TAARIIKH: Kooxaha Premier Leaque Oo Taariikh Khaas Ah Ka Dhigay Champions Leaque, Gool Dhalintii Heerka Groupyada Oo Rekoodh Cusub Laga Diwaan Galiiyay, Cristiano Ronaldo Oo Barbareeyay Rekoodhkii Gool Dhalinta Champions Leaque Ee Lionel Messi Iyo CR7 Oo Rekoodh Kale Oo Cusub Dhigay.

Waxaa gabi ahaanba la soo gabagabeeyay kulamadii wareega ugu danbeeyay heerka Groupyada Champions Leaque-ga iyada oo haddaba la ogyahay dhamaan kooxaha wareega xiga isku aadka loogu samayn doono ee koobka Champions Leaque ku sii tartami doona. Afartii kooxood ee laga sugayay kulamadii ugu danbeeyay ayaa soo baxay.

Kooxaha Liverpool, Sevilla, Shaktar iyo FC Porto ayaa ku biiray kooxihii booskooda wareega 16ka kooxood hore ugu sii baxay ee kala ahaa Barcelona, FC Basel,  Bayern Munich, Beşiktaş,  Chelsea,  Juventus, Manchester City, Man United, PSG, Real Madrid, AS Roma iyo Tottenham.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xog aad uga baahan tahay in aad ka ogaato kulamada ugu danbeeya heerka Groupyada Champions Leaque iyo dhacdooyin taariikhi noqon doona haddii sida la filayo in ay dhacaan.

Kooxaha Wareega 16 Ka UCL U Soo Baxay Barcelona*, Bayern München, Beşiktaş*, Chelsea, Manchester City*, Paris Saint-Germain*, Real Madrid, Tottenham Hotspur*, Manchester United*, AS Roma*, Juventus, FC Basel, Liverpool*, Shaktar, FC Porto, Sevilla.

(Calaamada ‘*’ waxay muujinaysaa kooxaha kaalinta kowaad groupkooda ka xaqiiqistay)

 

  • Manchester City Iyo PSG Oo Ku Fashilmay In Ay Guulihii Boqolkiiba Boqolka Ahaa Sii Wataan.

Kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa ahaa labada kooxood ee kaliya ee guulo boqolkiiba boqol ah  ku dhamaysan karayay heerka groupyada Champions Leaque ay 6 kulan ka helaan 18 dhibcood laakiin PSG ayaa qorshan ku fashilantay iyada Allianz Arena guuldaro kagala kulantay kooxda Bayern Munich laakiin  Manchester City ayaa u baahan in ayna sidii PSG rekoodhkan iska lumin oo ay guul ka gaadho Shakhtar balse kooxda ree Ukraine ayaa guuldaro 2-1 ah dhabarka u soo saartay Sky Blules.

Iyada oo PSG hore guuldaro wayn u soo baday Bayern Munich isla markaana ay sabab u noqotay in Carlo Ancelotti shaqada looga caydhiyay ayay Bayern Munich markeeda 3-1 ku dubatay kooxda ree France taas oo keentay in ay ku fashilantay guulihii boqolkiiba boqolka ahaa ee ay doonaysay waxaana dariiqa PSG martay  Man City oo ay iyadana guuldaradii ugu horaysay soo gaadhay..

  • Liverpool Oo Markeeda Ka Soo Baxday Masuuliyadii Saarnayd Si Ay England Iyo Premier Leaque Taariikh ugu abuurto.

Kooxaha Premier Leaque ayaa fursad wayn u haysta in UEFA ay si khaas ah ugu furi doonto bog cusub oo taariikhi ah iyada oo kooxaha ree England ay noqon karaan kooxihii abid ugu horeeyay ee wareega 16 ka kooxood ee UEFA Champions Leaque ay shan kooxood ugu soo baxaan. waxaa England wareega 16ka ugu soo baxsanaa kooxaha Chelsea, Manchester City, Tottenham iyo Manchester United oo  guul ka gaadhay kooxda CSKA Moscwo laakiin si rekoodh khaas ah ay kooxaha England u gaadhaan waxay masuuliyada taariikhdani qoorta u sudhanayd Liverpool.

Laakiin Liverpool ayaa sidii ay ahayd uga soo abxday masuuliyadii taariikhdan waxayna 7-0 ku garaacday kooxda Spartak Moscwo si markii ugu horaysay taariikhda Champions Leaque ay wareeaga 16ka kooxood ugu soo baxaan shan koxoood oo isku dal ahi. Haddii xili ciyaareedkii hore ay Leicester City ahayd kooxda kaliya ee calanka England wareegan ku matalaysay waxaa xili ciyaareedkan soo baxay shan kooxood si ay taariikh cusub u abuuraaan.

In England ay  boqolkiiba 31.25% ka heshay kooxaha wareega 16 ka UEFA Champions Leaque ku tartamaya waxay noqo tay taariikh oo laga diwaan galiyay wareega 16ka kooxood ee Champions Leaque.

Sida aad xogtan ka fahantay waxay ugu dhawaan kooxaha Premier Leaque taariikh ka dhigi doonaan UEFA Champions Leaque iyaga oo noqon doona kooxihii isku wadanka ahaa ee abid ay shan kooxood ugu soo baxeen wareega 16 ka kooxood waana mid taariikhi noqon doonta.

 

  • Kooxaha Yurub Oo Taariikh Cusub Oo Gool Dhalinta Ah Ka Dhigay Heerka Groupyada Champions Leaque.

Xili ciyaareed kasta xogtiisa ayaa si gaar ah loo diwaan galiyaa waxaana la barbar dhigaa xili ciyaareedyadii ka horeeyay, waxaana kulamada lixaad ee heerka Groupyada Champions Leaque uu noqon karaa mid isaga laftiisu taariikhda tartankan lagu qori doono.

Xili ciyaareedkii 1999/2000 kii ayay ahayd markii kooxaha Yurub ay heerka Groupyada ka soo dhalyeen goolashii ugu badnaa ee rekoodhka ilaa hadda la soo gaadhi waayay dhigay, waxayna markaas kooxaha Yurub lixdii kulan ee heerka Groupyada ay ka dhaliyeen 292 gool laakiin ka hor kulamada lixaad ee usbuucan ayaa waxaa la soo dhaliyay 256 gool iyada oo kulamadii talaadadii la ciyaarayna laga dhalyay 15 gool taas oo la micno ah in kulamada arbacada looga baahnaa yahay 21 gool si rekoodhkan gool hdalinta ee heerka Groupyada ugu yaraan loo barbarayn karo.

Laakiin kulamadii ugu danbeeyay waxay kooxihii ciyaaray iska dhaliyeen 33 gool taas 21 kii gool ee barbaraynta rekoodhkan looga baahnaa si wayn uga badan waana markii ugu horaysay ee tartanka Champions Leaque heerkiisa groupyada goolasha ugu badan laga dhaliyay.

  • Cristiano Ronaldo Oo Barbareeyay Rekoodhka Gool Dhalinta Heerka Groupyada Champions Leaque Ee Uu Lionel Messi Haysto iyo Ronaldo oo mid cusub dhigay.

Cristiano Ronaldo ayaa u baahnaa in uu hal gool ama wax ka badan uu ka dhaliyo kulankii ay kooxdiisa Real Madrid  soo dhawaysay kooxda Borussia Dortmund wuxuuna isha ku hayay in uu gaadho rekoodhka gool dhalinta heerka Groupyada Champions Leaque oo uu Lionel Messi ku haystay 60 gool halka Ronaldo uu ka soo dhaliyay 59 gool. Ronaldo ayaa dhaliyay goolkii labaad ee kulankii Dortmund si uu Messi uga barbareeyo rekoodhkan.

Laakiin Ronaldo ayaa dhigay rekoodh kale oo isaga u khaas ah kaas oo aanu wali ciyaartoy kale gaadhin isaga oo noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee lixda kulan ee heerka Groupyada Champions Leaque goolal ka wada dhaliyay isaga oo 9 gool ka soo dhaliyay lixdii kulan ee uu xili ciyaareedkan ka soo aftay UCL.

Intaa kadib waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa waxa ka danbayn doona kulamada lixaad ee UEFA Champoins Leaque iyo sida uu ku sii socon doono jadwalka UEFA Champions Leaque oo uu ugu soo horayn doono isku aadka wareega 16 ka kooxood ee ilaa taariikhda finalka tartankan la ciyaari doono.

I

Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Wareega 16ka Kooxood Ee Champions Leaque?

Haddii aan si fiican u soo fahanay qaabka uu u shaqeeyo isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions Leaque aan markan soo qaadano waqtiga la samayn doono isku aadka wareegan iyada oo maalinta Isniinta ee December 11 isku aadkan lagu samayn doono xarunta guud ee ay UEFA ku leedahay magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaana isku aadka la samayn doonaa marka ay saacadu tahay 12:00CET.

Goormaa La Ciyaari Doonaa Kulamada Wareega 16ka Kooxood Ee UCL?

Kooxaha kaalinta kowaad groupyadooda kaga soo baxay waxay marti noqon doonaan kulamada lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee la ciyaari doono 13/14 February 2018 halka kulamada lugta labaad la ciyaari doono 20/21 February 2018 iyada oo kulamada lugta labaad lagu ciyaari doono kooxaha kaalinta kowaad kaga soo dhamaystay groupyadooda.

Siddeed Dhamaadka Champions Leaque:

isku Aadka Sidded Dhamaadka UCL (16 March, 2018)
Taariikhda la ciyaari doono kulamada lugta hore ee Quarter Finalka (3–4 April, 2018)
Taariikhda la ciyaari doono kulamada lugta labaad ee Quarter Finalka (10–11 April, 2018)

Afar Dhamaadka Champions Leaque:

isku Aadka Afar Dhamaadka UCL (13 April, 2018)
Taariikhda la ciyaari doono kulamada lugta hore ee Semi Finalka (24–25 April)
Taariikhda la ciyaari doono kulamada lugta labaad ee Semi Finalka (1–2 May)

Taariikhda Finalka Champios Leaque Iyo Goobta Uu Ka Dhici Doono:

Garoonka:  NSK Olimpiyski, Magaalada: Kyiv (26 May, 2018)