WARBIXIN: Kaddib Siddeed Kulan Oo Ilaa Haatan La Ciyaaray, Shabakada GOAL Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Horyaalka Premier League, Yaa Kooxdaada Ugu Jira?

Kaddib kulamo siddeed ah oo ilaa haatan laga ciyaaray horyaalka Premier League waxa durtaba lasoo xulay shaxda 11-ka xiddig ee ugu fiican ee ilaa haatan bandhigyada layaabka leh ka sameeyay kulamadaas.

Iyadoo haatan loo ambabaxay kulamada xulalka ee socon doona maalmaha soo socda ayaa waxaan warbixintan idiinku soo bandhigi doonaa xiddigaha ilaa haatan bandhiga il-qabadka leh ka samaynaya PL kaddib siddeed toddobaad.

Shaxdan ayaa ah mid ay xiddigaha ugu badan ku leedahay kooxda Chelsea oo ay afar xiddig ugu soo baxeen, Liverpool iyo Manchester City ayaa sidoo kale xiddigo ka helay balse Manchester United iyo Arsenal ayaa gabi ahaanba ku hungoobay.

Goolhayaha = Rui Patricio

Go’aanka Rui Patricio loogu doortay goolhayaha ilaa haatan ugu fiican horyaalka Ingiriiska ayaa ah mid adag maadaama oo ay sidoo kale bandhigyo heer sarre ah sameeyeen Alisson Becker iyo Kepa Arrizabalaga oo ka kala tirsan kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Goolhayaha ree Portugal ayaa lagu doorbiday kharash la’aanta uu kusoo gaadhay Wolves iyo bandhigyada cajiibka ah ee uu sameeyay isagoo Becker iyo Kepa kaga soo hormaray sababtoo ah in lacago waali ah ay iyagu ku yimaadeen kooxahooda.

Daafacyada = Keiran Trippier, Virgil Van Dijk, David Luiz & Marcos Alonso

Daafacyada ayay kasoo wada muuqdeen xiddigaha kooxda Chelsea ee David Luiz iyo Marcos Alonso kuwaas oo hormood ka ah falsafada baaska ku dhisan ee uu Maurizio Sarri ka dhisayo Stamford Bridge.

Sidoo kale waxa afarta daafac dambeed kusoo baxay Virgil Van Dijk oo loo arko sababta ugu weyn ee Liverpool ka dhigaysa koox tartanta kaddib markii uu xasiliyay daafacooda, 27 jirka Tottenham ee Keiran Trippier oo kooxdiisa caawimo weyn ka siinaya daafaca iyo weerarkaba ayaa sidoo kale ka dhex muuqda.

Khadka Dhexe = Jorginho, Roberto Pereyra, David Silva

Khadka dhexe ayay ku bahoobeen Saddex xiddig oo dhammantood leh hal abuur weyn, Jorginho oo xagaagii dhawaa kusoo biiray Chelsea ayaa u muuqda mid 10 sano ka dheelay PL marka loo eego qaabka uu durtaba u saldhigtay horyaalka.

David Silva ayaan ku cusbayn kasoo muuqashada shaxa waaweyn waxaana uu markale bandhig heer sarre ah ku caawinayaa Pep Guardiola iyo Manchester City balse Roberto Pereyra ayaa qaab lama filaan ah uga soo dhalaalay Watford kaddib markii uu gacanta usoo galiyay dhibco badan.

Weerarka = Eden Hazard, Sergio Aguero & Aleksandr Mitrovic

Dabcan Eden Hazard waa midka ugu bandhiga fiican horyaalka ilaa haatan waxaana uu samaynayaa wax aan hore looga baran oo ah gool dhalin joogto ah, 27 jirkan ayaa toddoba gool ku hoggaaminaya gool dhalinta horyaalka.

Dhinaca kale Sergio Aguero ayaa sii joogteynaya gool dhalintiisa aan kala joogsiga lahan ee xilli ciyaareed kasta waxaana uu haatan =ba dhaliyay 5 gool, Si lamid ah Mitrovic ayaa dhaliyay 5 gool isaga oo bandhigiisii cajiibka ahaa ee uu Fulham kula soo sameeyay horyaalka heerka labaad usoo wareejiyay dhinaca PL.

 

Ugu dambayn, Adigu akhriste ma jiraa ciyaartoy aad ka saari lahayd shaxdan 11-ka ciyaartoy ah, Haddiiba uu jiro xiddigee ayaad u aragtaa midkii booskaas xaq u lahaa??