Home » Wararka Maanta » WARBIXIN: Lionel Messi, Luis Suarez Iyo Neymar JR Oo Gool Dhalintooda Heer Kale U Qaaday Iyo Xog Aad U Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato.

WARBIXIN: Lionel Messi, Luis Suarez Iyo Neymar JR Oo Gool Dhalintooda Heer Kale U Qaaday Iyo Xog Aad U Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato.




Kulankii lugta hore ee Copa Del Rey ayay Messi Suarez iyo Neymar JR ubaahnaayeen in ay dhaliyaan 3 gool si ay u gaadhaan 300  oo gool oo ay si wada jir ah u soo dhaliyeen tan iyo markii uu Luis Suarez kulankiisii ugu horeeyay u saftay Barcelona ee ay samaysteen xidhiidhka cajiib ah ee ay aduunka kaga yaabsadeen. Lionel Messi ayaa saddexdii kulan ee ugu danbeeyay min hal gool oo laaga xorta ah ka dhaliyay waxaana sido kale kulankii Camp Nou ee xalay MSN gaadheen isla markaana dhaafeen 300 oo gool oo ay Barcelona u soo dhaliyeen.




Ugu horayn Luis Suarez ayay xalay u ahayd habeen taariikhi ah kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 100 aad ee waayihiisa ciyaareed ee Barcelona, wuxuuna goolashan ku dhaliyay 120 kulan wuxuuna sidoo kale sameeyay 60 gool caawineed taas oo la micno ah in uu 120 kulan ku lug lahaa 160 gool oo ay Barcelona dhalisay!!.

Sidoo kale Lionel Messi ayay xalay u ahayd habeen uu markale galay buugaagta taariikhda Barcelona kadib markii uu barbareeyay rekoodhkii goolasha laaga xorta ah ee abid uu dhaliyay ciyaartoy Barcelona ahi waxaana rekoodhkan 26 gool ku haystay tababaraha kooxda Everton ee Ronald Koeman.

Dhinaca kale Neymar JR ayaa xalay soo gabagabeeyay muddo  1,021 daqiiqo ah oo uu ka soomanaa gool dhalinta kooxdiisa Barcelona wuxuuna kulankii Athletic Bilbao ee Camp Nou uu ka dhaliyay gool rekoodhe qaladkiisa isaga lagu galay. labadii gool ee ay Suarez iyo Neymar dhaloyeen kulankii Bilbao ayaa dhamaystiray 300 ee gool ee ay MSN sida wada jirka ah u soo dhaliyeen halka goolkii Messi uu ka dhigay 301 gool. Messi ayaa dhaliyay 125 gool halka Luis Suarez uu muddadan 100 gool dhaliyay waxaana 76 jeer shabaqa gaadhay Neymar JR.

MSN ayaa xili ciyaareed tartamada oo dhanka dhaliyay 48 gool waxaana goolasha ugu badan dhaliyay Lionel Messi oo 23 kulan ku dhaliyay 25 gool wuxuuna sameeyay 7 gool caawineed halka Luis Suarez uu dhaliyay 16 gool oo uu ku dhaliyay 24 kulan halka Neymar JR oo aan xili ciyaareedkan gool dhalin fiican ku jirin uu ilaa hadda leeyahay 7 gool oo uu ku dhaliyay 21 kulan balse waxa uu caawiye ka ahaa 14 gool taas oo badal ugu noqotay goolasha uu waayay.









Comments

comments

Mahamoud Batalaale
Mahamoud Batalaale