Home » Wararka Maanta » WARBIXIN: Miyay Birta Goolka Old Traffrod Wali Ka Cadhaysan Tahay Bixitaankii Paul Pogba? Iyo Xidigaha & Kooxaha Xili Ciyaareedkan Tirada Ugu Badan Birta Garaacay.

WARBIXIN: Miyay Birta Goolka Old Traffrod Wali Ka Cadhaysan Tahay Bixitaankii Paul Pogba? Iyo Xidigaha & Kooxaha Xili Ciyaareedkan Tirada Ugu Badan Birta Garaacay.




Jamaahiirta Manchester United ayaa falcelin cajiib ah ka sameeyay in Paul Pogba uu xili ciyaareedkan noqday xidiga tirada ugu badan birta goolka garaacay waxayna soo bandhigeen sida birta goolka Old Traffrod ay xidiga ree France goolal badan uga beenisay. Pogba ayaan nasiib ku lahayn in uu goolal badan ku dhaliyo darbooyin uu birta ku garaacay waxayna qaar ka mid ah jamaahiirta Man United ku doodeen in birta goolka Old Traffrod ay wali ka cadhaysan tahay bixitaankii Pogba ee waqtigiisii Juventus.




Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa xidigaha xili ciyaareedkan tirada ugu badan birta goolka garaacay ee ugu nasiibka xumaa in ay goolal ku dhaliyaan fursado cadaan ahaa waxaana hogaaminaya Paul Pogba oo Manchester United ka tirsan.

Paul Pogba ayaa gool qurux badan ku dhalin lahaa kubbad laaga xorta ah oo uu tuuray intii uu socday kulankii Hull City laakiin waxa uu arkay birta goolka uu markale muncaarad ku noqotay wuxuuna sidan oo kale birta garaacay kulamadii Watford, Stoke City, Tottenham.  Sunderland iyo Middlesbrough iyo waliba kulankii Leauqe cupka ee Manchester City taas oo tirada uu birta garaacay xili ciyaareedkan ka dhigaysa 7 jeer!!!.

Laakiin nasiib xumada birta goolka oo ay kubbadu ka soo boodaa kuma koobna Paul Pogba oo kaliya waxaa tirada 7 jeer la wadaaga xidiga kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne oo isna todoba gool ay birtu ka beenisay waxaana ka mid ahaa fursado uu xidigani eedayn kulamo ay City guulo gaadhi kari wayday.

Waxaa kaalinta saddexaad kaga jira dhibaatada birta goolka ee xili ciyaareedkan xidiga kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez kaas oo shan gool ku waayay beeninta birta goolka ee fursadihii uu helay taas oo ka dhigi lahayd xidiga xili ciyaareedkan ugu goolasha badan.

Waxaa liiska xidigaha nasiib xumada u saaxiibka noqday xili ciyaareedkan ku jira Charlie Adam, Daniel Sturride, Jack Wilshere, Dele Alli iyo Christian Benteke oo dhamaantood min afar jeer birta goolku ay ka beenisay fursado ay goolal ku dhashan lahaayeen.

LIISKA XIDIGAHA XILI CIYAAREEDKAN AY BIRTA GOOLKU GOOLASHA UGU BADAN KA BEENISAY:

Ciyaartoyga Kooxda Tirada birta la Garaacay
Paul Pogba Man Utd 7
Kevin De Bruyne Man City 7
Alexis Sanchez Arsenal 5
Charlie Adam Stoke 4
Daniel Sturridge Liverpool 4
Jack Wilshere Bournemouth 4
Dele Alli Tottenham 4
Christian Eriksen Tottenham 4

Dhinaca kale Manchester United ayaa ah kooxda xili ciyaareedkan tirada ugu badan birta goolka garaacday waxayna 19 jeer kubbada ku dhufatay birta goolka, waxaana ku soo xigta Manchester City oo 17 gool ku wayday diidmada ay kala hortimid birta goolku halkan kaga bogo liiska kooxaha tirada ugu badan birta garaacay oo dhamaystiran.

Kooxda Tirada Birta Goolka La Garaacay
Man Utd 19
Man City 17
Tottenham 14
Bournemouth 13
Liverpool 11
Arsenal 10
Chelsea 10
Stoke 10
Southampton 9
West Ham 9
Leicester 8
Hull 7
Crystal Palace 6
Everton 6
Swansea 6
Burnley 4
Middlesbrough 4
Watford 3
West Brom 3
Sunderland 1








Comments

comments

Mahamoud Batalaale
Mahamoud Batalaale