WARBIXIN:-Kaddib Markii Uu Kooxdiisa Atletico Madrid Ku Hogaamiyay Koobka UEFA Europe League, Wax Ka Baro Inta Koob Ee Uu Diego Simeone Ku Guuleystay Intii Majaraha U Hayay Rojiblancos.

Xalay waxa ay habeen qurxoon isla markaana taariikhi ah u ahayd guud ahaan tababaraha, Ciyaartooyda, Taageerayaasha, Maamulka iyo shaqsi kasta oo xidhiidh la leh kooxda Atletico Madrid kaddib markii ay guul ay u qalmeen oo 3-0 ahayd ka gaadheen kooxda Marseille kulan ka dhacay magaalada Lyon ee dalka France.

Waxay u muuqatay musiibo markii si rasmi ah loo xaqiijiyay ka hadhitaanka Atletico ee tartanka Champions League ee bishii December kaddib markii ay kusoo heerka Group-yada ee tartankaas, Laakiin Simione iyo kooxdiisa ayaan gabi ahaanba rajo dhigin iyagoo Europe League u arkay jawharada nuurin karta isla markaana bilicda u yeeli karta xili ciyaareedkooda, Waxayna ugu dambayn rajadaasi noqotay mid midho dhashay habeenkii xalay ahaa.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan ugu soo diyaarisay akhristayaasheda sharafta leh warbixin kooban oo ka waramaysa koobabka uu macalinka ree Argentina ee Diego Simeone ku hogaamiyay kooxdiisa mudadii toddobada sano ahayd ee uu gadh wadeenka ka ahaa.

Diego ayaa mudadaasi kooxdiisa la qaaday koobab ku siman lix koob oo waawayn, Saddex koob oo maxali ah iyo saddex koob oo qaarada yurub dhexdeeda ah waxaana uu u dagaalami doona midkii todobaada marka uu bisha August ciyaari doono UEFA Super Cup oo uu ku wajihi doono kooxda soo qaada Champions League.

Koobabka lixda ah ee uu Simeone la qaaday Rojiblancos ayaa kala ah :-

Koobabka Maxaliga Ah ( Spain Gudaheeda)

Hal Mar Horyaalka La Liga

Hal Mar  Copa del Rey

Hal Mar Spanish Super Cup

Koobabka Qaarada Yurub Gudaheega

Laba Jeer Europa League

Hal Mar Europen Super Cup.