WARBIXIN: Kadib In Man City Ay Koobka Premier League Ku Guulaystay, Dagaalka Kaalinta 2-Aad Ilaa Afraad Oo Hadda Ah Waxa Ugu Muhiimsan Iyo Kulamada U Hadhsan Kooxaha Ku Loolamaya.

Kooxda Manchester City ayaa ugu danbayn soo afjartay tartankii koobka Premier league waxayna si rasmi ah u noqotay kooxda Championska xili ciyaareedkan 2017/18 ee horyaalka Premier league kadib markii ay 16 dhibcood ka sare martay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester United oo ay guuldaro ka soo gaadhay West Brom taas oo la micno ah in haddii Man United ay wada guulaysato shanta kulan ee u hadhsan in ayna gaadhi karin 16 dhibcood.

Haddii albaabkii koobka Premier league soo xidhmay waxaa wali furan tartanka kaalmaha UEFA Champions League sida tooska ah loogu soo baxayo ee min kaalinta 2-aad ilaa ilaa kaalinta 4- aad ee horyaalka Premier league waxayna hadda u muqataa mid iyada lafteeda dhawaan la go’aamin karo.

Manchester City ayaa rekoodh cusub u dhigtay horyaalka Premier league iyada oo noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee koobkan ku soo guulaysatay iyada oo shan kulan xili ciyaareedka ka hadhsa yihiin waxayna kooxda Guardiola raadinaysaa in ay dhibco rekoodh ah xili ciyaareedka ku dhamaysato iyada oo haddaba haysata 87 dhibcood 33 kii kulan ee ay soo ciyaartay.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa sidii aad uga barateen idinla socodsiinaysa kulamada u hadhsan kooxaha wali uu dagaalku ku sii dhex marayo kaalmaha sare iyada oo xogtan laga fahmo kooxaha ay halista ugu wayni ku soo wajahantahay, kuwa haddaba quusta taaqan iyo kuwa rajada ugu fiican haysta.

Sida aan lawada socono kaalmaha 2,3 iyo 4 aad waxaa hadda si toos ah ugu loolamaya kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Tottenham laakiin Chelsea ayaa sugaysa in ay rajo heli karto haddii ay kooxaha ka horeeyaa fursad siiyaan laakiin rajadii Arsenal ayaa ku soo koobantay 2 dhibcood oo kaliya si xisaab ahaan ay si rasmi ah ugu seegto kaalinta afraad.

Haddaba halkan kaga bogo kulamada u hadhsan min kooxda kaalinta labaad ku jirta ilaa kooxda kaalinta lixaad fadhida iyo xogtooda oo faah faahsan.

Xota Manchester United Ee Premier league:

Kaalinta: 2 Aad

Kulamada Ay Ciyaartay: 33

Dhibcaha Ay Soo Heshay: 71

Man United aya kulanka ugu soo horeeya la ciyaari doonta Bournemouth laakiin waxayna kulankan ciyaari doontaa iyada oo la niyadjabsan guudaradii ka soo gaadhay West Brom ee kooxda ay dariska yihiin ee Man City koobka Premier league ka caawisay laakiin Mourinho iyo kooxdiisa ayaa maanka ku hayn doona in fursadii waynayd ee kaalinta labaad ay si wayn hoose ugu dhacday.

Haddii ayna Man United iyadu sabab iskugu noqon oo ayna natiijooyin xun helin waxay hadda u muuqataa in ay wali kaalinta labaad xejisan karto maadaama oo ayna ku mashquulsanayn tartanka UEFA Champions league inkasta oo ay FA Cupka qayb ka tahay oo ay Tottenham la ciyaari doonto.

Man United ayaa hal dhibic oo kaliya ka saraysa kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Liverpool oo xaalad aad u fiican ku jirta laakiin Reds ayaa ciyaartay kulan dheeraad ah taas oo la micno ah in haddii United ay kulankeeda guulaysato ay 4 dhibcood ka sarayn karto Liverpool. Man United ayaa kulanka ugu adag la ciyaari doonta Arsenal.

Kulamada Man United U Hadhsan:

Bournemouth v Manchester United (18/04/2018)

Manchester United v Arsenal (29/04/2018)

Brighton v Manchester United (05/05/2018)

Manchester United v Watford (13/05/2018)

West Ham v Manchester United (Taariikhda lama shaacin)

Xota Liverpool Ee Premier league:

Kaalinta: 3 Aad

Kulamada Ay Ciyaartay: 34

Dhibcaha Ay Soo Heshay: 70

Liverpool ayaa qaadanaysa waqti aad u fiican iyada oo aad ugu dhaw in ay xaqiijisato kooskeeda UEFA Champions League ee xili ciyaareedka soo socda waxayna sidoo kale ku raaxaysanaysaa in ay tahay kooxda kaliya ee England ka dhisan ee soo gaadhay afar dhamaadka UEFA Champions League.

Reds ayaa 70 dhibcood ka soo heshay 34 kulan waxayna kooxda Klopp haysataa fursad wayn oo ay dhawaan ku gaadhi karto ujeedadeeda kaalinta saddexaad ama labaad iyada oo hadda u muuqata in ay Tottenham oo culays soo saaraysay ka heshay banaan fiican kadib guuldaradii Spurs ka soo gaadhay Man City.

Jurgen Klopp ayaa xili ciyaareedkan u muuqda mid xal u helay dhibaatadii joogtada ahayd ee kooxdiisa ka haysatay kooxaha heerka dhexe ama heerka hoose ku ciyaara ee premier league waxayna dhibaato wayn u soo gaysteen kooxo ay natiijo xun ka soo heli jireen waana sababta ay Reds niyadsamadi ugu qabaan in ay u soo bixi karaan kaalmaha sare.

Liverpool waxaa xili ciyaareedkan horyaalka Premier league uga hadhsan afar kulan oo kaliya waxaana ugu culus kulanka ay Chelsea martida u noqon doonaan laakiin haddii ay kulamada hore sii guulaysato waxayna sii xaqiijisan kartaa booskeeda UEFA Champions League oo ah kan ugu muhiinsan ee ay doonayso.

Kulamada Liverpool U Hadhsan:

West Brom v Liverpool (22/04/2018)

Liverpool v Stoke City (28/04/2018)

Chelsea v Liverpool (05/05/2018)

Liverpool v Brighton (13/05/2018)

Xogta Tottenham Ee Premier league:

Kaalinta: 4 Aad

Kulamada Ay Ciyaartay: 33

Dhibcaha Ay Soo Heshay: 67

Tottenham ayaa iska lumisay fursad wayn oo ay kaalinta saddexaad cadaadis ugu sii saari kartay Liverpool laakiin guuldaradii waynayd ee ka soo gaadhay Manchester City ayaa hoos u dhigtay rajadii waynayd ee ay Spurs ka qabtay in ay kaalinta saddexaad ku dhamaysan karto waxayna hadda u muuqataa mid kaalinta afraad ku dhamaysan karta.

Tottenham waxaa u hadhsan shan kulan laakiin waa kulamo aan ahayn kuwii ugu adkaa taas oo si sahlan uga caawin karta in ugu yaraan ay kaalinta afraad ku dhamaysan karto waana fursad aan u fiicnayn kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Chelsea.

Kulamada Tottenham U Hadhsan:

Brighton v Tottenham (17/04/2018)

Tottenham v Watford (30/04/2018)

West Brom v Tottenham (05/05/2018)

Tottenham v Leicester City (13/05/2018)

Tottenham v Newcastle United (Taariikhda lama shaacin)

Xogta Chelsea Ee Premier League:

Kaalinta: 5 Aad

Kulamada Ay Ciyaartay: 33

Dhibcaha Ay Soo Heshay: 60

Chelsea ayaa ka soo kabsatay guuldaro 2-0 ah oo ay kala kulmaysay Southampton si ay wali nolol ugu sii hayso rajadeeda ah in ay kaalinta afraad ku dhamaysan karto. Inkasta oo ayna gacanta kooxda Antonio Conte waxaba ugu jirin oo ay ku xidhan tahay natiijooyin xun oo ay helaan kooxaha ka horeeyaa.

Chelsea ayaa 60 dhibcood ka haysata 33 kulan waxayna ku jirtaa kaalinta shanaad laakiin waxay haddaba u muuqataa mid seegaysa UEFA Champions League maadaama oo ay 7 dhibcood ka hoosayso Tottenham oo kaalinta afraad ku jirta oo 33 kulan iyaduna soo ciyaartay halka 10 dhibcood ay ka hoosayso Reds oo kaalinta saddexaad ku fadhida.

Waxa kale oo Chelsea muhiim u noqon doona kulanka ay Liverpool isla Stamford Bridge ku soo dhawayn doonto 05/05/2018 laakiin waxay u baahan doontaa in ayna wax qaladaad ah ka samayn kulamada kale iyada oo waliba qayb ka ah FA Cupka oo ah koobka kaliya ee ay xili ciyaareedkan ku guulaysan karto.

Haddii ay Chelsea kulamadeeda wada guulaysato oo ayna kooxaha ka sareeyaa dhibco badan lumin wax rajo ah ma yeelan doonto, waana sababta ayna rajada kooxdeedu ahayn mid ku xidhan kaliya in ay kulamada kooxdeeda ay guulaysato.

Kulamada Chelsea U Hadhsan:

Burnley v Chelsea (19/04/2018)

Swansea City v Chelsea (28/04/2018)

Chelsea v Liverpool (05/05/2018)

Newcastle United v Chelsea (13/05/2018)

Chelsea v Huddersfield (Taariikhda lama shaacin)

Xogta Arsenal Ee Premier league

Kaalinta: 6 Aad

Kulamada Ay Ciyaartay: 33

Dhibcaha Ay Soo Heshay: 54

Arsenal haddaba waxay ka quusatay in ay kaalinta afraad iyo UEFA Champions League heli karto waxayna awoodeeda iskugu gaynaysaa sidii ay u guulaysan lahayd 270 ka daqiiqo ee uga hadhsan koobka Europa League kaas oo ah dariiqa kaliya ee ay hadda u soo mari karto u soo bixitaanka UCL.

Guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay Newcastle United waxay la micno tahay in haddii ay Gunners wada guulaysato dhamaan shanta kulan ee u hadhsan waxay heli kartaa 69 dhibcood waana in 2 dhibcood oo kaliya ka saraysa haddii ay kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Tottenham wada guuldaraysato waana sababta labadan dhibcood wali xisaab ahaan si rasmi ah uga saari laayihiin Gunners inkasta oo caqli ahaan ay haddaba wax walba kala cad yihiin.

Kulamada Arsenal U Hadhsan:

April 21: West Ham (Minan),

April 28: Man Utd (Marti),

May 5: Burnley (Minan),

May 9: Leicester City (marti)

May 13: Huddersfield (Marti)

Haddaba akhriste, adiga oo adeegsanaya aqoonta aad u leedahay horyaalka Premier league isla markaana kaashanaya xogta aad warbixintan ku soo akhrisatay, sidee loogu kala guulaysan karaa min kaalinta labaad ilaa kaalinta afraad ee UEFA Champions League loogu soo baxayo?.

10 Comments

Comments are closed.