WARBIXIN: Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Real Madrid & Tottenham- Xidigihii Fashilmay, Kuwii Isku Muuiyay Kulankii Wembley Iyo Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa.

Kooxda Tottenham ayaa markii ugu horaysay taariikhda kooxdeeda waxay guushii ugu horaysay ka gaadhay Real Madrid si ay ugu soo baxdo wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque waxayna guushani biyo kulul dusha kaga shubtay Zinedine Zidane iyo kooxdiisa Los Blancos afar maalmood gudahood ay soo gaadhay laba guuldaro oo xaalad xun ku abuuraya kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Madrid.

Kadib markii ay Real Madrid axadii guuldaro lama filaan ahi ay ka soo gaadhay kooxda yar ee FC Girona waxay markale guuldaro waji ganax ah kala laabtay kulankii abid ugu horeeyay ee ay Wembley Stadium ku ciyaartay iyada oo Tottenham noqotay koox si buuxda ugu awood sheegatay kooxda koobka kooxaha yurub difaacanaysa ee Madrid.

Dele Alli oo ganaax ka soo laabtay ayaa waqtigii ka tagay uga faa’iidaystay in uu laba gool ka dhaliyo kooxda Real Madrid ee marar badan lala xidhiidhinayay waxaana goolka Real Madrid xaalada ku sii xumeeyay ee saddexaad raacsaday Christian Eriksen  iyada oo Cristiano Ronaldo uu xili danbe gool ka soo celiyay Los Blancos.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee bandhigii kulankii Wembley Stadium anaga oo si gaar ah u eegi doona xidigihii ugu bandhiga fiicnaa, kuwii kulankan ku fashilmay iyo walia xidigii garoonka ugu fiicnaa.

XIDIGII GAROONKA: Dele Alli ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu noqday xidigii farqiga labada kooxood gool dhalinta iyo shaqada adag ku sameeyay, wuxuuna sabab dhab ah u ahaa in Tottenham ay Madrid dhigtay xaalad ayna ka soo kabsan karin. Dele Ali ayaa markale muujiyay in uu yahay ciyaartoy u diyaarsan kulan kasta oo wayn.

XIDIGIHII KULANKAN KU FASHILMAY:

Sida iska cad xidigo badan oo Real Madrid ah ayaa kulanan si buuxda ugu fashilmay kuwaas oo lagu tilmaami karo in ay sabab buuxda u ahaayeen guuldarada soo gaadhay kooxdooda. Ugu horayn waxa uu ahaa kulan ceeb u soo jiiday Luka Modric oo dib ugu soo laabtay kooxdisii hore ee Spurs wuxuuna xidiga ree Croatia helay qiimayn aad u liidata oo 4 darajo oo kaliya ah wuxuuna kala mid yahay Karim Benzema iyo Casemiro, waana saddexda xidig ee ugu liitay.

Laakiin ma jiro hal ciyaartoy oo Real Madrid ah oo shaxda Zidane ku soo bilawday ama kaydka ka soo baxay oo helay qiimayn ka saraysa kala badhka qiimaynta guud waxayna inta kale oo dhami heleen min 5 darajo oo kaliya waana qiimayn ka hoosaysa inta uu ciyaartoy kasta oo Tottenham ahi helay.

XIDIGIHII KULANKAN ISKU MUUJIYAY: 

Marka laga yimaado xidiga garoonka ugu fiicnaa ee Dele Alli oo helay qiimayna ugu saraysa oo 9 darajo ah kaas oo ku dhawaaday in uu helo qiimayn 10/10 ah waxaa sidoo kale kulankan isku muujiyay Christian Eriksen iyo Harry Kane oo helay qiimayn min 8 darajo ah laakiin dhamaan ciyaartoyda kale ee Spurs ayaa helay qiimayn aad u fiican.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA TOTTENHAM:

Tottenham: Lloris (7), Trippier (7), Sanchez (7), Alderweireld (6), Vertonghen (7), Davies (7), Dier (7), Winks (7), Eriksen (8), Alli (9), Kane (8)

Badalkii: Dembele (6), Sissoko (7), Llorente (NA)

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA REAL MADRID:

Real Madrid: Casilla (5), Achraf (5), Ramos (5), Nacho (5), Marcelo (5), Casemiro (4), Kroos (5), Modric (4), Isco (5), Ronaldo (5), Benzema (4)

Badalkii: Asensio (5), Mayoral (5), Vazquez (NA)

Comments

comments