WARBIXIN: Saxaafada Germany Oo Sharaxaad Ka Bixisay Shanta Ciyaartoy Ee Cadowga U Ahaa Carlo Ancelotti Ee Sababta U Noqday In Shaqada Bayern Laga Caydhiyay.

Qof kasta ayay layaab ku noqotay in Bayern Munich ay shaqadii tababaranimo ee kooxdeeda ay ka caydhisay Carlo Ancelotti iyada oo waliba uu xili ciyaareedku bilaw yahay, laakiin saxaafada Germany ayaa farta ku fiiqday shan ciyaartoy oo macalinka ree Talyaani cadow u noqday isla markaana doorka ugu wayn ku yeeshay in maamulka Bavaria ay shaqada ka joojiyeen  Carlo Ancelotti.

Bayern Munich ayaa guuldaro 3-0 ah kala soo laabtay PSG wuxuuna noqday kulankii ugu danbeeyay ee uu  Carlo Ancelotti soo maamulay kooxda Bayern Munich. Mid ka mid ah tababarayaasha aduunka ugu khibrada badan isla markaana lagu tilmaamo kuwa ugu degan ayay Bayern Munich shaqada kooxdeeda ka caydhisay iyada oo uu wali xili ciyaareedkan bilaw yahay taas oo aan ahayn wixii la filayay.

Madax waynaha kooxda Bayern Munich ee Uli Hoeness ayaa cadeeyay in shan ciyaartoy ay ka soo horjeedsadeen Carlo Ancelotti balse waxa uu ka gaabsaday in uu sheego magacyada laakiin saxaafada Germany ayaa soo bandhigay magacyada ciyaaartoydan. Haddaba halkan kaga bogo ragga ka danbeeyay shaqo ka caydhintii Ancelotti.

1. Arjen Robben: Xidiga ree Holland ayaa door muuqda ku lahaa in shaqada laga caydhiyay Carlo Ancelotti isaga oo waliba kadib kulankii PSG si cad u diiday in ay taageersan yihiin Ancelotti. Waxa uu saxaafada u sheegay in aanu ka jawaabayn haddii ay taageerayaan Carlo Ancelotti waxaana jiray waqti xili ciyaareedkii hore uu Ancelotti badal ku soo saaray Robben iyada oo ciyaartu dhamaad ah balse uu cadho waali ah ka muujiyay.

Xidhiidhka Ancelotti iyo Arjen Robben ayaa noqday mid gaadhay halkii ugu hoosaysay wuxuuna Robben kow ka ahaa ciyaartoyda sababta wayn ku lahaa in Ancelotti shaqada laga caydhiyay.

2. Franck Ribery: Xidiga ree France ayaa inta ugu badan isku arkay kursiga kaydka Bayern Munich tan iyo markii uu Carlo Ancelotti la wareegay shaqada Bayern Munich wuxuuna Ribery si wayn uga niyadjabay fursad la’aanta uu ka haystay shaxda Ancelotti wuxuuna xidhiidhkoodu gaadhay heer aan la daawayn karin.

Ribery ayaa dhawaan mar uu Ancelotti badal ku soo saaray cadhadiisa qarsan kari waayay wuxuuna dhulka ku tuuray maaliyada Bayern taas oo keentay in siyaabo kala duwan looga jawaabay, waxaana cadaatay in Ribery uu mucaarid wayn ku noqday Ancelotti.

3. Thomas Muller: Xidiga ree Germany ayaa dhibanaha ugu wayn u noqday Carlo Ancelotti wuxuuna Thomas Muller oo ka mid ahaa dilayaasha yurub ugu halista badan uu noqday mid aan saamayn ku lahayn Bayern Munich. Waxaa lama filaan noqotay in Thomas Muller oo uu tababare kastaaba jeclaan lahaa in uu kooxdiisa ku haysto uu kaydka Bayern isku arkay, waxayna taasi keentay in cadow uu ku noqdo macalinka ree Italy.

Thomas Muller ayaa xataa fahmi waayay waxa uu Carlo Ancelotti ka doonayay wuxuuna yidhi: “Anigu si sax ah uma garanayo waxa uu tababaruhu doonayo” Taas oo muujinaysa halka uu Muller ka taagnaa in Ancelotti uu shaqada Bavaria sii hayo.

4. Jerome Boateng: Carlo Ancelotti ayaan shaxdiisa ku soo darin Boateng kulankii PSG ay guuldaradu ka soo gaadhay wuxuuna Ancelotti sheegay in aanu ka shalaynayn in uu Boateng aanu shaxdiisa ku soo bilaabin , waxayna saxaafada Germany Boateng ku dareen cadowgii Ancelotti.

5, Mats Hummels? Robert Lewandowski? Kingsley Coman?:  Xidiga shanaad ayaa ah mid aan si sax ah magiciisa loo shaacin balse waxa uu ka mid yahay magacyada saree Hummels, Lewandowski ama Coman iyada oo wargayska Kicker uu sharaxaad ka bixiyay in xidhiidhka Ancelotti iyo saddexdan xidig uu ka soo darayay, waxayna qayb ka ahaayeen ama badhkood ay ku lug lahaayeen cadaawadii Ancelotti ka qabsaday qolka labiska Bayern Munich.

Comments

comments