WARBIXIN: Qiimayn Lagu Sameeyay Saadaashii Khabiirada Kubbada Cagta Ee Afarta Kaalmood Ee Sare Ee Premier League Oo Rag Badan Fashil U Keentay-Miyay Jiraan Cid Saadaashoodii Saxantay?

Xili ciyaareed kastaaba marka uu bilaabanayo waxaa jira khabiiro badan oo kubbada cagta ah oo saadaalin ka sameeya horyaalka premier league waxayna markaas si gaar ah u saadaaliyaan kooxda koobbka Premier League ku guulaysan doonta iyo kooxaha afarta sare ku dhamaysan doona waxaana saadaashan la bixiyaa inta aan kubbada ugu horaysa ee xili ciyaareedka la baasan.

Haddaba iyada oo xili ciyaareedkii Premier League uu si rasmi ah u soo dhamaaday isla markaana hadda la ogyahay koox kastaaba kaalinta ay ku dhamaysatay, waxaa xiiso badan in dib loogu laabto saadaashii khabiirada kubbada cagta ee ka hor xili ciyaareedkan saadaasha ka sii bixiyay kooxda koobka ku guulaysanaysa iyo waliba afarta kaalmood ee ugu saraysa cida buuxinaysa.

Aan marka hore idin xusuusiyo in Manchester City ay kaalinta kowaad iyo koobka Premier League isla heshay isla markaana ay Man United kaalinta labaad kaga dhamaysatay xili ciyaareedkan halka Tottenham ay kaalinta saddexaad ku dhamaysatay waxaana kaalinta afraad maalintii xili ciyaareedka ugu danbeeyay isku hubsatay Liverpool.

Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa xili ciyaareedkan seegay Champions League iyo afarta kaalmood ee sare waxayna isku camiri doonaan Europa League oo ay xiiso gaar ah u yeeli doonaan. Hadda mar haddii aan sidaa u ognahay kaalmaha sare sidii loogu dhamaystay aan soo qaadano saadaashii bilawgii xili ciyaareedkan iyo khabiiradii aqoonta isbidayay wixii ay sheegeen.

Saadaashii Bilawgii Xili Ciyaareedkan Ee Phil Neville:

Phil Neville ayaa si wayn ugu fashilmay saadaashii uu bixiyay bilawgii xili ciyaareedkan dhamaaday isaga oo markaas heegay in Man United ay kaalinta kowaad ku dhamaysanayso isla markaana ay Manchester City kaalinta labaad gali doonto waxa kale oo ka sii daran in Chelsea uu kaalinta saddexaad u saadaaliyay halka Arsenal uu kaalinta afraad siiyay laakiin Tottenham iyo Liverpool oo uu kaalmaha sare ka reebay ayaa kaalinta saddexaad iyo afraad ku soo baxay.

Afartii Sare ee Phil Neville: 1) Manchester United, 2) Manchester City, 3) Chelsea, 4) Arsenal

Saadaashii Bilawgii Xili Ciyaareedkan Ee Michael Owen

Michael Owen laftiisa ayaa ku dhacay saadaashii bilawgii xili ciyaareedkan isaga oo markaas sheegay in Chelsea ay difaacanayso koobka Premier league oo ay kaalinta kowaad ku dhamaysanayso wuxuuna kaalinta labaad siiyay Man City isaga oo kaalinta saddexaad Liverpool siiyay wuxuuna kaalinta afraad u saadaaliyay Man United.

Owen ayaa si buuxda ugu fashilmay saadaashii bilawgii xili ciyaareedkan isaga oo Tottenham kaalinta afraad ka saaray laakiin waxa uu saxay in Arsenal ayna afarta kaalmood ee sare ku soo bixin.

Afartii Sare Ee Michael Michael Owen: 1) Chelsea, 2) Manchester City, 3) Liverpool, 4) Manchester United

Saadaashii Bilawgii Xili Ciyaareedkan Ee Owen Hargreaves:

Owen Hargreaves ayaan bilawgii xili ciyaareedkan bixin saadaal badan laakiin waxa uu bixiyay hal saadaal oo kaliya taas oo uu sideeda u saxay. Hargreaves ayaa saadaaliyay in Manchester City ay ku guulaysan doonto koobka Premier league iyada oo sidii uu filayay u dhacday wuxuuna markaas saadaaliyay kaalinta kowaad iyo koobka Premier league cida ku guulaysanaysa oo uu sideeda u saxay.

Saadaashii Bilawgii Xili Ciyaareedkan Ee  Peter Schmeichel

Peter Schameichel ayaa saxay in Manchester City ay koobka Premier League ku guulaysanayso isla markaana ay kaalinta kowaad ku dhamaysanayso, waxa kale oo uu saxay in Tottenham ay kaalinta saddexaad ku dhamaysan doonto laakiin waxa uu qalday in Chelsea ay kaalinta labaad galayso halka Man United uu hore ugu saadaaliyay kaalinta afraad laakiin in 50% uu saadaashiisa saxay ayaa ah wax fiican.

Afarta Sare ee Peter Schameichel: 1) Manchester City, 2) Chelsea, 3) Tottenham, 4) Manchester United

 Saadaashii Bilawgii Xili Ciyaareedkan Ee Trevor Sinclair

Trevor Sinclair ayaa isna ku guulaystay in uu si sax ah u saadaaliyay bilawgii xili ciyaareedkan in Manchester City ay kaalinta kowaad iyo koobka Premier league ku guulaysanayso laakiin waxa uu qalday in Chelsea uu kaalinta labaad dhigay, Man United uu kaalinta saddexaad siiyay iyo waliba in uu Arsenal kaalinta afraad u hibeeyay halka Tottenham iyo Liverpool oo afarta sare ku dhamaystay uu markaas banaanka u tuuray.

Afarta Sare Trevor Sinclair: 1) Manchester City, 2) Chelsea, 3) Manchester United, 4) Arsenal

 Saadaashii Bilawgii Xili Ciyaareedkan Matt Holland:

Matt Holland ayaa boqolkiiba 75% saxay saadaashii uu afarta kalmood ee sare ee Premier league isaga oo bilawgii xili ciyaareedkan sheegay in Man City ay kaalinta kowaad galayso, Man United ay kaalinta labaad ku dhamaysanayso halka Liverpool uu kaalinta afraad siiyay, waana saadaal uu sideeda u saxay laakiin boqolkiiba 25% uu qalday ayaa ah in Tottenham ay kaalinta saddexaad ku dhamaysatay halka uu markii hore Chelsea siiyay.

Afarta Sare Matt Holland : 1) Manchester City, 2) Manchester United, 3) Chelsea, 4) Liverpool

Saadaashii Bilawgii Xili Ciyaareedkan Ee Lee Dixon:

Bilawgii xili ciyaareedkan Lee Dixon ayaa saadaaliyay in Manchester City ay ku guulaysanayso koobka Premier League wuuna saxay, waxa uu Dixon saadaaliyay in Man United ay kaalinta labaad ku dhamaysanayso wuuna saxay laakiin waxa uu ku dhacay kaalinta saddexaad iyo afraad oo uu kala siiyay Chelsea iyo Arsenal sida ay u kala horeeyaan waxaana boosaskan qaatay Tottenham iyo Liverpool.

Afarta Sare ee Lee Dixon: 1) Manchester City, 2) Manchester United, 3) Chelsea, 4) Arsenal

Laakiin khabiiradii sadaasha ka bixiyay kaalmaha sare ee Premier League bilawgii xili ciyaareedkan ayaan ahayn kuwo halan lagu soo wada koobi karo balse kuwani waa qayb ka mid ah saadaashii la sameeyay iyada oo markale bilawga xili ciyaareedka cusub loo tartami doono in saadaal la sameeyo.