WARBIXIN: Sababta Ka Dambeysa Iney Bayern Munich Iska Diido Dalabkii Arsene Wenger Oo La Ogaaday.

Advertisements

Tababarahii hore Arsenal Arsene Wenger ayaa la sheegay inuu todobaadkaan la xiriiray maamulka Bayern Munich kana dalbaday inuu maamulo kooxda ugu guulaha badan Jarmalka , balse waxaa la siiyay jawaab diidmo ah.

Bayern ayaan heysan tababare maadaama ay todobaadkaan bilowgiisa shaqada ka ceyriyaan Niko Kovac kaas oo guuldaro xasuuq ah kala kulmay Frankfurt, waxaana la baahiyay in Arsene Wenger uu ka mid yahay liiska macalimiinta ay dooneyso.

Advertisements

Si kastaba wargeysaka BILD ayaa soo daabacay in Wenger uu taleefoonka kula hadlay gudoomiye Karl-Heinz Rummenigge, balse loo sheegay inuusan ku habooneyn kooxda.

“Wenger ayaa soo wacay gudoomiye Karl-Heinz Rummenigge galabnimadii arbacada, wuxuuna u qishay xiisahiisa ah inuu tababaro Bayern Munich” ayuu yiri shaqsi ku dhaw kooxda oo aan magaciisa la sheegin balse BILD ay arintaas wax ka weydiisay.

Advertisements

“Bayern xushmad badan ayey u heysaa shaqadii uu Arsene Wenger kasoo qabtay London, gaar ahaan Arsenal, balse maahan dooqa tababare ee FC Bayern Munich”

Si kastaba waxaa la sheegay in Arsene Wenger uusan dooneyn muddo yar inuu kooxda maamulo, sidoo kalana ma dooneyn inuu xilli ciyaareedkaan dhexda kasoo galo, kaliya fasalka soo aadan ayuuu u bandhigay inuu talada la wareego.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Bayern Munich ay iska diiday, sababtoo ah waxey wakhtigaan ka walaacsan yahiin iney helaan tababare weyn oo kooxda majaraheeda qabta.

Advertisements