WARBIXIN: WARBIXIN: Real Madrid Vs Liverpool, Barcelona Vs Man United, Guushii Ay Real Madrid Gaadhay Oo Man City Caawisay Iyo Kulamada Xiisaha Badan Ee Isku Aadka Champions League Ee 2018/19 Ka Soo Bixi Kara.

Xili ciyaareedkii 2017/18 ayaa la soo gaba gabeeyay waxaana ugu danbeeyay kulankii finalkii Champions league ee magaalada Kiev ku dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Liverpool kaas oo ay kooxda Los Blancos markii saddexaad oo xidhiidh ah ay ugu guulaysatay koobkan, laakiin haddaba waxaa bilaabay ka hadalka qaabka uu noqon doono isku aadka UEFA Champions league ee xili ciyaareedka cusub ee 2017/18.

UEFA ayaa diyaarisay sharci kala qaybinaya kooxaha Yurub kaas oo ku salaysan qiimaynta natiijooyinkii ay kooxhaa Yurub ka soo heleen shantii sano ee ugu danbeeyay, waxaana qiimaynta UEFA lagu saleeyaa marka la samaynayo isku aadka heerka Groupyada Champions League iyada oo afar qaybood oo min siddeed kooxood ah loo kala jabiyo.

Haddaba waxaa dhamaystiran inta ugu badan 32 ka kooxood ee UEFA Champions league markale ku dagaalami doona xili ciyaareedka cusub, waxayna Real Madrid dhamaystirtay qaybta kowaad ee Pot 1 oo ah qaybta hogaamin doonta groupyada Champions League, waxayna guusha Madrid war aad u fiican u ahayd kooxda Guardiola ee Manchester City.

Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu danbaysay ee xaqiijisatay in ay qayb ka tahay Pot 1 oo ay ku jiraan lix kooxood oo ku soo guulaysatay horyaalada Yurub ugu waa wayn, Atletico Madrid oo koobka Europa League ku soo gashay Pot 1 iyo Real Madrid oo booskan ku heshay in ay ku soo guulaysatay UEFA Champions League.

Waxay tani la micno tahay in kooxo badan oo waa wayni ay kala badbaadi doonaan marka isku aadka heerka Groupyada Champions League la samaynayo, laakiin taas micnaheedu ma aha in ayna jiri doonin kulamo cajiib ah oo si wayn loo filan karo in ay laysku aadin karo kooxo waa wayn.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qaabka ay kooxaha u soo baxay UEFA Champions league ee xili ciyaareedka cusub ay iskugu aadi karaan iyo kuwa aan laysku aadin karin waxa kale oo aanu idiin soo gudbin doonaa xog kale oo dheeraad ah.

Ugu horayn siddeeda kooxood ee ku jira Pot 1 waxay si rasmi ah u hogaamin doonaan sideeda group ee isku aadka Champions league iyada oo ayna waxba iskaga badali doonin sida ay hadda u taagan yihiin, waxayna siddeedan kooxood kala yihiin Real Madrid, Atletico Madrid, Barcelona, Bayern Munich, Manchester City, Juventus, Paris Saint-Germain iyo Lokomotiv Moscow.

Haddii aan si gaar ah uga hadalno Pot 1, dhamaan kooxaha qaybtan ku jiraa, waxaa mamnuuc ah in ay isku arkaan heerka Groupyada Champions League iyada oo dhamaan kooxahani ay mid kastaaba group gaar ah hogaamin doonto taas oo la micno ah in kooxaha waa wayn ee qaybtan ku jiraa ay kala badbaadeen.

Haddii ayna Real Madrid ku guulaysan lahayn Champions league, waxay walwal badan ku noqon lahayd kooxaha Man City, PSG, Juventus, Bayern Munich iyo Lokotomvic Moscow halka kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayna isku aadi kareen maadaama oo heerka groupyada ayna kooxaha isku wadanka ahi ayna isku aadi karin.

Laakiin in Manchester United ay ku jirto Pot 2 ayaa keenaysa in ay ku aadi karto kooxaha waa wayn ee Real Madrid, Barcelona, PSG, Atletico Madrid iyo Bayern Munich si la mid ah Lokomotiv Moscow. Kooxda kaliya ee Pot 1 ku jirta ee ay Man United ku aadi karin waa kooxda ay dariska yihiin ee Man City.

Haddii aynu u soo degno qaybta labaad ee Pot 2 iyo kooxaha ku jira, ma aha kuwo wali si rasmi ah loo xaqiijiyay maadaama oo ay jiraan kooxo isreeb reeb soo gali doona oo haddii la reebo ay booskooda banayn doonaan isla markaana uu isbadal iman doono balse aan soo qaadano sida ay hadda u taagan tahay balse isbadali karta.

Qaybta labaad ee Pot 2 sida ay hadda u taagan tahay waxaa ku jira Borussia Dortmund, FC Porto, Manchester United, Shakhtar Donetsk, Benfica*, Napoli, FC Basel* iyo Tottenham Hotspur laakiin kooxaha Benfica iyo FC Basel waxay u baahan yihiin in ay isreeb reeb soo galaan iyada oo haddii ay midkood hadho ama ay wada hadaan ay Liverpool fursad u heli doonto in ay qaybtan soo gasho halka ay hadda kaga jirto Pot 3.

Kooxaha Pot 2 ku jiraa waxay ku aadi karaan kooxaha kale ee qaybta ka ah Min Pot 1, Pot 3 iyo Pot 4 iyada oo kooxaha qaybtan ku jiraa ayna isku aadka heerka Groupyada isku arki doonin. Kooxaha Pot 2 ku jiraa waxay u badan yihiin kooxo aan ahayn kuwa ugu awooda badan balse qiimayn fiican ka haysta UEFA.

Qaybta saddexaad ee Pot 3 waxaa sida ay hadda u taagan tahay kuwada jira kooxaha kala ah Roma, Liverpool, Schalke, Lyon, Monaco, FC Salzburg*, CSKA Moscow iyo  Ludogorets Razgrad*, laakiin kooxaha FC Salzburg iyo Ludogorets Razgrad ayaa isreeb reeb soo gali doona taas oo go’aamin doonta hadii ay heerka groupyada Champions league qayb ka noqon doonaan iyo haddii kale. Haddii ay hadhaan booskooda waxaa soo gali doona kooxaha ugu qiimaynta sareeya Pot 4.

Liverpool oo xili ciyaareedka dhamaaday soo gaadhay finalka Champions League waxay iska lumisay fursada ay koobkan ugu guulaysan kartay oo ay Pot 1 qayb kaga noqon kartay laakiin waxay hadda ku jirtaa Pot 3 laakiin haddii kooxaha Benfica iyo Basel ay midkood hadho waxay ku soo ruqaansan doontaa Pot 2.

Liverpool ayaa isku aadka heerka Groupyada Champions League ku aadi karta kooxdii ay finalka Champions League isku arkeen ee Real Madrid, Bayern Munich, Atletico Madrid, Barcelona, PSG si la mid ah kooxaha Pot2 ku jira oo dhan marka laga reebo Manchester United oo ay isku dal yihiin.

Qaybta afraad ee Pot 4 waa qaybta ay kooxaha ugu yari ilaa hadda ku jiraan maadaama oo ay tahay qaybta ay soo gali doonaan kooxo badan oo isreeb reeb saddex waji ah soo mari doona laakiin waxaa sida ay u taagan tahay ku sii jira Inter Milan, Valencia, Hoffenheim laakiin kooxo kale oo ay Celtic ka mid ayaa isreebka soo gali doona oo kuwa soo baxa ayaa buuxin doona.

Haddaba Aan Si Kooban Idiinku Soo Gudbiyo Qaabka Ay U Habaysan Yihiin Afar Qaybood ee UEFA ay Ku Habayn doonto kooxaha u soo baxay UEFA Champions lague ama kuwa soo raaci doona ee isreeb reebka ka soo bixi doona.

Pot 1: Real Madrid, Atletico Madrid, Barcelona, Bayern Munich, Manchester City, Juventus, Paris Saint-Germain, Lokomotiv Moscow- rasmi.

Pot 2: Borussia Dortmund, FC Porto, Manchester United, Shakhtar Donetsk, Benfica*, Napoli, FC Basel*, Tottenham Hotspur

Pot 3:  AS Roma, Liverpool, Schalke, Lyon, Monaco, FC Salzburg*, CSKA Moscow, Ludogorets Razgrad*

Pot 4: Inter Milan, Valencia, Hoffenheim – iyo kooxo badan oo isreeb reeb soo gali doona

FIIRO GAAR AH: Kooxaha ay dul saartan tahay calaada xidigtu “*” waa kooxaha aan wali si rasmi ah u xaqiijisan booskooda heerka groupyada Champions League ee isreeb reebka soo gali doona, waana sababta ayna min Pot 2- Pot 4 rasmi wali u ahayn halka Pot 1 uu sidaa rasmi ku yahay oo ayna waxba iska badali doonin.

Haddaba aan soo qaadano kulamada ugu xiisaha badan ee heerka Groupyada Champions League ka soo bixi kara iyada oo la tixgalinayo qaybaha ay kooxahani ku kala jiraan iyo waliba sharciga UEFA ee kala xadaynta isku aadka Champions league.

Ugu horayn marka isku aadka heerka Groupyada Champions League la samaynayo waxaa mamnuuc ah in ay isku aadaan oo ay isku group noqdaan laba kooxood oo isku wadan ahi, qodobka labaad iskuma aadi karaan kooxo isku Pot ama dheri kuwada jiraa, waxayna tani keenaysaa in kooxo badani kala badbaadaan.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Kulamada Xiisaha Gaarka Ah Yeelan Kara ee Ka Soo Bixi Kara Isku Aadka Heerka Groupyada Champions League:

1- Real Madrid vs Manchester United

2- Manchester United vs Barcelona

3- Manchester United vs PSG

4- Manchester United vs Atletico Madrid

5-  Manchester United vs Bayern Munich

6- Man United Vs Juventus

7-Real Madrid vs Liverpool

8-Liverpool vs Barcelona

9- Liverpool vs Bayern Munich

10- Liverpool Vs PSG

11- Liverpool Vs Atletico Madrid.

12-Liverpool vs Juventus

13- Real Madrid vs AS Roma

14- AS Roma vs Bayern Munich

15- AS Roma Vs Barcelona

16- AS Roma vs PSG

17- Real Madrid vs Inter Milan

18- Inter Milan Vs Barcelona

19- Inter Milan Vs Bayern Munich

20- Inter Milan Vs PSG.

Laakiin kulamo kale oo xiiso badan oo ka soo bixi kara Liverpool, Manchester United, Inter Milan, Tottenham, Dortmund, Napoli iyo kooxo kale ayaan wali la xaqiijin karin maadaama oo ay UEFA sugayso in kooxaha isreeb reebka soo galayaa ay go’aamiyaan qaabka qiimaynta si rasmi ah loogu habayn doono Pot 2- Pot4.

Ugu danbayn mar haddii ay hubaal tahay in siddeeda kooxood ee Pot 1 ku jiraa ay hogaamin doonaan isku aadka Champions league ee xili ciyaareedka cusub, waxay UEFA si rasmi ah u shaacisay qiimaynta kooxaha kale ee soo baxay balse aan wali la go’aamin qaybta si rasmi ah u gali doonaan halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Borussia Dortmund (GER) 89.000
Porto (POR) 86.000
Manchester United (ENG) 82.000
Shakhtar Donetsk (UKR) 81.000
Napoli (ITA) 78.000
Tottenham Hotspur (ENG) 67.000
Roma (ITA) 64.000
Liverpool (ENG) 62.000
Schalke (GER) 62.000
Lyon (FRA) 59.500
Monaco (FRA) 57.000
CSKA Moskva (RUS) 45.000
Valencia (ESP) 36.000
Viktoria Plzeň (CZE) 33.000
Club Brugge (BEL) 29.500
Galatasaray (TUR) 29.500
Internazionale Milano (ITA) 16.000
Hoffenheim (GER) 4.000

Qiimayntan ayaa ku salaysan natiijooyinkii ay koox kastaaba ka soo heshay shantii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ee ay ka soo ciyaartay tartamada Yurub, iyada oo Liverpool ay ka mid tahay kooxaha sida wayn sare ugu soo qaaday qiimayntooda UEFA kadib markii ay sanado badan ka maqnayd balse ay xili ciyaareedkan natiijooyin badan oo fiican ay heshay.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Why kooxda Young Boys ugu jirin wxy kugulaysatay horyaalka Switzerland???????

Comments are closed.