WARBIXIN: Miyuu Tartanka Premier league Noqday Mid Liverpool & Man City Ku Kooban, Miyay Chelsea, Arsenal Iyo Man United Ka Faa’iidaysan Doonaan Xaalada Xun Ee Tottenham, Iyo Qiimaynta Xaaladaha Kooxahan Ee Waqtigan Oo Kale Xili Ciyaareedkii Hore.

Waxaa la soo ciyaaray kulamadii 22 aad ee Premier league waxaana haddaba laysku diyaarinayaa kulamada 23 aad ee xili ciyaareedkan iyada oo ay koox kastaaba u dagaalamayso saddexda dhibcood ee muhiimada wayn u yeelan kara todobaadka 23 aad ee xili ciyaareedkan 2018/19.

Kulamadii 22 aad waxaa mugdi u ahaayeen kooxaha reer London ee Arsenal iyo Tottenham laakiin waxaa laga faraxsanaa magaalooyinka Manchester iyo Liverpool iyada oo kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Man City ay guulo gaadheen si la mid ah Chelsea oo sare uu sii kortay miiska kala saraynta Premier league.

Haddaba ka hor kulamada 23 aad ee Premier league waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sida ay xaalada Premier league u taagan tahay iyada oo sidoo kale aanu idiin soo gudbin doono isbarbar dhig aanu ku samayn doono halkii ay koox kasta oo Premier league ah ku jirtay waqtigan oo kale xili ciyaareedkii hore ee haddii ay hoos u dhacday iyo haddii ay horumar samaysay.

Waxaa la galay qaybta xili ciyaareedka Premier League ugu muhiimsan ee kulan kasta loo arko in uu kooxaha waa wayn u noqon doono sidii kulan final ah, waxaana saamaynta ugu wayn yeelan doona kulamada ay kooxaha lixda sare ku wada ciyaari doonaan hadda wixii ka danbeeya.

Haddaba halkan kaga bogo falan qaynta ay shabakada Gool24 idiinka diyaarisay horyaalka Premier league gaar ahaan kadib kulamadii 22 aad iyo ka hor kulamada soo socda ee 23 aad saamaynta ay yeelan karaan.

1-Saamaynta Kulanka Arsenal Vs Chelsea Iyo Man United Oo faa’iidada Ugu Wayn Ka Heli Karta:

Chelsea ayaa hal dhibic oo kaliya u soo jirsatay kaalinta saddexaad ee premier league waxayna si buuxda uga faa’iidaysatay xambaaradii Tottenham ka soo gaadhay Man United waxayna Blues awooday in ay 22 kulan ka heshay 47 dhibcood, laakiin waxay dhibaato soo gaadhay Arsenal oo guuldaro kala laabtay West Ham United.

Arsenal ayaa sabtida soo dhawayn doonta Chelsea kulan saamayn wayn ku yeelan kara kaalmaha sare ee Champions League loogu soo baxayo waxaana kulanka Arsenal iyo Chesea si dhaw ula socon doonta Man United oo rajaynaysa in guusheedii lixaad oo xidhiidh ah ee Premier league ay ka gaadhi doonto Brighton oo ay Old Trafford ku qaabili doonto.

Manchester United oo 8 dhibcood iyo 9 dhibcood ka hoosaysay kooxaha Arsenal iyo Chelsea sida ay u kala horeeyaan markii shaqada United laga caydhiyay Mourinho, waxay hadda United min 41 dhibcood la wadaagtaa Arsenal halka 6 dhibcood ay ka hoosayso kaalinta afraad ee Chelsea ku jirto.

Haddii si kale loo dhigo Man United waxay hadda 7 dhibcood oo kaliya ka hoosaysaa Tottenham oo kaalinta saddexaad ku jirta halka ay 8 dhibcood ka hoosaysay kaalinta 5 aad maalintii Mourinho shaqada laga caydhiyay, waxayna arintani muujinaysaa in United ay waysada u soo biyaysatay sidii ay Chelsea, Arsenal iyo Tottenham loolan adag ula gali lahayd.

Haddii Arsenal ay guuldaro ka soo gaadho Chelsea waxay suurtogal ka dhigi kartaa in United ay kaalinta shanaad kali ku noqon doonto isla markaana ay saddex dhibcood gadaal iska marin karto Arsenal haddii ay Red devils iyaduna saddexda dhibcood ka hesho Brighton.

Laakiin haddii ay Arsenal guulaysato, waxay markale faa’iido u noqon kartaa Man United oo heli karta fursad ay Chelsea ugu soo dhawaan karto. Sidaa daraadeed, kulanka Emirates Stadium ee Arsenal iyo Chelsea waxa uu xiiso badan u yeeli doonaa kaalmaha sare ee Champions league loogu soo baxayo.

Riix 2,3,4 si aad falanqaynta oo dhan uga bogato.