WARBIXIN: Saddexdan Sabababood Ayaa Keenay In Chelsea Ay Guuldaradii Xumayd Ka Soo Gaadhay Tottenham-Ciyaartoyda Mise Tatikadii Sarri Oo La Fahmay?

Ma jirto koox kaliya oo aan guuldaro ku dhadhamin horyaalada Yurub, waxaana rekoodhkii Chelsea khaaska u ahaa soo gaba gabaysay kooxda Tottenham.  Kadib markii ay Chelsea guuldaro la’aan ku soo jirtay intii uu socday xili ciyaareedkani ee kulamadii tartamada oo dhan, waxay xalay la soo kulantay guuldaro bahdi laad ah iyada oo soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu xumaa ee intii uu Sarri kooxda maamulayay.

Tottenham ayaa kaalinta saddexaad ee Premier league soo gashay waxayna kaalinta afraad u riixday Chelsea taas oo la micno ah in haddii ay Arsenal guulaysato kulanka Bournemouth in Blues ay hal dhibic oo kaliya ka sarayn doono Gunners taas oo cadaadiska ku sii kordhinaysa Sarri.

Haddii ay Chelsea markii hore ahayd kooxda sida tooska ah koobka Premier league kula tartamaysay kooxaha Man CIty iyo Liverpool waxay hadda dhexda ugu jirtaa kooxaha Tottenham iyo Arsenal oo kaalmaha Champions league loogu soo baxayo ku dagaalamaya sida ay hadda u muuqato.

Haddaba maxay ahaayeen Saddexda sababood ee ugu waa waynaa ee Tottenham ka caawiyay in ay ku noqotay kooxdii ugu horaysay ee Chelsea guuldaro baday isla markaana waji gabaxa u soo jiiday Sarri iyo kooxdiisa Blues?.

Shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinay saddexda qodob ee ugu muhiimsanaa ee lagu salayn karo guuldaradii Blues ka soo gaadhay Tottenham halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

3- Difaaca Chelsea Oo Qaabkii Ciyaal Iskuulka Ugu Jaho Wareeray Hal Abuurkii Harry Kane, Delle Alli iyo Eriksen.

Intii ka horaysay kulankii Tottenham, waxa uu difaaca Chelsea ka mid ahaa kuwa ugu fiican xili ciyaareedkan iyada oo wadnaha difaaca dhexe ay si fiican iskugu soo fahmeen David Luiz iyo Antonio Rudiger laakiin waxay kulankii Tottenham ahaayeen kuwo si buuxda u jaho wareeray.

David Luiz iyo Antonio Rudiger ayaa kulankii Wembley Stadium waxay noqdeen hadhka ciyaartoydii ay soo ahaayeen waxayna taasi sabab buuxa u noqotay in Tottenham ay 2-0 ciyaarta ku hogaaminaysay 17 kii daqiiqo ee ugu horeeyay.

Qaladaadkii difaac ee ay sameeyeen Chelsea waxay sabab buuxda u noqotay in Spurs ay ku ciqaabtay waxayna taasi keentay in labadii gool ee Delle Alli iyo Harry Kane ay Blues dhigeen meel adag si ay u soo laaban karto balse waxayna nasiib ku lahaayeen in ayna la soo kulmin goolal ka badan oo ceeb wayn sii gaadhsiin lahaa.

Afarta difaaca ahaa ee uu Sarri inta ugu badan ku soo shaqeeyay ayaa kulankii Tottenham ahaa kuwo ay ka maqnayd isgaadhsiintu waxaana ku dhex daalay goolhaye Kepa oo marar badan ku qaylinayay difaaca kooxdiisa isaga oo waliba joojiyay kubbado badan oo ay ku soo daayeen.

Sidaa daaraadeed, qaab difaacashadii liidatay, iyo weerarkii daadka ahaa ee Tottenham, waxay door muhiim ah ka ciyaareen in Chelsea ay guuldaradii ugu horaysay soo gaadhay isla markaana ay Tottenaham guul wayn gaadhay.

Riix Bogga 2,3 Si Aad Qodobada Kale u sii Akhrisato.