WARBIXIN: WARBIXIN: Saamiga Ay Kooxuhu Ka Heleen, Xidigaha Ku Soo Baxay Iyo Wargayska Daily Mirror Oo Soo Xulay Shaxda Kooxaha Ugu Fiican Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Waa Wayn.

Xili ciyaareedkan 2017/2018 ayaa galay heer dhamaad ah iyada oo horyaalada Yurub ugu waa wayn ay ku jiraan qaybtii ugu danbaysay ee ugu muhiimsanayd. Waqtigan oo kale xili ciyaareed kasta waxaa laga hadlaa shaxda kooxda xili ciyaareedka ee horyaalada yurub ugu fiican taas oo lagu soo xulo min 11 ka xidig ee bandhiga ugu fiican soo sameeyay.

Wargayska Daily Mirror ayaa soo doortay shaxaha kooxaha ugu fiican shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn iyada oo lagu saleeyay qaacidada ah xidigaha bandhiga joogtada ah ee ugu fiican ka soo sameeyay shaanta horyaal ee ugu waa wayn qaarada Yurub.

Laakiin shaxahan ayaan ahayn mid layskugu keenay xidigaha ugu bandhiga fiican Yurub balse waa mid horyaal kasta gaar ahaantiisa looga soo dhex xulay shaxda kooxda ilaa hadda ugu fiican. Horyaalada shaxahan laga soo xulay ayaa kala ah Premier league, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo League 1.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa shaxaha shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn ee ilaa hadda xili ciyaareedkan ugu fiican ee lagu daabacay wargayska Daily Mirror iyada oo aanu idiin soo raacin doono tirada ciayartoyda koox kasta laga soo qaatay.

Haddaba halkan kaga bogo xogtan oo dhamaystiran iyada oo aad sidoo kale ka bogan karto shaxda oo qaab sawir ah u samaysan oo boos kasta ciyaartoy ku jira aad arki karto.

Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Ugu Fiican Horyaalka Premier League Iyo Kooxaha Ciyaartoydan Laga Soo Xushay:

Shaxda kooxda ilaa hadda ugu fiican horyaala Premier league waxaa goolka ugu jira David De Gea oo Manchester United ka tirsan isaga oo la filayo in markale uu xili ciyaareedkan ku soo bixi doono shaxda rasmiga ah ee kooxda sanadka haddii aanu cadaaadis kala kulmin Ederson oo Man City ka tirsan.

Difaaca dhexe waxaa shaxda kooxda Premier league ugu fiican ilaa hadda ku wada jira difaacyada kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld iyo Jan Vertonghen waxaana difaaca midig xidhay Kyle Walker oo waqti cajiib ah ku qaadanaya Man City halka difaca bidix uu buuxiyay Marcos Alonso oo Chelsea bandhig fiican ku muujiyay.

Labada xidig ee Manchester City u ah mishiinka dhaqaajiya ee David Silva iyo Kevin De Bruyne ayaa khadka dhexe loo soo xushay halka xidiga layaabka dhigaya ee Mohamed Salah uu si shaki la’aan ah u hantiyay booska weerarka ee garabka midig waxaana garabka weerarka bidix buuxiyay Eden Hazard waxaana shaxdan dhamaystiray Harry Kane.

Saamiga Ay Kooxaha Premier League Shaxdan Ku Kala Heleen

  • Manchester City – 3 Ciyaartoy
  • Tottenham – 3 Ciyaartoy
  • Chelsea – 3 Ciyaartoy
  • Liverpool – 1 Ciyaartoy
  • Manchester United – 1 Ciyaartoy

Halkan Kaga Bogo Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Premier League ugu Fiican Oo Dhamaystiran.

Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Ugu Fiican Horyaalka La Liga Iyo Kooxaha Ciyaartoydan Laga Soo Xushay:

Shaxda kooxda xili ciyaareedkan ugu fiican horyaalka La Liga waxaa goolka ugu jira Jan Oblak oo kooxda Atletico Madrid ka tirsan waxaana difaaca dhexe ku midoobay Gerard Pique iyo Sergio Ramos laakiin sidoo kale difaaca midig iyo bidix waxaa kala buuxiyay Dani Carvajal iyo Marcelo.

Inkasta oo ay doodi ka joogto in Jordi Alba uu Marcelo kaga fiican yahay xili ciyaareedka booska difaaca bidix haddana Carvajal ayaa ah kan si buuxda u hantiyay booska difaaca midig. Dhexda danbe ama burburiyaha waxaa buuxiyay Sergio Busquets halka khadka dhexe ay ku bahaysan yihiin Luka Modric iyo Toni Kroos.

Safka weerarka shaxda kooxda ilaa hadda horyaalka La Liga ugu fiican waxaa buuxiyay Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Antoine Griezmann balse waxaa jirta dooda ah in Griezmann aanu booskan ka lahaan karin Luis Suarez ama Iago Aspas oo ka tirsan Celta Vigo.

Saamiga Ay Kooxaha La Liga Shaxdan Ku Kala Heleen:

  • Real Madrid – 6 Ciyaartoy
  • Barcelona – 3 Ciyaartoy
  • Atletico Madrid – 2 Ciyaartoy

Halkan Kaga Bogo Shaxda Kooxda Ilaa Hadda La liga ugu Fiican Oo Dhamaystiran.

Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Ugu Fiican Horyaalka Serie A Iyo Kooxaha Ciyaartoydan Laga Soo Xushay:

Shaxda kooxda ilaa hadda ugu fiican horyaalka Talyaaniga waxaa goolka ugu jira Allison oo AS Roma kaas oo si xoogan loola xidhiidhinayo kooxa Liverpool iyo Real Madrid, waxaana difaaca dhexe ku wada jira Leonardo Bonucci, Koulibaly iyo  Giorgio Chiellini.

Nainggolan ayaa dhexda danbe buuxiyay halka afarta khadka dhexe iyo garabka weerarka ay buuxiyeen Blaise Matuidi, Douglas Costa iyo Jorginho waxaana safka weerarka hogaaminaya Paulo Dybala iyo Dries Mertens.

Saamiga Ay Kooxaha Serie A Shaxdan Ku Kala Heleen

  • Juventus – 4 Ciyaartoy
  • Napoli – 3 Ciyaartoy
  • Roma – 2 Ciyaartoy
  • AC Milan – 1 Ciyaartoy
  • Inter Milan – 1 Ciyaartoy

Halkan Kaga Bogo Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Serie A ugu Fiican Oo Dhamaystiran.

Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Ugu Fiican Horyaalka Bundesliga Iyo Kooxaha Ciyaartoydan Laga Soo Xushay:

Sida ka duwan horyaalada aan soo sheegnay kooxda Bayern Munich ayaa inta ugu badan ka heshay saamiga shaxda kooxda ilaa hadda ugu fiican horyaalka Germany ee Bundesliga waxayna haysataa 7 oo ka mid ah 11 ka shaxdan ka soo muuqday halka 3 ka mid ah ay heshay kooxda RB Leipzig waxaana kan baaqi ah heshay Dortmund.

Saamiga Ay Kooxaha Bundesliga Shaxdan Ku Kala Heleen:

  • Bayern Munich – 7 Ciyaartoy
  • RB Leipzig – 3 Ciyaartoy
  • Borussia Dortmund – 1

Shaxda Kooxda Ilaa Hadda Ugu Fiican Horyaalka League 1 Iyo Kooxaha Ciyaartoydan Laga Soo Xushay:

Si la mid ah horyaalka Germany ee Bundesliga waxaa horyaalka France inta ugu badan shaxda kooxda ilaa hadda ugu fiican ka heshay kooxda SPG oo haysata 7 ciyaartoy waxaana laba xidig shaxdan ka heshay kooxda Monaco halka kooxaha Lyon iyo Nice ay min hal ciyaartoy ku yeesheen.

Saamiga Ay Kooxaha League 1 Shaxdan Ku Kala Heleen

  • Paris Saint-Germain – 7 Ciyaartoy
  • Monaco – 2 Ciyaartoy
  • Lyon – 1 Ciyaartoy
  • Nice – 1 Ciyaartoy

Haddaba akhriste marka aad xogtan ka soo bogatay, shaxdee xaqiiqada xili ciyaareedkan ugu dhaw shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn? Tusaale ahaan ma ku qanacsan tahay shaxaha horyaalada Premier league, La Liga iyo Serie A xidigaha shaxahan uga soo muuqday? haddii ayna kula saxsanayn maxaad ka badali lahayd?.

Fikirkaaga iyo waxa aad qalad u aragto waxaad nagula wadaagi kartaa qaybta hoose ee fariimaha sidoo kale warbixintan la share-garee asxaabtaada kale ee baraha bulshada.

16 Comments

  1. fikirkyga waxa weeye taatikada laliga wax bdn baa ka khaldan hdaan qiyaaso anigu ter stegen carvajal bique imtiti alba
    aniesta bisquit modric
    messi greismen tonaldo

  2. Asc wan idin salamay bahdiina website salan kadid waxan rabaa in wax yar aan idika dhaho shaxdaan aad laligaha ka sameyseen sides lix ciyaaryahan uga siiseeb real oo sad Barcelona sadax uga siisen kkkkkk waa yaab meeqa dhibcood ayaa laga horeeyaa real Madrid tusaale inteey ka soo galeen Ramos iyo karfaqal iyo marselo imisa gool ayaa laga dhaliyay am magac hore ayeey ku soo galeen mise adinka Aya tagero u ah miss kale bortiyeriga athletic iyo man Barca inta good oo eye shabaqa ilaashadeen wa isku mid min sagaal iyo to an jeer(19) oo laligah ah miss kalena asaga oo rakatij joogo ayaad mudrij iyo koruus keentay see canal kkkk aaway suaris cawada maxaa idinka is ah bal gadaal iskugu noqda oo waxyabaha sad qoreysaan fadlan iska saxa yeeysan taageero idinka noqon meesha waad mahad San tihiin wabillaahi towfiiq

    • Bashiir Abdi walaal waad ku mahad san tahay fikirkaaga, ma aha shax aanu samaynay sida aad ciwaanka ka arki karto waxaa sameeyay wargayska Daily Mirror ee Ingiriiska ka soo baxa, waxaana hubaal ah in ay markasta jiri karaan waxyaabo dood keeni kara. Haddii aanu ka Gool24 ahaan soo xulan lahayn shaxdan waxaa suurtogal ah in ay ka duwanaan lahayd, laakiin sida aan cadaynay ma aha mid aanu soo xulnay waa mid Daily Mirror ka diyaariyay shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn. Waad mahadsan tahay.

  3. Mahamud batalaale zhp kubada hadaad wax ka taqaano warabixintan maad soo qori lahayn.
    Waxa aad u khaldan qiimaynta lagu sameeyay horyaalka la ligaha. I feel sorry for Barcelona
    Koox aan laga badin baa meesha maraysa.
    Macquul in karoos Ronaldo iyo onblak lagu soo daro lkn sidan caqli maaha.

  4. Ka dib mudo 5 sanaa oo aan ku xidhnaa websiteka laacib.net waxaan caawa oo ay taariikhdu tahay 2018-03-31 usoo diga rogtay websiteka Gool24.net oo si hufan uga faalooda ciyaaraha kubada cagta Sababta aan uga soo guuray Laacib.net ayaa ah in uu taageero unoqday Barcelona isla markaana warar aan xaqiiq ahayn oo uu marwalba Messi ku ammaanayo qoro isla markaana uu Realmadrid iyo Cr7 ku colaadinayo Markaa anigoo eegaya meesha aan warar sugan ka heli Karo waxaan doortay Bahdan Gool24.net oo dhexdhexaad ah marwalba

  5. asc bahda gool24.net war ninkaan ladhahaayo bashiir wax baa iskaga bro yeey tageerinimadu ku la tagin gool24 shaxdaan ma samayn ee waxaa sameeyay dail mirror shaxdaane aniga ahaan way ila saxan tahay madaama aan tageero Real madrid reer barca saan haloo booyo

  6. walaalo waxaa jira in jordi alba uuu sideed assist ku leeeyahay laliga mana jiro difaac intaa le’eg oo kale mida kale suares iyo greezman iskuma dhigmaan walaalo umutitina sanadan aad ayuu u shaqeeyay markaa marcelo iyo kroos adigaa taageera miyaa sidee ujeedaa hada kahor shaxda laliga ugu xun ayaad kusoo dartay marcelo waa sidee arinkaagu ma waxaad tacsi uga dhigaysaa real madrid oo ka sii hadhaysa championka mise waxkalaad ujeedaa zxb warkaaga noo cadee isadani madax waynaha realna wax uma qoreena cadaalad darada nagadaa hadii kale runta noo sheega iney websiteka real leedahay

  7. hhhhhh daily mail oo indhaha iska tuurty.

    Hadal iyo dhamaantii shaxda laliga ugu fiicn waa
    ter stegan
    alvaro odriozola peque umtiti jordi alba
    serio busquets iniesta parejo
    messi suares ronaldo

    hadaan horyaalada kale ka hadlo way ila roonyihiin inkasto khaladaad badani jiraan

  8. asalaamu calaykum walaalo siday ila tahay
    laliga waa
    stegen
    alba umutiti varane ordiziola
    busquet parejo rakitic
    messi ronaldo grezmann
    PREMIER LIGA
    ederson
    otamendi vandisk walker alonso
    debruyne silva kante
    m.salah sane kane
    inta kale waa caadi

  9. Ninka waxaan jirin ayuu ka hadlayaa .Toby alderweild ma isagaa 2 ciyaarod oo isku xiga rayba . Rakitic iyo umtiti.iyo Alba boosas ayay u qalmaan.

  10. ASC horta shaxaha dhamantod ma xuma wxga unba ka qaldan hdan ka bilaabo dhanka spain booska weerarka suarez aya uga qalma griezman dhanka italy bay nqoty siday u dhacdy shaxda in laga reebo labada weeraryahan ee ugu goolasha badanle mxy qiimeyen tolow ma driblingkay qiimeyan mooyi yaa og boosaska dhexda aaway giacomo bonaverntura o kamid aha ciyartoydi yurub ugu fiicna dhanka booskiisa sida forbs so saarty dhawan dhanka germany bay nqty neuer seasonka ma isaga ciyaarayba mxa lagu qiimeyey mise horyalka ayey bayern ugu awood badantahy aya lagu so iyaga tasna og dhanka england anderweild ma filayoba inuu lineup toos ah ka yahay teamkisa coz davidson sanches aya ka horeya dhanka booskaas mrka deee war malehba hdiba ay kuso dareen qaar aan lineupba ahayn la isuma halayn karo sdaan aaminsahay wa laablakac uun waxoogu hhhhhhhhh

  11. Fikirkaan waa fikir dad leeyahay eeda kadhaafa webka ee kiina kudarsada fikirkiina ani ahaan fanandinho to kante otamedi to kante

  12. shaxdaan wey qaldan thy
    waayo
    aawey #ter stegen #umutiti #andreska #jordi;alba
    shaxdaan cadaalad maahan
    ragii soo halgamay
    ee koobka qaadayey kumajiraan
    rag kaalin afaraad kunjira ayaa kabuuxa meeshan

  13. hrta wllahi rakatic reebo modric kusoo dar waa ayaan darro runtii waar miyaydaan ciyaaraha daawan waa bur buriyaha caalamka markaasay modric kusoo darayaan midda kale dhanka difaaca aad bey ukhaldeen DAILY MIRROR umtiti alba carvajal beque weeyaan weerarkuna sidiisuu ku saxsanyahay

  14. hrta wllahi rakatic reebo modric kusoo dar waa ayaan darro runtii waar miyaydaan ciyaaraha daawan waa bur buriyaha caalamka markaasay modric kusoo darayaan midda kale dhanka difaaca aad bey ukhaldeen DAILY MIRROR umtiti alba carvajal beque weeyaan weerarkuna sidiisuu ku saxsanyahay

Comments are closed.