WARBIXIN: Lewandowski, Ronaldo, Lukaku & Xidigaha Kale Ee Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee Qaramada Yurub Iyo Kulamada U Hadhsan.

Kulamada isreeb reebka koobka aduunka ee qaramada yurub ayaa hadda maraya heer gabogabo ah waxaana qaramada Yurub ay qaar ka mid ahi haddaba goosteen tikidhka ay kaga qayb gali doonaan koobka aduunka ee Russia 2018 waxaana ka mid ah Germany, England, Spain iyo Belgium si  lamid ah Russia oo koobkan marti galinaysa laakiin xaalada xulka qaranka Talyaaniga ayaa noqotay mid lama filaan ah kadib markii ay xalay barbaro 1-1 ah la galeen Macedonia waxayna u muuqdaan kuwo qayb ka noqon kara kulamada Play-offka ee markale isreeb reebka kale soo gali doona.

Laakiin marka laga yimaado awooda xulalka qaramada yurub ee ku dagaalamaya sidii ay koobka aduunka ugu soo bixilahaayeen, waxaa sidoo kale jira xidigo badan oo gool dhalinta isreeb reebka koobka aduunka ee qaramada yurub ku dagaalamya.

Cristaino Ronaldo ayaa kulamadii caalamiga ahaa ee kuwan ka horeeyay waxa uu taariikh u dhigay gool dhalinta isreeb reebka koobka aduunka kadib markii uu 14 gool dhaliyay laakiin waxaa rekoodhkaas isla markiiba meesha ka saaray gool dhaliyaha ree Poland ee Roberto Lewandowski kaas oo saddexley uu kulamadii ugu danbeeyay dhaliyay gool dhalintiisa kaga dhigay 15 gool si uu markiisa rekoodh cusub ugu dhigo isreeb reebka koobka aduunka ee qaramada yurub.

Haddaba waxaanu halkan ku eegaynaa xidigaha ilaa hadda goolasha ugu badan ka soo dhaliyay kulamada isreeb reebka koobka aduunka ee qaramada Yurub iyo waliba kulaada u hadhsan saddexda xidig ee ugu sareeya taas oo go’aamin karta xidiga goolasha ugu badan yeelan doona.

Roberto Lewandwoski waxaa u hadhsan hal kulan oo kaliya si uu rekoodhka uu hadda u dhigay qaramada Yurub u sii difaacan karo laakiin Cristiano Ronaldo ayaa haysta laba kulan oo uu Lewandowski kaga soo ceshan karo rekoodhka gool dhalinta isreeb reebka koobka aduunka ee qaramada yurub.

Sabtida Portugal ayaa booqan doona xulka qaranka Andorra ka hor inta ayna soo dhawayn Switzerland waana laba kulan oo uu Ronaldo ku dhalin karo goolal uu Lewy ku dhaafi karo. Laakiin Roberto Lewandowski iyo xulka qarankiisa Poland ayaa axada soo dhawayn doona  Montenegro waana kulanka uu Lewandowski fursada u haysto in uu rekoodhkan sii xejisan karo.

Dhinaca Romelu Lukaku oo kaalinta saddexaad kaga jira gool dhalinta isla markaana 10 gool soo dhaliyay ayaa dhaawac ku seegaya kulanka ay xulka qarankiisa Belgium caawa la ciyaari doonaan Bosnia and Herzegovina laakiin waxa la ogaan doonaa haddii uu talaadada safan karo kulanka Cyprus.

Halkan kaga bogo Xidigaha Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee Qaramada Yurub:

15: Robert Lewandowski (Poland)

14: Cristiano Ronaldo (Portugal)

10: Romelu Lukaku (Belgium)

7: Stevan Jovetić (Montenegro)

7: André Silva (Portugal)

7: Christian Eriksen (Denmark)

6: Aleksandar Mitrović (Serbia)

6: Ciro Immobile (Italy)

6: Andriy Yarmolenko (Ukraine)