WARBIXIN: Maxaad Kala Socotaa Sheekada Cajiibka Ah Ee Ka Dhexaysa Xulalka Qarmada Argentina-Peru Ee Ka Hor Kulanka Muhiimada Khaaska Leh Ee Koobka Aduunka?.

Xulka qaranka Argentina ayaa dagaal wayn ugu jira sidii uu qayb uga soo noqon lahaa koobka aduunka ee Russia 2018 waxayna loolan adag kula jiraan shan xul qaran oo ay ka mid yihiin oo u dagaalamaya kaalmaha sida tooska ah ay qaramada South America ugu soo baxaan koobka aduunka iyada oo Brazil tahay xulka kaliya ee ilaa hadda booskiisa xaqiijisatay. Xulka qaranka Argentina ayaa si xun ugu soo dhibtoonayay kulamadii isreeb reebka koobka aduunka taas oo keentay in ay badalaan macalinkoodii hore.

Argentina ayaa kulan muhiimad khaas u leh la ciyaari doona xulka qaranka Peru oo ay taariikh cajiib ah isku leeyihiin marka ay noqoto isreeb reebka koobka aduunka waxaana jiray kulamo lagu xusuusan doono marka ay Argentina xulka qaranka Peru ku soo dhaayso Buenos Aires.

Aan marka hore idin xusuusiyo in Argentina iyo Peru ay isu dhibco ka yihiin isreeb reebka koobka aduunka ee South America waxayna wadaagaan min 24 dhibcood waxaana hadhsan oo kaliya laba kulan oo la ciyaari doono maalmaha soo socda iyada oo waliba Peru ku jirta kaalinta afraad halka Argentina ay kaalinta shanaad ku jirto.

Xusuusta Taariikhda Argentina Vs Peru ee Isreeb Reebka Koobka Aduunka.

Xusuustii: August 31, 1969: Argentina 2-2 Peru – Sanadkii 1969 kii waxaa loo soo baxayay koobkii aduunka ee 1070 kii ka dhacay dalka Mexico waxaana kulan xusuus wayn leh iskaga hor yimid Argentina iyo Peru wuxuuna kulankaasi ku dhamaaday barbaro 2-2 ah waxaana koobka aduunka markaas u soo baxay xulka qaranka Peru iyada oo Argentina tartanka laga cidhib tiray.

Xusuustii : June 30 1985: Argentina 2-2 Peru- Markae sanadkii 1985 kii xulalka qaramada Argentina iyo Peru ayaa iskaga hor yimid kulan xusuus kale oo khaas ah huwan, waxayna markale ku kala baxeen barbaro 2-2 ah iyada oo Argentina u soo baxday koobkii aduunka ee 1986 kii  waxayna Peru u soo baxday kulamadii Play-offka iyada oo guuldaro kala kulantay Chile.

Xusuustii: October 11 2009: Argentina 2-1 Peru- Kulan kale oo lagu xusuusto Argentina iyo Peru ayaa dhacay sanadkii 2009 kii markaas oo ay Argentina daqiiqadii saddexaad ee waqtigii dheeriga ahaa ugu danbaysay ay dhaliyeen goolka guusha waxayna Peru ku qalbi jabiyeen guul 2-1 ahayd oo ay waqtigii dhimashada Argentina gaadhay markas oo Argentina u soo baxday koobkii aduunka ee 2010 kii ka qabsoomay South Africa iyaga oo ka dheeraday kulamadii Play-offka.

Laakiin sheekada Argentina iyo Peru ayaa wali sii socon doonta iyada oo labada xul qaranba ay guul u baahan yihiin si ay uga mid noqdaan afarta xul qaran ee sida tooska ah South America koobka aduunka ugaga soo baxay waxaana hadda jira saddex boos oo ay ku tartamayaan Uruguay oo fursada ugu wayn haysta, Colombia oo ku soo xigta, Peru, Argentina iyo Chile halka sidoo kale Paraguay ayna wali quusan.

Miiska Kala Saraynta Qaramada South America Ee Isreeb Reebka Koobka Aduunka: 

Kulamada Laga Ciyaarayo South America Ee Saamaynta Wayn Ku Yeelan Kara Xulalka Qaramada Brazil U Raaci Doona Koobka Aduunka Russia:

Kulanka Bolivia iyo Brazil ayaan yeelan doonin wax saamayn ah maadaama oo ay Brazil kaalinta kowaad xaqiijisatay isla markaana ay Bolivia xili horeba hadhay laakiin dhamaan kulaamada kale ayaa saamayn toos ah ku yeelan doona qaramada u soo bixi doona koobka aduunka. Chile iyo Ecuador waxaa muhiimada wayn uu kulankani u yahay Chile halka Argentina iyo Peru ay labaduba muhiimad wayn u yeelan doonto in ay guulaystaan laakiin Colombia iyo Paraguay sidoo kale kala calaf qaadi doona.

Bolivia Vs Brazil- Taariikhda= October 5,  11:00 Habeenimo ee Saacada Geeska Afrika

Venezual vs Uruguay- Taariikhda= October 6, 12:00 AM Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Chile vs Ecuador- Taariikhda= October 6, 2:30 AM Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Argentina vs Peru – Taariikhda= October 6,  2:30 AM Saqda dhexe ee Saacada Geeska Afrika

Colombia vs Paraguay- Taariikhda= October 6, 2:30 AM Saqda dhexe ee Saacada Geeska Afrika