ay ku qabi karto in ay koobka Premier league ku guulaysan karto.

Halkan hoose ee min bogga 2-aad ee bogga 5-aad si buuxda qodobadan ugaga bogo.

6 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Aniga waxan ahay taageere liverpool waxana bilawey taageernimada sanadki 2004-2005 ila malin ayan taageer u ahay walina ma arkin sanadkan sanad ay liverpool ugu fican tahay wey jiran sanado kale lkn sanadkan wa sanadkii ugu ficna kooxda.
    Dhanka kale waxan aad u aamana Mo’aalimu Klopp oo kooxda wax bdn ka badaley haday ahaa lahayd difaaca ama gool hayaha wana mid ugu weyn oo liverpool dhibaatada ka heysatey dhanka goolyaha ama difaca sanadkan liverpool horyaal wey qaadeysa shaki kuma jiro weerarka liverpool kulamadi ugu danbeyseyna uu is qabsadey Viva taageeriyasha Liverpool melkasta ay joogan wad salamintihiin waxa kale salama Websit ka madaxdooda salan sharfeyd iga gadooma warkan ninka so so diyaariyey khabiir Sports

  2. Aniga wxa ahay tagero liverpool oo waqti kasta ku faraxsan nadagisa sida ee tahay ama xaalad ama xaalad farxad leh la qeybsanayo lkn sanadkan wxa rajenena in sha allah in a ku guleysano koopka muhimada noo eh horyalka ingariska eh

  3. Liverpool Waa Boqortooyo Waa Kooxaha Aduunka Ugu Weyn Koox Kamida Sanadkan Anagaa Island Leh Koobka Insha Allah
    YNWA Liverpool

  4. Waxaan Liverpool in aan tageero bilaabay 1999 wakhtiyo badan oo aan ka Soo marnay alx sanadka way noo shidan thy

Comments are closed.